Tufaaxa Iyo Xanjada Oo Ilkaha Cadeeya

Cunista tufaaxa iyo ruugista xanjada ayaa la xaqiijiyay inay ilkaha bini’aadamka cadeeyaan haddii aad loo isticmaalo. Koox khubaro ah oo fadhigoodu yahay magaalada New York ayaa war bixin ay soo saareen waxay ku sheegeen in daraasad la sameeyay lagu ogaaday in cunista tufaaxa iyo ruugista xanjadda ay ilkaha ka dhigaan kuwa cad cad haddii la joogteeyo.

Kooxdaan waxay ku doodayaan in haddii dadku tufaax ama xanjo isticmaalaan mar walba walba oo ay raashin cunaan ay ka heli karaan faa’ido ah in ilkuhu u cadaadaan.

Haweeney la yiraahdo Peta Leigh, o madax u ah qubarada warbixintaan diyaarshay ayaa tiri “Qofkii doonaya in ilkihiisu cadaadaan ha qaato ama ha cuno tufaax iyo xanjo cunnadda kadib si joogto ah taas waxaan hubaa inay run u noqonayso” waxaana ay intaa ku dartay in xanjada iyo tufaaxa ay awood u leeyihiin inay ilkaha sifeeyaan.

Sidoo kale Peta Leigh, waxay sheegtay in waxyaabaha qayira ilkaha bini’aadamka ay ka mid yihiin cabista sigaarka oo la badsado iyo caday la’aanta.

Tufaaxa ayaa la leh biyo dareere ah oo macaan kuwaasoo nadiifiya darbiyada cirridka waxaana ay awood u yeeshaan inay nadiifiyaan halka xanjaduna ay nadiifiso ilkaha.

Peta waxaa ay ugu dambeyn warbixinteeda ku tiri dadka waxaan kula talinayaa inay joogteeyaan cunista tufaaxa iyo xanjada.

Check Also

bunka caddaynta wejiga qaxwaha kafeega is qurxinta wajiga cadeynta wajiga

Bunka Iyo Caddaynta Wejiga

Bunku waxa uu kaalinta labaad kaga jiraa liiska badeecadaha loogu ganacsi badan yahay dunida oo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *