Tufaaxa Iyo Caafimaadkaaga

Mahad iyo amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh, Rabiga Caalamiinka, amaan iyo nabad gelyona ha ahaato korkiisa Rasuulka Allaah iyo Ahalkiisa iyo Asxaabtiisa iyo mid kasta oo maray Jidkiisii oo ku hadaysma Hanuunkiisa ilaa iyo Maalinta Qiyaamaha

Intaas ka dib:

Iyada oo dhamaanba waxa la cunaa ha ahaato Khudrad, Midho iwm ay u leeyihiin faa’iidooyin badan oo kala duduwan Jidka Noolaha ayay hadana sii kala mudan yihiin oo qaarkood ay ku sugan yihiin faa’iidooyin aad u balaadhan oo aan la koobi karayn, sidaas darteed ayaan waxan jeclaystay bal in aan intii Allaah iiga yasiro aan ka soo qaadano dhowr Qoraal wax yaabaha la cuno ee aadka u faa’iidada badan, Maantana hadii Allaah tacaalaa inoo idmo waxan ka hadli doonaa labadaa aan kor ku xusnay, waana sida tan:

Hadii aad CuntoTufaax Maalin walba Hurdada ka ma uu heli doono Dhakhtarku wax uu ka shaqayo!!!! 

Waxa jirta Xikmada hore oo tidhaahda “hadii aad cunto Tufaax Maalin walba Hurdada ka hor waxa uu waayi Dhakhtarku wuxuu ka shaqayo” waana tan aan cinwaanka uga dhigay Qoraalkan. Hadaba Tufaaxu waa Midho qooya oo u fudud Xiidmaha faa’iidana leh, waxaa ku jira 100ka gram ee Tufaaxa ah:

85%  miisaankeeda oo Biya ah

12% oo Sonkor ah

40 unit oo ah Vitamin B1

90 unit oo ah Vitamin A

20 unit oo ah Vitamin C

iyo wax badan oo Mineral Salts ah sida Potassium, Calcium, Phosphorus iyo Iron, waxa kale oo uu hodon ku yahay Fibres ka

Faa’iidooyinka uu Tufaaxu leeyahay

1-Tufaaxa waxa ku jira Madada la yidhaahdo Pectin taas oo sahasha ka saarista Dacarta iyo Gases ka Caloosha

2- waxa uu dejiyaa oo yareeyaa Qufaca wuxuuna fududeeyaa soo saarista Balqamka

3- waxa uu joojiyaa in ay kor u kacdo Cholesterol Dhiiga ku jirtaa

4- waxa uu faa’iido u leeyahay Beerka, Kelyaha iyo Beeryarada isaga oo u fududaynaya Shaqooyinkooda

5- waxa uu taageeraa deganaanshaha Dhiiga

6- waxa uu daweeyaa Calool Fadhiga iyo Shubanka

7- waxa uu taageeraa burburinta Dhagxanta Kaadjahaysta ku samaysanta iyo faa’iidooyin badan oo aynaan halkan ku soo koobi Karin. Dhakhaatiirtu waxay ku taliyaan in uu Qofku cuno Maalintiiba laba Xabo oo Tufaax ah.

Waxaa jirta Maahmaah Shacbi oo tidhaahda: qaado Maalintii Xabad Tufaax ah wuu kaa foogaynayaa Xanuunku weligiiba

Waxay ka baxaan inta badan noocyada Midhuhu Geedo leh Jirid Qori ah oo la yidhaahdo Dhir, hase yeeshee waxaa jira qaar noocyada Midhaha sida Mooska iyo Strawberry ga oo ka baxa Geeda aan lahayn Jirid Qori ah markaas kuwaas laguma tiriyo Dhirta. Dhirta waxa laga beeraa meela kala duwan oo Aduunka ah waxana loo beertaa Adeegsiya kala duwan, ha ahaato Midhahooda oo laga faa’iidaysto, in la hadhsado, in Qurux ahaan loo beerto, in ay Dabaysha laysaga dhigo iyo arima kale oo Tijaarada la xidhiidhaba

Dhir waliba waxay leedahay arimo u gaar ah taas oo ka yeesha inay Goobo Aduunka ka mid ah ka baxdo Goobona aanay ka bixin, tusaale ahaan Dhirta ka baxda Dhulka Qabow kama baxdo Dhulka Kulul, hadaba Tufaaxu hore Dhulkeena ugama bixi jirin, laakiin Beryahan dambe waa la beeray oo kolay intaan anigu u war hayo waxa aad looga beeray Ceerigaabo iyo Hareereheeda waana Beeritaan weli koraaya oo u baahan in tayadiisa kor loo qaado.

Tufaaxa iyo Waqtiga Dayrta 

Hadii ay jirto in Midhuhu leeyihiin Waqti go’an oo ay soo go’aan Sanadkii sida Xabaxabka oo soo go’a Waqtiga Xagaaga waxaan shaki ku jirin in ay Dayrtu tahay Waqtiga uu soo go’o Tufaaxu, Tufaaxu wuxuu leeyahay noocyo badan oo ku kala duwan xaga Midabka, Dhadhanka iyo Adayga iyo Jilayca, kala duwanaantaasu waxay ka dhigaysaa Tufaaxa Midha soocan oo loo baahan yahay ha ahaato in la cuno Waqtiyada Cuntada inta u dhexaysa ama ha loo isticmaalo sida Casiirka ama ha laga samaysto Macmacaan.

Check Also

indho ololka,

Sababaha Keena Indho Ololka Iyo Goorta Ay Tahay In Lala Kulmo Dhakhtar Takhasus Ah

Iskaashatada dhakhaatiirta indhaha ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in indha ololku uu leeyahay sababo tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *