Toonta Iyo Dadka Dhiig Karka Qabo

Daraasad ay sameeyeen culimo Australian ah oo qaadatay mudo gaadhaysa 12 todobaad ayaa tijaabi ahaan loogu sameeyey 50 of oo qaba dhiig kar (high blood pressure) .

Daraasadan oo lagu soo qoray shabakada la yidhaahdo ‘scientific journal Maturitas’ ayaa waxa ay sheegtay in toon tu tahay mid lagaga hortagi karo kor u kaca cadaadiska dhiiga (high blood pressure) .

Culumadan Australian ka ayaa waxa ay ku tijaabiyeen qayb kamid ah dadkii bukaanka ahaa si ay u arkaan bal in wax yabaahan toon ta laga sameeyay ay caawinayaan bukaanka cadaadiska dhiigiisa aadka u sareeyo iyo in kale kasakow daawaynta caadiga ah.

Tijaabadan kadib ayaa culumada waxa ay sheegtay in kooxdii lasiiyay kiniinkii laga soo saaray wax yaabihii laga sameeyay toonta ay hoos u dhigtay kor u kaca cadaadiska dhiiga.

Toon ta ayaa mar hore la arkay in ay hoos u dhigto cholesterol ka oo ah maado sababta in jidhka ay ku badato baruurtu dabadeedna ay xidho halbowlayaasha dhiiga iyo cadaadiska dhiiga.

Waxa sido kale mudo aad u fog la aaminsanaa in toontu wax tar aad u wayn u leedahay wadnaha.

Check Also

caafimaadka kelyaha, kalyo xanuunka,

Hababka Sare Loogu Qaado Caafimaadka Kelyaha, Loogana Hortago Kelyo Xanuunka

Kelyuhu waxa ay door wayn ka ciyaaraan ilaalinta caafimaadka guud, iyagoo dhiigga ka sifeeya qashinka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *