Toddobada Caado ee ay Leeyihiin Dadka Waxtarka leh (The Seven Habits of Highly Effective People)

caado dadka waxtarka lehWaa xalqadii 2aad ee barnaamijkii Fikrad & Buug. Buugga toddobaadkan waa  “Toddobada Caado ee ay Leeyihiin Dadka Waxtarka leh” (The Seven Habits of Highly Effective People) ee uu qoray Stephen Covey.

Caadada 1aad:  Be Proactive. Noqo qof wax sababa oo isagu horseeda waxa uu doonayo. Ha noqon qof isagu suga uun waxa uu doonayo. Naftaada 100% mas’uul ka noqo, diiraddana saar wixii aad wax ka qaban kartid.

Caadada 2aad: Begin with End in Mind. Ku billow adigoo yoolka iyo hadafka maanka ku haya. Caadadani wuxuun bay leedahay yeelo hadaf iyo hiraal nololeed. Wax aad la noolaato oo aad hiigsato.

Caadada 3aad: First Thing First. Mudnaanta koowaad sii waxa leh mudnaanta koowaad. Steven wuxu leeyahay waxayaabaha aad maalintii qabanayso isku miisaan iyo muhiimad malaha, oo way kala muhiimsan yihiin. Sidaa daraadeed, waxaad muhiimadda 1aad siisaa, wixii u adeegaya hadafkaaga nololeed.

Caadada 4aad: Think Win Win. Kolka aad la macaamilayso dadka aad xidhaadhka la leedahay, dadka ay wada shaqayntu idinka dhexeyso iyo cid wal oo noloshaada xidhiidh la leh, u feker hab ay ku salaysan tahay inaad adiguna guulaysto, dadka kalana ay guulaystaan. Ha noqon qof isaga uun doona in uu wax walba helo, ha noqon qof hadduu isagu wax waayo jecel in ay dadka kalana wax waayaan. Sidoo kale ha noqon qof xaqiijinta danaha dadka kale uun u nool sidii shamicii oo illaawa tiisa. Noqo qof dantiisa raacdeeya, isla markaana dadka kalana u ogol in ay iyaguna guulaystaan.

Caadada 5aad: Seek First to Understand to be Understood. Haddaad doonayso in lagu fahmo, isku day in aad adiguna dadka fahanto. Dhagayso, oo ku dhagayso dhago iyo qalbi furan. Isku day inaad qofka u ogolaato in uu sagu hadlo oo aad fahanto si uu isaguna hadhow kuu dhagaysto oo kuu fahmo.

Caadada 6aad : Synergies. Sinerjigu waxa weeye wada shaqayn iyo iskaashi. Dadka leh caadada Sinerjigu, waxay raadiyaan fursado ay ku helaan cid ay iskaashadaan oo ay ka wada shaqeeyaan wax aanu midba iskii u gaadhi karin, laakiin ay wada gaadhi karaan marka ay wada shaqeeyaan.

Caadada 7aad: Sharpen the Saw. Caadadani waxay leedahay qofku waa in uu isku dheellitiro jawaanibta noloshiisa oo dhan (ruuxdiisa, jidhkiisa, caqligaiisa iyo laxawyadiisa) oo aanu qaar dayyicin. Si aad u noqoto qof waxtar leh, waxaad u baahan tahay inaad 4taa jaanib isku dheellitiro.

Caadada 8aad: From Effectiveness to Greatness. Steven wuxu qoray buug kale oo uu kaga warramayo caado 8aad oo ay leeyihiin dadka waxtarka leh. Caadadan 8aad waxa waxa qofka waxtarka leh ka dhiga in uu noqdo qof cadiim ah. Si uu qofku cadiim u noqdo buu leeyahay, wuxu u baahan yahay in uu iska dhex helo waxa uu ku fiican yahay, misna jecel yahay, sidoo kalana ay bulshadu baahi u qabto. Intaa marka uu iska dhex helo, waa in uu dadka kalana ka caawiyo sidii ay iyaguna intaa isaga dhex heli lahaayeen.

Halkaan ka daawo muuqaalka:

Check Also

Arday wanaagsan oo guulaysta

Sidee Loo Noqdaa Arday Wanaagsan Oo Guulaysta?

Ma tahay arday? Haddii aad tahay arday ma rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *