Toddoba Cunto Oo Kordhinaya Awoodda Iyo Xusuusta Maskaxdaada

Cuntooyinka Kordhinaya Awooda Maskaxdaada ! waxay dhamaanteen ognahay in cunista cunto caafimaad qabtaa ay muhiim u tahay caafimaadkeena muuqaaleed. Si sidaa lamid ah ayay caafimaadka maskaxdenana muhiim ugu tahay.

Maskaxdeenu waa mishiin iskudhafan oo awood badan kaasi oo u baahan nafaqooyin si uu si fiican ugu shaqeeyo si lamid ah sida wadnahaaga, sambabadaada, indhahaaga iyo murqahaagaba.

Maskaxdu waxay kaantaroosha dhamaan fikirada, dhaqdhaqaaqa iyo dareenka. waana meesha kaydisa xog aan tiro lahayn. Sidoo kale maskaxdu waxay maamushaa shaqooyinka xubnaha ee jidhka iyadoon wax nasasho ah qaadanayn.

Si ay maskaxdu si joogto ah ugu shaqayso islamarkaana ay xaaladeedu u noqoto mid fiican waxay ku xidhantahay islamarkaana ay ku tamarisaa nafaqooyinka muhiimka ee ay sida joogtada ah uga hesho cuntada aynu cuno, sonkorta dhiiga iyo hawada oxygenta ee aynu neefsano.

Haddii aad cunto cuno si fiican iskugu dheelitiran, waxaad si fudud u siin kartaa maskaxdaada dhamaan nafaqooyinka daruriga ah ee ay u baahan tahay si ay maskaxdaadu u horumarto, Sidoo kalena aad uga hortagto cudurada maskaxda sida cudurka alsheimers disease ama dhimirka beelida, iyo cuduro kaloo badan.

Waxaa jira cuntooyin badan oo aad si fudud ugu dari karto cuntooyinka aad maalintii cunto kuwaasi oo xoojinaya maskaxdaada islamarkaana horumarinaya shaqadeeda.

Check Also

dhimista miisaanka

8 Cunto Oo Si Weyn U Caawiya Dhimista Miisaanka Iyo Kobcinta Caafimaadka

Buurnimada iyo miisaanka inta dabiiciga ah ka badani waxa ay ka mid yihiin dhibaatooyinka caafimaad …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *