Toban Dariiqo Oo Lammaanuhu Ku Gaari Karaan Farxadda Ugu Sarreysa Noloshooda

Lammaanaha ku guuleysta xiriirkooda waxa ay ka siman yihiin ama ay wadaagaan dhowr shey mana ahan xaqiiqdii wax ay sameeyen ama ay san sameynin ficliyan, kaliya waa sida ay yihiin dadnimo ahaan iyo sida ay isula macaamilaan.

Waxaan halkaan idin kugu haynaa dhowr hab oo lammaanaha ugu faraxadda badan ku macaamilaan.

1-     Noqda Saaxibada Ugu Wanaagsan: Lammaanaha farxadda badan wadaaga waxa ay sheegaan in ay yihiin dad saaxibo ah, romanticna yihiin. Ka dhigashada lammaanahaada saaxiibka ugu wanaagsan ee qalbiga iyo sariirta waa qeybta ugu macaan xiriirka gacaltooyo.

2-     Noqda Kuwo Naftooda Ka Hela: Yeelashada dareen naftaada aad ku qanacdo iyo xiriirkaada mataanka nolosha waa mid ka mid ah furayaasha lagu gaaro barwaaqada. Noloshu waxa ay naga tuurtaa xaglo kala gaddisan inaga oo aana lahayn awood aan ku arki karno halka ay inoo waddo nolosha. Waana mid la soo gabagabeyn karo naceybka dunida yaalla oo dhan gaar ahaan ka dhex abuurma lammaanaha.

3-     Noqo Qof Diyaar U Ah Fikir Cusub: Haddii uu lammaanahada doonayey kaliya inuu sameeyo/sameyso waxa adiga aad dooneyso, noloshaasi dhaqso waxay noqon doontaa mid aan xiiso laheyn oo niyad jab dhalisa. Inaad yeelato lammaane kuu soo bandhiga fikrado cusub iyo riyooyin waxey dunidaada iyo naftaadaba ka dhigeysaa mid guuleysata.
4-     Filo Ha Lagu Fishee: Marka lagugu baaqo isbaddal inaa sameyso ama dhexdhexaadnimo, qasab maahan in aad durba aqbasho, laakiin inaa u aragto hindisooyin kale oo horumar leh kana timid qof kale waa arrin kuugu filan kaana caawin karta in aad xalliso kala fikir duwanaanta qiireysan ee ka dhex dhacda lammaanaha is jecel.
5-     Noqo Qof Naxariis Badan: Naxariista iyo aadaabta waxaa laga yaabaa in aysan qeybka aheyn damiirka aadanah qaarkiis. Aadabta, wax is gaarsiinta iyo naxariistaba waxa ay qilaafaadka u baddalaan heshiis iyo is cafin, aadaabtana waxey qilaafka u baddashaa wada shaqeyn iyo naxariis.
6-     U Hibee Dareenkaada Oo Idil: Deeqsiinta ama siinta lammaanahaada dareenkaaga oo idil 100% marka uu doonayo/dooneyso inuu kula hadlo waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu xoogga badan ee dabarka u ah xiriirka jaceyl ee lammaanaha. Mucaashiqiinta sidan u dhaqma waa dhif iyo qaliil waxa ayna helaan jaceylka iyo xiriirka midka ugu macaanta badan nolosha adduunka.
7-     U Muuji Qiiradaada Si Bayaan Ah: Lammaanaha iska gaarsiiya ee is qabta marka ay dhex maraan muranada yar yar, noloshooda way waartaa wayna ku raaxeystaan si heer sare ah waxa ayna dareemaan caafimaad.
8-     Noqo Qof La Aamini Karo: Si qofku u noqdo mid aamina waa inuu ku dhaqmaa habab lagu aamini karo. Waligaa ha siinin xaaskaada ama seygaada sabab aad uga shakiso/shakiyo daacadnimadaada. Mar walba oo aad ka maqan tahay u oggolow lammaanahaada in ay ogaato in aad wanaagsan tahay.
9-     Noqo Mid La Heli Karo: Haddii lammaanahaada dhibaato la kulmo, noqo qofka ugu horreeya ee la xiriira ama gaara. Xiriirku waxuu ka macne yahay in lammaanahaadu dareemo in aad la jirto xataa haddii aad ka fog tahay marka ay kuu baahdaan.
10-   Noqo Qof Heegan Ah: Ha sugin marnaba arrimuhu xilliga ay qaldamayaan. Lammaanaha xiriirkooda ka dhiga mid faahfaahsan lehna qodobo, si wanaagsanna fahamsan waxa ay u baahan yihiin mustaqbalka dhow iyo midka fog intaba, ayaa noqda kuwa ugu diyaar garowga wanaagsan marka ay wajahaan dhibaatooyin, sidaana waxa u horseeddaa xiriir  guuleysta oo aan dhamaanin marnaba geerida ka hor.

Inaad noqoto waxa ugu wanaagsan ee lammaanahaada iyo naftaadaba u noqon lahayd waa mid ka mid ah qeybaha abaal gud ee ay mudan yihiin lammaanenimada ama waxa loo yaqaano (Coupledom).

Ma dhib badna kaliya naftaada dhig meel horreysa oo wanaagga uu buuxo, una dhaqan sidii aad jeclaan laheyd in laguula dhaqmo adiga, taasina waxa ay idinka dhigeysaa in labadiinaba aad si nabad ah arrimihiina uga soo fulaan qalbiga halkaasoo ah goobta laga sameeyo xiriirka iyo jaceylka.

W.Q: Yusuf Shuqale Hassan.

twitter@shuqale

Check Also

Erayo jaceyl, waan ku jecelahay, jaceyl

Baro Hadallo Iyo Ficillo Ka Qiimo Iyo Dareen Badan Erayga “WAAN KU JECELAHAY”

Jacaylku waa dareen aasaas u ah jiritaanka nolosha aadamaha, sidaas awgeed waxaa jira habab tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *