Faaidada Timirta Iyo Xanuunada Ay La Dagaallanto

Asalaamu calaykum waraxmatullahi wabarakatuh.

Maxaad ka taqaanaa waxyaabaha ay timirtu ku qani tahay?

Sidaan wadda ognahayba timirtu waa shay aad loo cuno khaasatan bisha Ramadaan ee aan hadda ku jirno iyo waliba xiliyada la soomo, waana wax aad u macaan oo dhadhanka u roon. Balse timirtu halkay ka timaadaa maxay se tartaa?

Markeeda koobadan timirtu waxay ka baxdaa dhulka saxaaraha ah ama lama dagaanka ah, khaasatan dhulka waddamada Carabta. Timirtu waa shay Kitaabi ah oo Quraanka Kariimka ah ku sugan iyo waliba Sunnada Nabiigeena Suuban (SCW). Taasni waxay kuu cadaynaysaa adoon dhinackalaba eegin wanaaga ay leedahay in aan la koobi karin maadaama Kitaabka Rabbi(SWT) iyo Sunnada Nabigaba (SCW) lagu xusay.

Waxaa Nabigga (SCW) laga wariyey isagoo tilmaamaya wanaaga ay timirtu leedahay in uu yidhi xadiis

macnihiisu uu ahaa; guri aanan timir oolin waa guri reerkiisu baahanyahay. Xasiiskaa qiimaha badan waxa uu inoo sheegayaa wanaaga ay timirtu leedahay. Waa laga yaaba inataad istidhaahdid timirtu cunto maaha ee wax macaan ee waayo bay guriga ay timir oolin guri baahan u yahay? Balse waxaad fahmi doontaa wanaaga kujira marka aad akhrisatid sida hoos ku dhigan iyo waliba cudurada ay dawayso. Markaad taa fahantid adaa inshaAllah wax walba ku doorsan doona.

Muhiimada Ay timirtu leedahay:

Timirtu waa miro qof uu kunoolaan karo kaligood, ayadoo uu qofku kaheli karo nafaqo dhameystiran hadana isku dheelitiran. Kuwaasoo hadaadan cunin ama helin cunooyinka kale ey ku kaafin karaan.

Faa’iidooyinka lagu sheegay timirta waxaa kamid ah caloosha oo ey socodsiiso. waxey sidookale ufiicantahay xanuunada kudhaca sida wadnaha, dhiig la’aanta, shubanka, kansarka kudhaca mandhicirada caloosha, sidoo kale haweenka uurka leh iyo dhibaatooyinka la xariira taranka iyo kuwa kaleba. Timirta waxaa kujira dhawr walxaad sida fitamiino iyo macdanba (minerals).

Nafaqooyinka ku jira timirta

Waa kuwan qaar kamid ah macdanta (minerals) asaasiga ah sida;
-kalshiyamka,
-birta dhiiga (iron),
-phosphorus,
-soodiyam,
-botaasiyam,
-magneesiyam
-iyo zinc oo sidookale kujira.

Dhinaca fitamiinka waxaa ayagana kamid ah waxyaabaha loo yaqaan afka ingiriisiga
-thiamin,
-riboflavin,
-niacin,
-folate,
-vitamin A
-iyo vitamin K.
Kuwaasoo dhamaanba ahmiyada kala duwan iyo kuwa gaar ahba uleh jidhkeena.

1- Timirtu waxyaabaha kale ee ay hodan ku tahay waxaa ka mid ah:
Dhisida Murqaha marka uu qofka jidhkiisa dhaawac soo gaadho ama xanuun

2- Waxa ay timirtu u roontahay arraga indhaha, khaasatan kuwa waxa habeenyada loo yaqaan leh ee la xidhiidha madowga iyo hilyada habeenkii.

3- Waxay ka hortagtaa Cholesterolka dhiiga ee dufanka xun ah iyo in xididda dhiiga qaada ayna qalafin ama dhaawacmin. Taasna waxaa keenaya maadama maadada Pectin oo bururista Cholesterolka iyo waliba ka ilaalisa xiddada dhiiga inay wasakhdu fadhiisato ama ay dhadhaan.

4- Waxay timirtu dawaysaa xanuunada waddnaha ku dhaca iyo awood darida la xidhiidha ironta jidhka, taasna waxaa keenaya maadama Magnanicium iyo Copper ku jiro timirtu.

5- Timirtu waxay dawaysaa anemia ama dhiigla´aanta maadama ya ku jiraan waxayaabaha kobciya dhiiga oo ay ka midyihiin Iron, copper iyo vitamin B2.

6 – Waxay daawaysaa inay lafuhu burburaan ama ay noqdaan kuwa bilaa awooda iyo waliba cudurada la xidhiidha lafaha, maadama ay ku jiraan maadooyinka u fiican lafaha oo ay ka midyihiin Calcium, Phosphorus iyo Vitamin A.

7- Waxa ay timirtu ka hirtagtaa cudurada ku dhaca xiidhmaha khaasan Cancer ka xiidmaha iyo waliba waxay baabiisaa unugyada dhintay ee noqda bawaasiirta la xidhiidha ciladaha dheefshiida maada ay ku jirto timirta Fiber iyo vitamin B1 oo aad u nadiifiya dheefshiida iyo burburinta cuntadana sahla. Waxay kale oo ku jira timirta Salinium oo ka hortaga Cancer ka noocuu doonaba ha noqdee.Waxaa kale oo ku jirta Maadada Poron oo daawaysa Rheumatism ka iyo Cancer ka Maskaxda

8- Waxay u fiican tahay timirto hurmuunada waxayna kobcisa qaadista uurka iyo dhalmada

9- Waxay timirtu u roontahay saxida appetite ama doonista cuntada maada ay ku jirto Potassium ii kobciya unugayada kici appetite ka.

10- Timirtu waxayaabaha kale ee ay daawayso waxaa ka mid ah itaaldarada hamiga (galmada)

11- Timirtu waxa kale oo ay u fiican tahay ilkaha iyo daryeelka afka maadama uu kujiro Fluoride ka ilaaliya ilkuhu inay dheeh dhacaan ama shuush galo.

12- Waxa ay timirtud qani ku tahay vitamin A kaas oo ka hortaga qalaylka dubka iyo kobcinta idhaha.

13- Waxay ka ilaalisaa Jidhka sunta iyo waxyaabaha loo yaqaano free redicals oo wasakhda iyo sunta dhiiga dhawareegta ah waayo waxaa ku jira Sodium, Potassium iyo Vitamin G oo jidhaka sunta iyo wasakhkasta ka saara

14 Waxay daawaysaa inay timuhu daataan ama nabaad guuran , in indhaha hoostooda daalka muuqadato ama midab doorsamaan, in ay dabnuhu qolof dhacaan oo ay waliba qalalaan iyo Timaha daata iyo infection ka dabnaha waayo waxaa ku jira Vitamin B2 oo u fiican xaaladahaas.

15- Waxa ku jirta Maado daawaysa Infection ka maqaarka

16- Waxay daawaysaa gaaska caloosha noocoyo badan oo ka mid ah waayo waxa ku jira Chlor, Sodium iyo Potassium oo u roon saxida gaaska caloosha.

17- waxay daawaysaa Xanuunada Ciridka waayo waxa ku jirta Maadada Vitamin G.

Vitamin G waa kan loo yaqaano Riboflavin oo isaganu daaweeya xanuunadan oo dhan. Wixii intaa dheer hoos waatan ku dhigan iyaduu english ah. Karaali ahadaa qoraalkii baa dheeraday oo english kuu ka kookooban yahay soomaliga.

For normal growth and development
For reproductive system
For vision, eye fatigue, eye lens, and cataract prevention
For migraine headaches
For healthy skin, hair, and nails
For antioxidant properties
For nervous system
For sore mouth, lips, and tongue
For metabolization of carbohydrates, fats, and proteins for energy
For skin disorders like rosacea
For wound healing, injuries, and after-surgery recovery
For sickle-cell anemia if deficiency in riboflavin
For anxiety, stress, and fatigue
For nerve-related problems: Alzheimers, numbness & tingling, epilepsy, and multiple sclerosis

Timirtu intaa iyo in aan la koobi karin bay qani ku tahay waxaas oo cilad iyo xanuun kor ku dhigana way dawaysaa.

Waa noocee noocyada uugu fiican timirta?

Waxaa Nabigeena Suuban (SCW) laga wariyey in uu yidhi: Timirta Madiina ee Cajwaan loo yaqaano oo timiraha kale ka duwan in qofkii cunaayi subuxii 7 xabo , inuu maalintaas uu cunay ka badbaadayo sun, sixir iyo waxkasta oo caafimaadkaaga khalkhalin kara.

Haddaba timirtu aad bay u noocyo badan tahay meelo kala duwana way ka timaada. Balse timirta Cajwadda marka laga reebo kuwa uugu fiicani waa kuwa timirta saafiga ah ee khudradii oo toos ah iyadoon waxba lagu darin sida sonkor miid ah oo jilcinaysa iskuna dhadhajinaysa sida malabka oo kale iyo in wax sida lowska iyo waxyaabo kale aan lagu gurin. Noocyada timirta uugu fiican imika ahaan waxay ka imadaan dhulka Falastiin. Walaalheen lagu caawiyo in laga iibsado maadama dad dhinacwalba laga xidhay ay yihiin. Waxaad marwalba timirta ku dooranaysaa qodobadan:
1- Inaysan dhadhin ama qalalin
2- Inay hilib badan leedahay
3- In midabku timirtu mid dhalaalya oo nadiifa yahay
4- Inaysan qarqarxin oo wax dalool ah ayna lahayn

Timirta xumaataya ama gabowday waxaa lagu gartaa inay dusha wax sonkor ah oo kale ku yeelatay ama qolof hohobaysa. Waxaana fiican in timirta talaagada lagaliyo si ayna uugu dhalan daaniyahay iyo xasharaadka ku dhasha cuntada.

Digniin

Waxaa aad u muhiim ah inaad iska maydhid timirta inta aanad cunin ka hor. Ma ogaankarta habkeeda nadaafadeed. Waxaa dhici karta in ay bakteriyo tusha ka saarantahay timirta khaasatan bakteriyada loo yaqaano E.Coli oo runtii halis ah. Sidaas darteed bay muhiim u tahay inaad timirta iyo khudradkasta oo aad cunaysid aad iskaga maydhid inta aanad cunin.

Yaa cuni kara timirta , yaanan cuni karin? Intee in leegbaana laga cunayaa maalintii?

Timirta cidkastaa cuni karta, balse waxaad ogaatdaa inay timirta sonkorta dabeeciga ah ku jirto. Adigoon iska badin waxaa fiican inaad u cuntid sidii Nabigu (scw) u cuni jiray. Qofka macaanka lehna maalintii waxaa kufilan in laba qaado buuxin karta kama badsan karo maadama sonkorta ku jirtaa ay sonkorta dhiiga kicinayso.

Siyaabahee baa loo isticmaali karaa timirta?

Timurtu maaha kaliya in lacuno uun, waxaa laga samayn karaa macmacaanyo kale duwan iyo walib cakes. Waxaa lagu darsan karaa fruit salad, waxaa lagu darsanakaraa cashadii ama qurueecdi sida boorashka iwm. Way badan tahay hababka kala duwan ee loo isticmaali karo timirta inshaAllah vedios xagga cuntada laga samayn karana waan soo galin inshaAllah.

Amaase waxaad u ticmaali kartaa timirta nadaafad iyo quruxba.

Waxaan aad uuga soo horjeeda isticmaalka waxyaabaha kiimikada leh ee cosmetics oo lacag badan lagaa siinayo walibana jidhka khariba. Waxyaabaha aad jidha u iticmaali kartid waxaa ka mid ah:

Face and body scrub naasibaya jidhka qalalan:

Isku darso 10 midh oo timir ah
Dhawrqaado oo naturel yogurt ( qiyaaso intii jidhkaaga ku filan)
1 xabo oo avocado ah
4-8 qaado oo olive oil ah ( Qiyaaso intii jidhkaaga ku filan)

Haddan doontid muus, strawberry ama wixi khudrad kale ah baad ku dari kartaa jidhkaad saaran ood ku qoyn ladbna waad ku maydhan. Jidhaakaga nadiif iyo dhalaal bay ka dhigi kadibna way qoynaysaa dubaka, maadama ay timarta horay uugu soo sheeganay inay maqaarka qoyso. Xataa timaha waad marsan kartaa balse ku dar beed/ukunta inta huruuda ah.

Ama waxaad isku dari kartaa

coconut oil , timir iyo sonkorta bunigaga ah ood aad jidhka ku scrub grayansaa , taas oo ku siinaysa inay kaa daadiso dead cells ka iyo walibana bilicda iyo qoyaanka jidhka kuu ilaaliso.

Lama soo koobi karo faa´iidooyinka ku jira iyo sida loo itsicmaali karo timirta.

Balse waxaan ku leehaya inshaAllah sharax kugu filan waad heshay ee ka faa´iidayso walaalaha muslimiita kalana gaadhsii inshaAllah.

Waxtarka timirta maahan mid halkaan lagusoo koobi karo taasna waa sababta loo yiri waa waxa ugu fadliga badan ee uu ku afuro qof marka uu soomanyahay. Waxa eey durbaba kaafisaa baahida jirka marka ey timaado dhinaca nafaqo iyo tamarba. Ugu yaraan xabad aad cuntaa maalinkii waxa ey kuu kordhisaa waxtar aad ufara badan rasuulkeena suubana NNKH waxa uu nagula dardaarmay inaan ku dadaalno cunideeda maadaama ey waxtarkaas aadka ufarahabadan ey leedahay.

Hadaba si xaafadu/gurigu uusan unoqon gaajo soo dhaweyso timir dadkana uga warbixi fayowga/caafimaadka ey leedahay.

Waxaan gabogabadii kuugu dhiira galinayaa inaad baaritaan dheeri ah kusii sameyso si aad wax badan uga ogaato waxtarkeeda faraha badan kuna dadaasho maadaama ey tahay sidookale sunno aad loo amaaney in la joogteeyo.

Ramadaanta kuwo barakadeeda hela Allah naga dhigo.

JazaakumuAllahu khayran wa axsana Allahu ilaykum

Saamiyaha (Umm-Cafiifah)
cafiifaa@gmail.com

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *