Tilmaamaha Lagu Yaqaan Xaaska Wanaagsan

Waxan halkaani idin-kugu soo gudbin doonaa qodob Muhiim ah oo dareenka nolosha aan kaga hadleeno maanta waxaana uu yahay maxaa lagu gartaa Sowjada wanaagsan/Xaaska Wanaagsan, Haddaba waxan kusoo koobi doono Ilaa iyo 25-Qodob Oo lagu yaqaano Xaaska Wanaaga lagu sifeeyay:-

1) Waxaa lagu yaqaan inay tahay Qof had iyo jeer Adeecda Ilaaheed oo haddana saalixad ah.

2) Waxaa laguyaqaan inay tahay tii xafidda Maalka Ninkeeda iyo jirkeedaba marka uu maqan yahay.

3) Waa midda uu Farxo ninkeedu haddii uu fiiriyo, haddii uu amrana waa tii addeecda.

4) Waa tii laasinta gurigeeda oo aan kabixin, Amarka Ninkeeda la’aantiis.

5) Waa midda had iyo jeer ku-salaanta ninkeeda waji faraxsan iyo dhoolacaddayn.

6) Waatan had iyo jeer Alle uga mahad celisa Ninkeeda, maadaama uu yahay kii reerka ushaqaynayey,isla markaasna uu yahay carruurteeda kii dhalay iyagoo maray wadada Xalaasha.

7) Marka ay wax waydiisanayso ninkeeda, waa tii doorata waqtiga wanaagsan iyo hadalka wanaagsan. Waxay astaan u leedahay dabeecad badan.

9) Waatan aan gurigeeda kabixin iyadoo dharkeedu qarriban yahay.

10) Ma aha mid ninkeeda kuqaylisa marka ay wada hadlayaan.

11) Waxay kuwaanisaa ninkeeda inuu xiriiriyo Waalidkiis, walaalihiis, riximkiisa iyo saaxiibbadiis.

12) Waa midda khayrka falid badan, kuna dadaasha faafintiisa.

13) Waa tan runta dhar kadhigata, kana fogaata beenta iyo ehelkeeda.

14) Waa midda ku barbaarisa caruurteeda jacaylka Ilaahay iyo Rasuulkiisa, kuna saacidin caruurta wuxuusan ninkeedu raalli ka ahayn oo xumaan ah, sidoo kale waa tii barta ixtiraamka Aabahood.

15) Waa mid aan Caro badnayn, haddana aan aqoon laab-lakaca.

16) Waxay aad uga Fogtahay Kibirka, is-cajabinta iyo isla weeynanka.

17) Waa tii had iyo jeer ka laabta indhaheeda aragga xumaanta, hadday gurigeeda xaajo darteed uga baxdo.

18) Waatan aan kujeesjeesin dariskeeda iyo dadka isla markaana aan xaqirin umadda.

19) Waa tan aan jeclayn dhaldhalaalka adduunka isla markaasna aan iloobin jannada ilaahay.

20) Waa midda had iyo jeer Rabbigeed talo saarata, haddii wax ka xumaadaanna aan quusan.

21) Waa mid si dhammaystiran ugudata cibaadada Alle kufaral yeelay.

22) Waatan si buuxda u og in ninkeedu yahay Sayidka gurigiisa, isaguna uu yahay kan maamula.

23) Waa midda ka xusta Rabbigeed Carrabka iyo Qalbigaba, had iyo jeerna aan iloobin.

24) Waa midda aan had iyo jeer sheegsheegin wixii ay Ilaahay dartiis u qabatay oo wanaag ah.

25) Waa tii Qirata Dambigeeda, haddii uu khalad kadhacana weydiisata Cafis Ninkeeda.

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Hab-Dhaqan Oo Ninka Laga Rabo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *