Tilmaamaha Gabadha Wax Jecel

Astaamaha gabadha wax jecel:

Gabdhuhu way kala duwan yihiin dabeecad ahaan, taasina waxay keeni kartaa in ay ku kala du wanaadaan calaamadaha ay u muujiyaan marka ay wax jeclaadaan, balse wax a jira calaamado ay ka siman yihiin:

Calaamadaha ugu caansan:

1: Xishood: waa calaamada ugu horaysa waxa ay la soo baxaysaa xishood xad-dhafa ah oo mararka qaarkood ku kalifa in ay ku tusi kari waydo wajigaaga oo ay fooror kugu qaabisho

2: Naxdin:waxa gabadha ku badanaya naxdinta dhinaca wadnaha la xidhiidha oo markasta oo ay la kulanto qofka ay jeclayd, waxa garaac xoogan sameeya wadnaha gabadha tani maaha xanuun, laakin waa jacayl karaaray. isku dhexyaacid iyo aamusnaan ayaa wehelisa

3: Hadaaq:waxa gabadha ku bata in ay markasta ku halmaanto magaca qofka ay jeceshahay iyada oo qof kale u yeedhaysa ayaa ay ku hadaaqaysaa magaca qofka ay xooga u jeceshahay, isla mudo yar kadib waay ka noqonaysaa iyada oo iska dhigaysa in ay khaldantay, balse uu jiitay wixii qalbigeeda ku jiray

4: Ka sheekayn:waxa aad arkaysaa iyada oo mararka qaarkood ka sheekaynaysa waa markay la joogto saaxiibadeeda dhabta ah ee aanay waxba kala qarsan, ugana sheekaynayso in ay si wayn u jeceshahay , balse waxa ay ka faaloonaysaa dhaqamada fiican ee uu leeyahay qofka ay jeceshahay

5: Shakiwaxa ay la soo baxaysaa shaki oo ay ka qabto in laga qaado jacaylkeeda, xitaa hadii ay aamisantahay in uu daacad u yahay, markasta oo ay arki weydo waxa ay u qaadataa in uu ku maqan yahay gabadh kale, taasi oo sabab u ah shaki aan la soo koobi karin.

6: Eegmo badanwaxa ay markasta jeceshahay in ay daawato qofka ay u bugtay, kama dhargayso in ay daawato maantoo dhan. waayo waxa u ooman meel.

Dhinaca kale ma doonayso in uu arko qofkan ay eegmada ku badinayso, marka uu soo eego deg deg ayey uga jeedsanaysaa laakiin  waxa ay rabtaa in ay eegto isaga oo aan soo eegayn. noocan eegmada ahi waa ay ka duwan tahay eegmooyinka waayo waa indho-ku doogsi iyo farxad

7: Maqnaan xaga maskaxda ah:waa calaamad aan sidaasi u waynayn balse marar noqota mid keenta saamayn xoogan.

Waxa gabadha ku dhaca maqnaansho dhinaca maskaxda ah, oo marka ay hawl qabanayso soo dhexgala.

Waxa lagu arkaa gabadha marka ay dad la joogto iyadoo maskax ahaan baxda oo ka fikiraysa qofkii soo galay maskaxdeeda, hadii uu qof su aalo wixii ay ka fikiraysay, waabay dafirtaa in ay fikiraysay .

Waxyaabaha mankeeda ka guuxayana waxa ugu culus sida ay u la kulmi lahayd qofka ay u hayso jacaylkan daran

8: Socod ku-badin: waxa ay goor kasta raadisaa in ay indhaha ku dhufato qofka u daran in ay aragto, taasina waxa ay keentaa in ay bilawdo socod badan oo ay ku tagayso goobaha laga helo qofka ay rabto in ay indha ku doogsato ugu yaraan sadex jeer ayaa ay socod ku maraysaa goobaha laga helo jacaylkeeda ay ku indho kuulato

9: Wax kasta haye:markasta oo uu wax waydiiyo qofka ay jeceshahay waxa ay ugu jawaabtaa haye xitaa hadii aanay waxaasi karayn arintanibwaa culayska uu leeyahay jacaylku marna ma odhan karto waxaasi ma awoodi karo.

10: Hadalkiisu ma dhibo: qofka ay jeceshahay wax kasta oo uu ku yidhaa uma keeno wax dhibaato ah haday noqoto cay ,af xumo, hanjabaad iyo iwm , kama xanaaqayso waayo waxa jiidanaya jacayl aan la sookoobi karayn waxa ay ku dadaalaysaa in ay yeesho wax kasta oo raali galinaya qofkan ay aadka u jeceshahay.

11: Xarago xad-dhaafa: waxay goor kasta is ka dhistaa dhinaca labiska iyo kala badalka dharka. tani waa calaamad muujinaysa soo jiidadho qofka ay jeceshahay, waxa ay ka baqaysaa in lagu naco labis xumada iyo xarago la aanta. ugu yaraan ilaa sadex sad oo kala duwan ayey xidhataa marka ay doonayso in ay soo hormarto goobaha laga helo qofkay jeceshahay.

12: Tilifoon ku-hadal badan: waxay aad ugu dadaalaysaa in ay xidhiid fiican la yeelato qofka ay jeceshahay hadii ay ku adkaato in ay toos ula xidhiidho jacaylkeeda, waxa ay la xidhiidhaysaa cida ay isku fiican yihiin jacaylkeeda,iyada oo ka urinaysa jacaylkeedii. markasta waxa lagu arkaa iyadoo tilifoon garaacaysa ama ku mashquulsan in ay cid lahadasho ammaba fariimo diraysa

Waxaa diyaariyay: Cali cabdi coomay

Tix-Raac: Cilmi-baadhis. Female Reseach Center (FRC)

Check Also

Erayo jaceyl, waan ku jecelahay, jaceyl

Baro Hadallo Iyo Ficillo Ka Qiimo Iyo Dareen Badan Erayga “WAAN KU JECELAHAY”

Jacaylku waa dareen aasaas u ah jiritaanka nolosha aadamaha, sidaas awgeed waxaa jira habab tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *