Tilmaamaha Haweeneyda Ku Guulaysata Nolosha

 

Qodobodan waxay ka kaalmeynayaan haweenayda in ay ilaashato gurigeeda ama ay ku noolaato nolol farxad ku dhisan

  •  In ay qaadato awaamirta Ilaahay iyo waajibaadka uu saaray iyo dhaacada Rasuulka SCW.
  • In aysan ka bixin guriga ninkeeda isaga oo aan u idmin.
  • In ay ahaato mid u dhoola cadysa ninkeeda.
  • Markay wax waydiisanaysa ninkeeda waa in ay doorataa waqtiga ku haboon, adeegsataana ereyo wanaagsan oo soo jiidasho leh.
  • In ay tahay mid ku sifowday akhlaaq wanaag.
  • In ay tahay mid ku sabarta haddii uu ninkeeda sabool yahay, kana mahad celisa haddii uu hantiile yahay.
  • In ay tahay mid jecel khayrka oo faafisa wanaagga.
  • In ay tahay runley oo ay ka fogtahay beenta.
  • In ay tahay mid ku barbaarisa ilmaheeda, tarbiyada Islaamka, bartana caruurteeda ixtiraamka aabahood iyo dadka ka waaweyn.
  • In ay tahay mid ka fog carada iyo xanaaqa faraha badan.
  • In ay tahay mid tawaaduc badan oo ka fog kibir iyo istus-tus iyo faan.
  • In ay tahay mid la timaadda cibaadada Alle ku fard yeelay.
  • In ay tahay mid Alle xusta had iyo jeer oo carabkeeda uu ka qoyan yahay xuska Ilaahay.
  • In ay ka dalbataa ninkeeda waxa uu awoodo, oo aysan saarin culays uusan awoodin.
  • In aysan ku kadsoomin quruxdeeda, dhalinyaranimadeeda iyo aqoonteeda, oo ay ogaataa in waxaas oo dhan ay tagayaan.
  • In ay qaadata awaamirta ninkeeda waxa aan ka ahayn macsi Ilaahay.
  • In ay tahay mid ku can baxday xishood.
  • In ay taqaanno waxa uu ka helo ninkeeda xaga cuntada.
  • In ay tahay mid qarisa sirta ninkeed, maadama ay tahay maradiisa.
  • In ay tahay mid waqtigeeda ka faa’idaysata, oo aan ku mashquulin, habar heblo ayaa tiri iyo wax aan micna lahayn.
  • In ay tahay mid aad uga danbayso ninkeeda iyo ra’yigiisa xushmaysana.
  • In ay tahay mid aad u hagaajisa muuqaalka guud ee ninkeeda, xagga dharka, nadaafadda, walxaha udga, waana in la dareemo in uu ninkan yahay nin qabo raaliyo, oo uu ahaado mid muuqaal qurxoon had iyo jeer.
  • In ay ahaato mid dabka u gasho ninkeeda oo aan ku halayn shaqaalaha iyo dad kale ee raashiinkiisa ka fikirta, maxaa yeelay naago badan ayaa u daayay cuntadii ninkeeda shaqaalaha, taasina waxaa ku dhumaysa mas’uuliyaddii haweenayda.
  • In ay tahay mid hagaajisa la dhaqanka ninkeeda iyo dadka kale.
  • In ay tahay mid aan qaadan dharka ugu qaalisan, ee ay tahay mid qaadata dharka dabaqada dhexe, xagga labiska.
  • In ay tahay mid kala qeybqaadato ninkeeda xagga hagaajinta qoyska iyo horumarkiisa, oo ay noqoto (kabto oo aysan noqon kala tuurta)
  • In ay taqaanno ninkeeda dabeecadihiisa marka uu faraxsan yahay iyo marka uu xanaqsan yahay.
  • In ay tahay mid la taliso ninkeeda, ninkana waa in uu qaato talada duca-qabtadiisa, sababtoo ah Nabiga nabadgelyo iyo naxariis dushiisa Allaha yeelee wuxuu ahaa mid haweenkiisa la tashada.
  • In ay tahay mid xushmaysa ninkeeda dhan kasta.
  • In ay ku tiraahdo ninkeeda erayo aad u soo jiito sida (macaane, naftaydii, indhahaygii, gacaliye) maxaa yeelay eraydaas macaan waxay wax ka taraysaa hanashada haweenayda qalbiga ninkeeda.
  • In ay tahay mid ninkeeda isu qurxisa isu udgisa.
  • In ay tahay mid nadiifisa jirkeeda, ee aan ahayn araajo.
  • Haduu ninkeeda fiiriyo waa in uu ku farxaa.
  • Waa in ay tahay mid caqli badan, dagan.
  • Waa in ay tahay mid aan ninkeeda canaananeyn sidoo kale aan qaylo badnayn.
  • Waa in ay tahay mid kala qarisa ninkeeda iyo reerkeeda.
  • Waa in tahay mid gurigeeda isbuucba dhinac u jeedisa.
  • Waa in ay tahay mid ka fikirta ninkeeda haddii uu soo daaho.
  • Waa in ay tahay haweenayda mid aan masayr badnayn.
  • Waa in ay tahay mid ninkeeda markuu yimaado, mid labiska ka siibto.
  • Waa in tahay mid xushmayso qaraabada ninka, gaar ahaan hooyada ninka.
  • Waa in aysan gurigiisa galin cid uusan u idmin.
  • Waa in ay tahay mid jecel martida ninka uu wato.
  • Waa in ay tahay mid uu ninkeeda ku nasto, oo aan guryan badnayn, waayo nin jiifka lagu cunay meel ma gaaro.
  • Waa in ay tahay mid had iyo jeer dhunkata ninkeeda.
  • Waa in ay tahay mid an ku qabsan ninkeeda magac u bixinta carruurta dhalata.
  • Waa in ay tahay mid faanisa ninkeeda, oo jecel horumarkiisa.
  • Waa in ay tahay mid u ah cudud ninkeeda , oo ay tahay qof fir-fircoon.
  • In ay tahay mid aad u danaysa jiifka ninkeeda iyo meesha uu seexanayo, oo aysan noqon daysane carruurta dhexdooda, sida naagaha soomaliyeed u badan yihiin.
  • Waa in ay tahay mid og in uu ninku yahay mid u baahan koolkoolin iyo sasabid fara badan.

 

Waxaan is leeyahay dumarkeennu haddii ay dabaqaan qodobadan in ay ku noolaanayaan iyaga iyo raggooduba nolol aad u faraxad badan.

Check Also

Erayo jaceyl, waan ku jecelahay, jaceyl

Baro Hadallo Iyo Ficillo Ka Qiimo Iyo Dareen Badan Erayga “WAAN KU JECELAHAY”

Jacaylku waa dareen aasaas u ah jiritaanka nolosha aadamaha, sidaas awgeed waxaa jira habab tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *