Sifooyinka Ay Gabar Kasta Jeclaan Lahayd Inuu Yeesho Ninka Ay Guursanayso!

Sifooyinka ninka guurka, Toddobaadkii hore waxaan blog-geyga ku baahiyay qormo falanqaynaysay tilmaamaha wanwanaagsan oo ay raggu gabadhaha ku raacaan. Waxaa gar ila noqotay, siixiibbada qaarna ay codsadeen in wax laga dhaho sifooyinka ay gabdhuhu rabi lahayeen in ragga nolosha la wadaagaya ay yeeshaan. Qof walba qofka hadda garab jooga ee uu nolosha la qaybsanayo ama uu damacsan yahay in uu la qaybsado, waa qasab in uu ku qanacsan yahay. Ma jiro qof qof kale si go’an ula dookh ah. Balse waxaa jira dhaqammo iyo astaamo wanwanaagsan oo bani’aadamku isku wada raacsan yahay. Sidaas oo kale, waxaa jira astaamo guud oo ay gabar walba rabto in uu wiilka riyadeedu yeesho. Bal tilmaamahan hoose isha la raac oo arag inta aad ka shinsato.

  1. Naxariis iyo nafhur

Ma waxaa jira dhaqan naxariis iyo nafhur ka wanaagsan ee uu qof yeelan lahaa? Gabadhu waxay rabtaa wiil u turaya, daryeelaya una nafhuraya. Nafhurnimadu waa in aadan anaani ahayn oo ‘wax walba aniga ayay igu fiican yihiin’ aadan dhahayn. Daraasad lagu daabacay The Journal of Social Psychology ayaa waxay tilmaantay in dumarku ay doorbidayaan lammaane nafhur leh marka laga hadlayo xiriirrada dhaadheer. Nafhurnimadu waxay tilmaan fiican ka bixineysaa astaamaha aabbenimo ama hooyanimo ee qofka iyo dabeecaddiisa wanaagsan.

  1. Maad iyo shactiro

Awoodda ka qoslinta ama sheegidda sheeko maad leh ama sameynta fal qosol leh waxay daliil u tahay caqli, halabuur iyo dhug sarreysa. Sidaas waxaa leh daraasad la sameeyay 2010 oo ay ka qaybgaleen 200 wiil iyo 200 gabdhood. Cilmigu wuxuu sheegayaa in kartida wiilku u leeyahay ka qoslinta gabadha ay muhiim u tahay gabadha. Qasab ma aha in aad noqoto sida Boon Xirsi ama Aw Kuukuu (AUN labadoodaba). Laakiin waa in aad xoogaa xariif ku tahay ka qoslinteeda. Ogow gabdhuhu way jecel yihiin wiilka dhibka badan (haddii ay gabar kugu tiraahdo ‘waad dhib badan tahay’ waxay ula jeeddaa ‘waxaad tahay kaftanlow; dhibkaaga waa ku la rabo’) oo ka qoslin kara ilaa ay calooshu xanuunto!

  1. Isku kalsoonaan

Dhaqammada aadka u soo jiita dumarka waxaa ka mid ah kalsoonida qofeed ee uu wiilku ku qaba naftiisa. Sida ay Carly Spindel qabto dumarku waxay ka helaan oo soo jiita ragga isku kalsoon oo falalkooda iyo meesha ay lugta dhigayaanba huba. Hadhow danbe isku kalsoonaantaasi waxay ka soo muuqanaysaa hab-dhaqanka wiilka. Isku kalsoonaantu waa kartida kuu suurtogalinaysa in aad madax bannaan tahay, cid kale wax kuu meerineyn leedahayna hab-dhaqan adiga kuu gaar ah oo lagugu garan karo.

  1. Dhageysi wanaagsan

Abuur ahaan dumarka ayaa ka hadal badan ragga [:)] . Iyaga ayaa hadalka ka faahfaahin og oo tafaasiisha sheekada ku taagtaagsan og, sida ay dad badan qabaan. Saa daraaddeed, gabdhuhu waa ay ka helaan wiilka dhegta u raariciya oo sheekada si wanaagsan uga gura. Gabadhu waxay jeceshahay wiilka dhibkeeda dhageysta oo aan hadalkeeda dhibsan ama aan warka ku celin. Cilmibaaris ay ka qaybqaateen 1,000 dumar ah oo da’doodu u dhaxeyso 21 iyo 54 ayaa waxaa lagu wayddiinayay in ay sheegaan tilmaamaha ay ragga ku xulan lahaayeen. 53% waxay sheegeen in ay rabi lahaayeen in wiilku uu gabadha daneyn tuso oo uu u dheg raariciyo marka ay la hadlayso gabadhu. Bal ka fakar iyada oo kula hadlaysa adiguna aad moobaylkaaga ku malgan tahay. Iska jir taas oo kale!

  1. Kalgacayl

Gabadhu wax ay ka jeceshahay ma jiraan in wiilku uu u sheego in uu iyada jecelyahay. Kuma filna kaliya in aad dareensiiso kalgacalka aad u hayso, waxaad kaloo u baahan tahay in aad u sheegto. Dadka qaar ayaa ku dooda in gabdhuhu ay daacad u yihiin xiriirrada in ka badan wiilasha. Haddii ay taasi run tahay, jacayl dhab ah oo la dareensiiyo ayaa uun daacadnimadeeda kordhin kara kalsooni xoog lehna ku abuuri kara.

  1. Caqli

Caqligu waa awoodda maskaxeed ee macquulnimada oo aan u adeegsanno fahmidda waxyaabaha nagu hareereysan, kasbashada aqoon iyo xallinta dhibaatooyinka. Gabdhuhu way ka helaan ninka dhugtiisu fiican tahay ee sawirka weyn si sahlan u arki kara. Gabadhu way jeceshahay wiil garaad fiican leh, wax ay ka baran karta oo caqligiisana ku madadaalin kara.

  1. Tixgelin

Qofna ma jecla in hoos loo fiiriyo. Markay arrintu gabar joogto kaba daran. Gabadha waxaa soo jiita wiilka tixgelin dhab ah tusa oo sideeda iyo qof ahaanteeda ugu qanacsan. Sida ay ugu baahan tahay in iyada la xushmeeyo ayay, si la mid ah, waxay ugu baahan tahay in aragtideeda, qoyskeeda iyo qof walboo iyada u dhow la qaddariyo.

  1. Daacad

Dumar fara badan oo ilaa 1000 gaaraya ayaa waxaa la wayddiiyay in ay tixaan 10-ka tilmaan ee ugu horraysa oo ay jeclaan lahaayeen in uu yeesho wiilka ay doonayaan in ay nolosha la wadaagaan. 84% waxay dheheen ‘waa in uu daacad ii yahay.’ Xiriirrada badka qaba waxaa labada gees ka taagan dad lillaahi isu ah, isu kalsan oo aan is dhagrayn.

  1. Labbis qurxoon

Qofka lagama talogeliyo sida wejigiisa ama qaabka jirkiisu u ekeenayo. Hasayeeshee wuxuu ikhtiyaar buuxa u leeyahay dharka u xiranayo iyo sida uu u xiranayo. Ma jirto cid gabdhaha ka fahmi og quruxda waxa ay tahay; waayo waaba aqoon abuur ahaan ay la dhashaan. Dookha wanaagsan ee lebbiska iyo habka xirashada dharka waa qodob dumarka iyo dadkoo dhanba aad u soo jiita. Marka xigta si fiican uga fakar xulashada midabka iyo nooca maryaha aad xiran doonto.

  1. Karti

Ma jiro qof ceeb ka saliin ah. Ma jiro qof dhammeystiran. Balse qof walba dhan u badi. Sidaa ay tahay dumarku waa ay ka helaan wiilka wiilasha ka dhex muuqda oo leh karti ama wax gaar ah oo uu ku fiican yahay.  U fiirso miraha heestan Soomaali sida wiilku uu rabo in uu gabadha ugu faano. Wuxuu isku sheegayaa in uu yahay nin karti leh oo isagu xal u hela dhibaatooyinka.

Qisadii adkaatiyo

Xaajadi qallooc gala

Ka u qiil sameeyee

Loo qeyshadaan ahay.

In aad tahay qof duwan (je ne sais quoi), leh burji sarreeya iyo hab-dhaqan soocan oo dadka kale lagaaga sooci karo waa sifooyin gabadha si fiican kaaga gadaya. Maansayahankii hore ee Soomaaliga ee heesaha sameyn jiray marka uu hees iskula hadashiinayo wiil iyo gabar is xodxodanaya, waxaad arkaysaa in mar walba ay gabadhu wiilka ku xulanaysay kartida iyo astaamaha wanwanaagsan ee uu asaaggiisa kaga sarreeyo. U fiirso tuducyadan hoose oo ay gabar ku heestay:

Sida dhamastu geedaha

Dhirta uga sarreysaa

Adiguna dhammaantood

Qeyrkaa u dhaaftee

…..

Dhool karan hillaaciyo

Dhado lama maseeyee

Dhulka waxa rag joogana

Ma wiil kuu dhigmaa jira?

Geesi lagugu dherershana

Dhab laguma qabanoo

Weli hooyo may dhalin

Jacaylkeennu waa dhab

Waxaa iiga dhimman sharaf

Nasiib iigu kaa dhaca.

Haddii aad hesho wiil ‘aan caadi ahayn’ ha sii deyn.

  1. Kalsooni

Wiilka kula wadaagaya sirta iyo arrimaha noloshiisa oo dhan wuu kugu kalsoon yahay. Haddii qofku uu wax kaa kala reebto, waxay ka dhigan tahay weli waxbaa u harsan. Sida ay daraasad tilmaamayso xiriirka  jacayl ee abadiga ah waa kan ku dhisan kalsooni laba geesood ah. Kalsoonidu waxay labada qof dareensiinaysaa xasilloonni nafeed iyo nabadgelyo. Waa waxa u suurtogelinaya in qofku qofka kale isku halleeyo.

  1. Cunto ma karin taqaan?

Waqti dhow ka hor waxaa la qabay in dumarku aanu jecleyn in raggu uu arrimaha kushiinka faraha la soo galo. Dhaqan ahaan, mar walba hawsha guriga waxaa lagu fiirsadaa gabadha, haddii ay ahaan lahayd hooyo, abbaayo ama afo. Inkastoo laga yaabo in weli ay jiraan dumar raba in wiilku ka fogaado qabashada hawsha guriga, haddana waxaa, taa beddelkeeda, jira dumar fara badan oo soo dhaweynaya in wiilku uu ka caawiyo hawsha guriga sida cunto karin, ilmo hayn ama nadaafad. Nasiibxumo wiilka Soomaaliga intii uu yaraa waxaa hawsha guriga ka xigsaday hooyadii, walaashii ama gabar kale. Haddii aad ka mid tahay, sidayda oo kale [:)] , wiilasha tirada yar ee cunto karin yaqaan, bishaareyso. Adiga iyo qoftaadaba nasiib ayaad leedihiin!

  1. Fahan

Gabadhu, dareen iyo lahasho ahaan wiilka si wayn ayay uga duwan tahay. Waxaa laga yaabaa in wax adiga aad kuula fudud ay iyada ka caraysiin karaan ama si kale ay dareenkeeda u danqin karaan. Dumarku way u aayaan ragga iyaga fahma, dhibkooda dhagaysta ka dibna wax kala qabta. Bayooloji ahaan isbeddelka ku imaanaya jirka gabadha mararka qaar, wuxuu geyeysiinayaa in ay la soo baxdo dabeecad ka duwan teedii caadiga ahayd. Saa dareeddeed ayaad u baahan tahay in aad ogaato marka aan gabadha lala hadlin, marka horteeda aan lagu miriqshaanleyn iyo marka garab loo noqdo oo aan laga ag tegin.

  1. Astaamo kale

Qof ayaa wuxuu weyddiiyay dadka adeegsada bogga Quora su’aal ah ‘waa maxay astaamaha ay gabdhuhu rabi lahaayeen in ay wiilashu yeeshaan?’ Jawaabaha ay dadku bixiyeen, oo gabdho u badnaa, waxaa ka mid ah:

Ixtiraam- in uu kugu ixtiraamayo qofnimadaada.

Kaftanlow- in uu kaa qoslin karo. Ma jiro wax ka fiican in aad hesho qof ay sheekadiisu kaa qoslinayso.

In uu dhul-dhigan yahay oo uusan isla weyneyn, santaag (kibirrow ahayn).

Halabuur- in uu leeyahay halabuur (gabay iyo hees loolama jeedo) oo uu mar walba kaaga yaabsan karo wax cusub.

Dhexdhexaad- in uusan waqtigiisa oo dhan gelinin shaqo ama nasasho. Hadduu shaqo u wada go’o oon marnaba la arkayn waa dhib, taa beddelkeedana waa dhib kale.

In uu qurxoon yahay lacagna leeyahay J.

Maskax, maskax, maskax- in uu caqli leeyahay. Dumar haddii aan nahay waxaan jecelnahay wiil aan wax ka baran karno. Dumarku way jecelyihiin ninka maskaxda furan, xog-ogaalka ah oo wax yaqaan.

Ma jiro qof tusaale ah (ideal) oo dhammeystiran. Qodobbada kore waa uun qaar ka mid ah astaamaha wiil ee gabar soo jiidan kara. Qofka meel ku liita meel ayuu ku wanaagsan yahay. Laba qof oo wada jooga waxaa isku hayn kara isku qanacsanaan, isku kalsoonaan iyo jacayl laba geesood ah. Haddii aad raalli ka tahay oo aad ku qanacsan tahay lammaanahaaga isna jeceshihiin, ma farxad kuu harsan ayaa jirta?

W/Q: Shakir Mohamed Abdullahi

Shamaca.com

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *