Tarbiyada Caruurta Iyo Guriga

Asalamu Caleykum Dhamaan,

Maanta halkan waxaan ku soo qaadanayaa mawduuc muhiim u ah nolosheena dhamaan, kaas oo ah tarbiyada ubadka iyo Guriga, sidaa  wada ognahayba, halka u horeysa ee ubadku ka helo tarbiyada waa qoyska gudihiisa iyo aqalka, hadba sida ay tahay akhlaaqda aqalka taalaa ayuunbuu ilmuhu dibada ula soo baxaa,. Sida diinteena Islaamka ahi ee qiimaha lihi ina fareyso hor iyo horaanba waa Aqalka iyo qooyska muslimka ah lagu asaasaa Qiyamka Islaamka.

Waxaan tusaale u soo qaadaneynaa, in ay isdoortaan waalidyo ku haboon  iney soo saari karaan jiil wacan oo islaamiya , Taas oo macaneheedu  yahay, In uu aabuhu doorto Oori wacan oo diin leh, isaga oo tixraacaya Axaadiista nebiga ee tilmaameysa arintaas oo ah in la doorto gabadh diin leh, sidoo kale waa in Gabadha loo dooraa nin wacan oo diin iyo akhlaaq leh, taas waxaa dheer in qoyska lagu asaaso hab Islaamiya, inkastoo sida la isku mehersado Diinta Islaamka hadana waxaa xigta in guriga loo asaaso sida Gaalada iyadoo dadka badankoodu sameeya habeenka arooska wax aad u khilaafsan Islaamnida tan oo aan kawada dheragsanahay oon inooga baahneyn faalo.

Hadaba hadaan dib ugu soo laabto Tarbiyada Ilmaha waxaa la inooga baahan yahay arimahan soo socda:-

1-In la baro ilmaha wax kastoo faa’iido u soo hoynaya Ifka iyo Aakhiraba sida in la Baro Shahaadateynka

2-In lagu talaalo qalbiga Ilmaha Jacaylka Alle iyo Rasuulkiisa Muxammed (SCW) iyo aasxaabtii.

3-Inla xafadsiiyo suuradaha quraanka iyo aayado hadba intii uu kari karo.

4-In Salaada la faro marka uu gaadho 7 sano.

5-In lagu rabeeyo dahaarada sida weysada, laguna ababiyo runta amaanada iyo xidhiidhinta Qaraabada.

6-In laga dheereeyo wax kastoo wisikheyn kara qalbigiisa wanaagsan sida TV yada faafiya akhlaaq xumada sida Musalsalada, Filamada iyo Heesaha oo weliba  kus oo biireen qaar afkooda ku hadlaya.

TVGA  waxaan odhan karnaa waa barbaariyaha iyo macalinka aqalo badan iyo ubad badan oo Muslimiin ah.

7-Barida Akhlaaqda wacan Waalidna masiin ilmihiisa wax ka wacan akhlaaqda wacan.

8- Ka fogeynta balwadaha sida sigaarka Qaadka iyo wixii la mida se ka waran waalid hadii aad adigu ku imtixaamantahay balwad waxuunbaad u gudbineysaa Ilmahaaga waxaas aad ku imtixaamantahay.

9- Ku ababinta ilmaha Geesinimada, iyo daacadnimda.

10-Barida iyo uga sheekayta Saalixiinta iyo culimada iyo dadka Taariikhda wacan ku leh dunida, se maxaad uga sheekeyn hadii aad adiguba waxba dhaamin.

Gafafka laga galo Ubadka:-

1-Faham la’aanta niyada ilmaha, iyo moogaanta daeenkiisa in badan oo waalidiinta ka midi waxay ula dhaqmaan si ad adeyga iyagoo dagaalaya kuna ciqaabaya garaacid iyo yasid, inkastoo ilmaha laga horjoogsanayo hadii uu khalad galo laguna ganaaxi dagaal iyo hanjanaadba, hadana waxaa waalidiinta badankoodu ilmaha u arkaan waxaan dareen badan lahayn.

2-Ilmaha waa inuu waalidku u noqdaa tusaale wacan, waa in waalidiintu ku murmin ilmaha hortiisa iskana jiraan wax kastoo ilamaha dareenkiisa dhibi kara, waayo ilmuhu waa jile wacan oo si dhib yar u qaadan kara wax kastoo uu ka arko waalidkiisa, taasna waa mid aan ka aragno nolol maalmeedka, waa inaan tusaale waca ugu noqonaa akhlaaqda wacan iyo samaha, oo aynaan maqashiin ereyo dhegihiisa wiskheeya.

3-Waa naxariis badan loo mujiyaa ilmaha sida uu rasuulku ku yidhi ninkii yidhi welegay ma dhunkan ilmo aan dhaley, oo Rasuulku ugu jawaabey qofkaan naxariisan looma naxariisto.

4-Waa ilmayaasha laga simaa cadaalada oo aan look ala eexan.

5–waa inilmaha wax la baraa taas oo loo aayayo ifka iyo aakhiraba.

Arimo loo bahanyahay il daneeyo:-

1-    Ilmaha in labaro edaabta wacan sida midigtuu wax ku cuno, sida uu gelao musqusha uga soo baxayo.

2-    Ku barbaarinta ilmaha Nadaafada.

3-    Hablaha oo lagu tarbiyadeeyo xijaabka iyo dhowrsanaanta.

Kelmado kooban ama maqaal gaaban laguma soo koobi kaaro mawduuacan ee tani waa baraarujin keliya, se hadii lahelahaa qoyasas badan oo sidan u tarbiyadeeynaya ubadkooda waxa soo bixi lahaa jiil anfac badan leh iyo bulsho wacan.

Ahmed A. Ileeye

Check Also

5 Qodob Oo Waalidku Uu Ku Horumarin Karto Waxbarashada Caruurta

Sida caadiga ah waxa ugu badan ee uu waalidku ku fikiro xilliga uu ilmihiisu ku …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *