Talooyin Xikmadaysan Oo Ku Socda Gabdhaha

Talooyin Xikmadaysan oo ku socda Gabdhaha. Ragguna ha akhriyaan

1. Baro Diinta. Tuko Salaada. Badi Cibaadada Alle.

2. Ha bedelin midabkaaga. Uma baahnid qof bini’aadan ah kuu sheego inaad Qurux badan tahay. Waxaad tahay abuuristi Alle, Maxaa sidaa ka qurux badan? Qof original aan kugu rabin oo Copy kugu raacaya waa qof runta diidan oo been raba.

3. Ha ka guurin gurigiina haddii aysan Hooyadaa ku galbin iyadoo raali kaa ah. Mar kasta ku fakir inaad Hooyadaa ka farxiso

4. Ha madadaalin Nambaro qalaad oo ku soo waca, gaar ahaan xilli dambe habeenki. Ma aha waqtiga saxda ah aad Jaceyl heshid.

5. Yeelo wehel wanaagsan. Ka taxadar hablaha aad sheeko wadaaga tihiin. Ka fogow sifooyinka sunta ah sida Xanta, Xinka, Xasadka iyo Xumaan oo dhan.

6. Haddii dhibaato, murugo, qalbi-jab ku soo wajahdo marnaba ha quusan, ha isku mashquulin music, musalsal ama madadaalo kale. Kuwani dhib ma xalliyaan balse waqtiga uun bay kaa luminayaan. Si geesinimo leh u wajah dhibtaada ilaa aad ka xalliso

7. Ka fogow balwad & nooc kasta oo daroogo ah. Waxay noloshooda baabi’isay kuwa badan

8. Ka baro Saburka Aasiya, Daacadnimada Khadiija, Dhawrsanaanta Maryam, Mukhlisnimo Caa’ishah, Toosnaan Faatimah

9. Ha u guursan qof Lacag darteed haddii kale waxaad noqoneysaa mid ka mid ah hantidiisa

10. Sidi Maxamed Cali Kalaay AUN ku yiri gabadhiisa, “Wax kastoo Aduunkan qiime sare leh, Alle SWT wuu daboolay, waa xafidan yihiin, si adag baana loo helaa, Tusaale diamond, dahab iyo Luul intaba waxaa laga kala helaa Gunta hoose ee dhulka, Godad dusha looga daboolay lakabyo isa saaran oo dhagxaan ah iyo Gunta hoose halka u dambeysa Badda iyadoo lagu daboolay laguna xafiday dahaar aad u qurxoon. Haddaba, haddii aad ogtahay in jirkaagu karaameysan yaay ama qiime leeyahay Xafid oo Astur”

W/Q: Farah Cawaash

Check Also

hadallo xikmad leh, hadal xikmad leh,

Hal-ku-dhegyo Iyo Hadallo Xikmad Leh Oo Caalami Ah

Qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa hadallo xikmad leh iyo halku dhegyo oo laga dhaxlay hal-abuurro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *