Talooyin Xikmadaysan oo ku Anfacaya

1. Marnaba ha u sharixin naftaada qofna. Sababtoo ah qofka ku raba uma baahna, qofka aan ku rabina maba rumeysanayo.

2. Waxaan ka oohinaa kuwa ina daneeya. Waxaan u ooynaa kuwa aan marnaba na daneyn. Waxaan ka cararnaa kuwa na jecel, waxaan eryanaa kuwa aan na jeclayn. Tani waa murugo balse waa xaqiiq. Laakiin Goortii aad garowsado waqti kaama tagin inaad is bedel sameyso.

3. Ma taqaan waxa sun ah? Wax kasta oo xad-dhaaf ah ama ka badbadis ah Nolosha waa Sun. U noolow si dhex-dhexaad ah oo isu dheelitiran.

4. Jaceylka u dhaxeeya wiil & gabar walaalo ah oo wada dhashay waa mid ka mid ah kuwa ugu qoto dheer uguna dareejo sareeya shucuurta & dareenka bini’aadanka. Xiriiri Walaalkaa/Walaashaa.

5. Mar kasta oo qof isku dayo inuu Albaab kaa xiro, noloshaada ceeb & cillado u raadiyo, waxaa Xaqiiq ah in Alle Albaabo badan kuu furayo, qofkaana ciriiri & caro ku noolaanayo. Ka fogow Xasad iyo naceyb.

6. Dad qalaad (aan is aqoon) ayaa isu noqon kara saaxiibo isku wanaagsan sida ay u fududahay in saaxiibo aad isugu dhow isu noqdaan dad qalaad. Ka taxadar saaxiibada aad leedahay.

7. Kala fogaanshuhu ma baabi’iyo xiriirka. Ma aha inaad aragto qof jaceyl idinka dhaxeeyo maalin kasta. Muhiim ma aha joogitaanka qoloftaada ee waa waxa Qalbigaaga ku jira. Yeelo Qalbi qurux badan

8. Haddii qof isku dayo inuu saxo qof kale si private ah, waa qof daacad ah. Haddii uu isku dayo inuu si public ah u saxo waxay ka dhigan tahay inuu doonayo inuu khaladkiisa tuso dadka, waana calaamad munaafaqnimo. Ka digtoonow ficilkaa.

9. Qof kasta wuxuu heystaa 24 saacadood oo waqti ah. Waxa la isku dhaafay oo lagu kala hormaray waa sida loo isticmaalay. Haddii qof dayacay waqtigiisa, ma aha inuu eedeeyo ama wax ka sheego qof si wanaagsan waqtigiisa. Ka faa’iideyso waqtiga & fursad kasta.

10. Haddii xukun & awood damaanad qaadaan amni, kuwa madaxda ah ayaa lugeyn lahaa ilaalo la’aan. Haddii qurux & magac keenaan xiriir waara, kuwa caanka ah ee heesa ama filimaanta jila ayaa guurka u wanaagsan yeelan lahaa, laakiin waxay heystaan diiwaanka furiinka ugu badan aduunka. U noolow si fudud. U soco si tartiib ah.

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

cimriga bini aadamka, cimri dherer,

Caadooyin Qofka U Horseedi Kara Cimridherer

Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *