8 Astaamood Oo Aad Ku Garan Karto Haddii Jirkaaga Uusan Helin Biyo Ku Filan

Biyo ku filan, cabbista biyaha, biyo badan

Waxaan aaminsanahay inuusan jirin qof dafiri kara faa’idada ay leedahay biyaha caadiga ah oo si joogta ah loo cabo, hasa yeeshee waxaa jira dad badan oo inaga mid ah oon cabin biyo ku filan maalin walbo. Maadaama aanan la joogteyn cabidda biyaha waxaan si joogta ah u dhaawacnaa jirkeena, hadii aad dareentid mid kamid ah qodobada hoos ku qoran, waxaad hadda ku bilowdaa koob biyo caadi ah.

Waxaad dareentaa in afku ku qalalan yahay

Arrintaan waxey u egtahay mid iska cad hasa yeeshee saameynta ay leedahay sidaas oo kale uma cadda, dabcan mar walba ood dhedheg ka dareentid afka waxaad laacdaa wax dareere ah laakin cabitaanada sonkoreysan waxey si kumeel gaar ah u xaliyaan af qaleylka. Biyo caadi oo lacabo waxey saliideyn u tahay xuubka jilicsan ee ku hareereysan afka iyo cunnaha, biyaha waxey waqti dheer ka dhigayaan afkaaga mid si joogta ah ugu qoyaan oga hela calyada

Waxaad dareentaa in maqaarkaaga uu qalalan yahay

Maqaarka waa xubinta ugu weyn ee jirka bani aadamka, dabcan waxuu u baahan yahay inuu helo biyo ku filan. Xaqiiqda ayaa waxey tahay qalleyl laga dareemo maqaarka iney tahay astaanta ugu horeysa ee kuu sheegeysa in jirkaaga aysan ku jirin biyo kufilan ama jirku uu fuuqbaxsan yahay, fuuqbaxa wuxuu sababi karaa dhibaatoyin badan. Biyo yari waxey ka dhigan tahay dhidid yari, waana arin sababeysa in jirku uu sameyn waayo wasakh saar.

Indhaha ayaad qalleyl ka dareentaa

Hadda waxaa kuu muuqata in saameynta biyo yarida aysan ku ekeyn afka iyo cunnaha oo kaliya. Biyo yari waxey dhalisaa in qofka indhahiisa ay noqdaad guduud ama casaan, biyo la’aanta waxaa kugura tuubooyinka lagu keydiyo ilinta, ilinta waa biyo loogu talo galay in lagu saliideeyo indhaha ama lagu qooyo si uusan aragga u xumaanin.

Waxaad xanuun ka dareentaa kala goysyada

Carjawda ku jirta kala goysyada iyo carjawda diskiga ee u dhaxeeya lafaha dhabarka waxey 80 boqolkiiba ka sameysan yihiin biyo. Tani waxey muhiimad balaaran u tahay ka hortaga in lafaha ay isxoqaan. Marka aad qaadatid biyo kugu filan waxaa fudeyd noqonaya sida kala goysyadaada ay uxamili lahaayeen dhaqdhaaqa degdega ah, sida orodka, boodinta ama dhicidda

Xanuunada kugu dhaco waxey qaataa muddo dheer

Marka jirkaaga uu helo biyo ku filan waxaa fudud in jirka uu dibadda isaga saaro sunta uu jirka ku jirado, xubnahaaga waxey jirka ka miiraan ama kashaqshaqaan wasakhda sida makiinad oo kale, laakin makiinadda mashaqeyneyso hadii aan lagu shubin biyo ku filan. Shaqada jirka ayaa noqoneysa mid aan isku dheelitirneyn, arrintaan waxey sababeysaa in jirka uu biyo kasoo leexiyo meela kale sida qulqulka dhiiga, waana xaalad keeneyso dhiibaatooyin kale oo horleh.

Waxaad dareentaa daal iyo awood la’aan

Sida aan horay u xusnay, marka jirka uu ku yaryahay biyaha, wuxuu biyo kasoo nuugaa ama kasoo leexiyaa dhiiga, dhiig uu ku yaryahay biyaha wuxuu horseedaa in jirka uusan helin ogsijiin ku filan. Dabcan ogsijiin yari waxey kugu sababeysaa hurdo iyo daal buuxa. Ogoow daalkaan ma ahan mid xitaa looga hortagi karo cobidda kafeyga.

Waxaad dareentaa dhibaatooyin xaga dheefshiidka ah

Waxaan horay uga soo hadalnay biyo cabidda iney caawineyso afka iyo cunaha, sidaas si lamid ah ayey u caawisaa habka dheefshiidka oo idil. Hadii ay biya cabiddaada ay yartahay, awooda ay caloosha isaga caabiso aashitada lagu shiido cunnada ayaa hoos u dhaceysa, arrintaan waxey dhaawaceysaa gudahaaga, waxey kugu soo hogaamisaa cillado caafimaad sida laabjeex. Sidoo kale waxaad dareemeysaa calool fadhi.

Waxaad dareentaa iney kugu yartahay kaadida

I aamin, hadii aadan suuliga aadin 4 ilaa 7 jeer maalinti, matihid qof caba biyo kugu filan, waxaa larabaa in kaadidaa ay marwalbo ahaato mid jaale ama huruud khafiif ah ama kaadi uu midabka ku yaryahay. Hadii kaadidaada ay tahay mid jaale ama huruud mugdi ah, jirkaaga wuxuu kuu sheegayaa inuusan haysan biyo ku filan. Biyo la’aan ba’an waxey mararka qaar sababi kartaa infekshanada ku dhaca kaadi mareenka.

Akhriso: Xanuunnada Lagu Daweeyo Cabbista Biyaha Kulul & Xilliyada ku Haboon in la Cabbo

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *