Talooyin Ku Socda Gabadha Oo Ay Kaga Faaidaysan Karto Bisha Ramadaan

ramadaanGabadha muslimada ahi waa inay ka faa’idaysataa bisha ramadaan maadaama oo ay sanadkii mar kaliya ina soo marto, sidaas darteed waa muhiim in gabadhu isku diyaariso bisha ramadaan, bisha khayrka ah oo ayna waqtigeeda ku cayaarin.

Waa bil ajarkeedu waynyahay.

Waa bil habeenkeedu ay fadli badantahay.

Waa bil khayrkeedu sareeyo.

Waa bil maalmaheedu ay barakeeysanyihiin.

Sidaas darteed nasteexooyinkan iga gudoon:

– niyadaada soo xaadiri, oo niyeyso inaad wada soomaysid ramadaanka, iyo inaad hagaajisid niyadaada, in aad ilaahay dartii usamaynaysid.

– xasuuso mar walba ajarku inuu aad u waynyahay bisha ramadaan, hadii aad sameysid khayrka.

– sii baro ama akhriso axkaamta ramadaan iyo fadligeeda, iyo fiqhiga ramadaanka, si uu soonkaagu sax u noqdo.

– inaad cibaadada kala nocnoocisid : akhrinta quraanka, faqiir wax siisid, afurinta qof sooman, tahajud. Hal nooc oo cibaado ah un kaliya ha ku koobnaan si aad ajarka ubadsatid.

– tiri mar walba inta ramadaan ka harsan, taasina waxay ku dareensiin inaad badisid dadaalka iyo inaad ka gaarsiisid intaanay dhamaan ramadaantu.

– inaad ehelkaaga ama ninkaaga la sii balantid in aad rabtid inaad ka faa’idaysatid bisha ramadaan oo aad rabtid inaad badisid cibaadadaada sidaas darteed hawl badan ma galayo, ama ha iga sugin hawl badan.

– in aadan cuntada cunidieeda isku badin, si aad u ilaashatid caafimaadkaaga, miisaana kuu korin, caajiska iyo wahsiguna way kaa yaraan hadaad cuntada yaraysid cibaadaysiguna wuu kuu kordhi.

– samayso jadwal aad ku so cotid bisha ramadaan si aad waqtiga si fiican uga faa’idaysatid, ku qoro xiliga aad quraan akhrisanaysid, habeenka goorma ayaad soo kici, ducada habeenka, iwm.

– ka fogoow waxa waqtigaaga dayacaya oo waqti badan kaa qaadanaya adoon wax ka fa’iidaysan.

FG: Fikradaha maqaalkan qaar kamid awaxaa iskaleh Saaid.net

W/Q: Sucaad A Maxamed

Xigasho: Khadijahome.com

Check Also

Mar Walba Oo Aad Dareento Culeys, Niyad Jab Iyo In Aan Ducadaada La Aqbalayn, AKHRISO SUURADAAN

Ma ogtahay in dawada ugu waxtarka badan, waxyeelana aan lahayn ee loo qaato stress-ka, welwelka, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *