Fikrado Kulanka Gogosha Ah Oo Anfacayo Gabdhaha Xishoodka Badan & Kuwa Guurka Ku Cusub

Hadii aad tahay xaas ama gabadh hada guursatay waxa haboon in aad ogaato in ninkaagu yahay jacaylka aad ka soo dhex dooratay ragga oo dhan. Islamarkaana aad tihiin laba qof oo wada qaybsanaya dhinacyada kala duwan eee ay noloshu leedahay. Waxa kale oo hubaal ah in aad isu tihiin dhar.

Markaa ninkaaga oo kuu ah sida dharka aad xiran tahay ee ku asturaya ayaa waxa aanad u baahnayn in aad kala xishootid baahidaada. Waxa aanad xaq u leedahay  in aad u sheegto marka aad xiiso u qabto oo aad doonayso in aad la raaxaysato.

Hadaba hadii aad tahay gabadh u aragta raaxada iyo galmada  aad la samaynaso ninkaaga in ay tahay mid ku salaysan oo kaliya in sariirta la isla fuulo oo nalka la damiyo, haboonayna in la isu sheego sida la isugu baahan yahay iyo la isu qaabilo, waxaan  kuu haynaa fikrado arintan kaa caawinaya.

-Sawir: In aad sawir maskaxda ku sawirato sida mid ah in aad tahay gabadh soo jiidasho leh oo aanad sawirkaa maskaxda ka saarin ilaa aad sariirta waqti kula qaadanayso ninkaaga. Taasina waxa ay kaa dhigaysaa in aad noqto xaas dhiiran oo bustaha hoostiisa cayaarta bareejo ku gasha.

-Qalabaynta: “Quruxda yaan u leenahay qalabka yaan u sidanaa” ayaa ah erayo ka mid ah heesa soomaalida. Taas oo ay gabadhu ku sheeegayso labiska ay gabadhu xidhan tahay in uu yahay mid soo jiidan kara ninka. Ama in aad tidhaa macaanoo waxa aan rabaa in aan indhaha maro caawa kaaga xiro xiliga aan wada raaxaysanayno. Taasina waxa ay kor u qaadaysaa darajada xaraarada qolka cayaartu ka socoto.

Meelo kala duwan: Xishoodkaagu waxa uu sababaa in aad markasta ninkaaga isku aragtaan qolka hurdada xili isku mid ah habeen kasta. Bedel arintaas, sida adiga oo marka uu guriga yimaado ka yaabsanaya oo si soo jiidasho leh ku qaabilaya, tusaale ahaan adiga oo xiran dhar khafiif ah, ama ugu gal xamaamka marka uu qubaysanayo oo la qubayso.  taasina waxa ay labadiinaba ka dhigaysaa kuwo ku faraxsan arinmahaa aad samaysay, kana heli doona.

Liis samee: Marka aad rabto in lagu siiyo hadyad iyo wax kale waa ay kuu fududahay in aad qorto liis aad ku codsanayso waxa hadyad ahaan laguugu keeno, laakiin mark ay tahay waxa aad rabtid in uu ninkaagu kuugu sameeyo sarriirta way kugu adag tahay.

Markaa ku bilow hal codsi oo aad sidii liiska hadyada oo kale u qorayso waxa aad rabtid in n inkaagu kuu sameeyo ama aad wada samsyaan. Kadibna si tartiib ah u kordhi tirada liiska marba marka ka dambaysa

Hadii kale sideed ku nonoqn kartaa in aad tahay mid si dhab ahaan ah u hesha waxa ay rabto??

W/Q: Asha Yusuf

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *