Talooyin Khaas U Ah Dumarka Guurdoonka Ah

-Ka dheerow inaad ka mid noqoto dumarka markaliya la sheekaysta dhawr wiil, waxay kugu keenaysaa kasooni la’aan iyo inaad kala garan waydo midkaad rabto. Wiilasha aad la sheekaysanaysana dulmi ayaad ku samaynaysaa….

-Hakuu cadaato oo yuuna madmadow kaaga jirin in sababta aad ula kulmaysaa ay tahay sabab cad oo muuqata taasoo ah guur xalaala,

-Kalsooni iyo isku filnaan hadii uu kaa arko maalinta u horeysaba inaad tahay gabadh isku kalsoon oo wax qabsata, dhalin yarada samankani aad ayey u jecel yihiin taas, isku filnaanshahuna maaha inaad tahay mid aan loo talin karin.daryeelmagazine.com
-Sadex ka ogow maalinta u horeysaba, sida uu diinta ku yahay, waxa uu qabto iyo qoyska uu kasoo jeedo (qabiil maaha ee waa reerka dhalay) xidhiidhkoodu sida uu yahay.

-Hadii uuna ku cajabin oo aadan ku qancin usheeg adoon dareenkiisa dhibayn, hadii aadan dhaqso ugu sheegin waxay u badan tahay inuu u arkay inaad ku qanacday.

-Hadii uu ku cajabiyo oo aad ka heshay dareensii si aan toos ahayn hana wada tusin inaad ka heshay, u sheeg inuu Okey yahay.daryeelmagazine.com ayaa ku leh niman badan kama helaan gabadha waraaqaheeda marka u horaysaba soo wada saarta, dareensii hana wada dareensiin inaad ku qanacday.

W/Q: Aniso Shiikh Ibraahim

Check Also

qaneecada,qanaaco,

QANEECADA BINI’AADAMKA

Qaneecadu waa inuu qofku ku qanco waxa Alle (SW) uu qaybshay ,mu’minka dhabta ahna waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *