Sida Loo Noqdo Qof Farxad Badan

Qoraal kuma soo koobki karno sifaha lagu noqdo qof wanaagasan, lakiin waxa aynu iksu dayi doonaa in aynu waxa ka sheegno qodobo gundhig u ah wanaaga iyo ku  dhqanka dhabaha toosan. Hadaba hadii aynu wax ka sheegno qodobada lagu gaadho dhabaha toosan waxa kamid ah kuwan:

1- Ku kalsoonow naftaada

2- iska Ilaali furaha guul-darada oo ah in aad hawlaha dib u dhigato ama  aad tidhaa hadhow ayaan qaban doonaa.

3- iska Ilaali marka aad go,aan qaadaneyso in aad dhiiranaan weydo.

4- Ha ku lumin wakhtigaaga adoo doonaya in aad waxyaabo badan takhasus u yeelato,taasi waxay kaa dhigeysaa qof aan weli dhadhamin midhihii guusha.

5- bixi sadaqada haba yaraatee, waxay farxad gelisaa qalbiga, waxana ay kaxeysaa murugada, waxana ay sidoo kale kordhisaa risqiga

6- ku dayo Nebi Maxamed(NNKHA),isaga ayaa ah hogaamiyihii guusha iyo farxadda

7- booqo xarumaha caafimaadaka iyo jeelasha, si aad u dareento nimcada caafimaadaka iyo xoriyada.

8- iska Ilaali in aad dhibaatada xajmigeeda ka weyneyso.

9- isku day in aad cudur daar ka raadiso qofka ku xumeeyay, iskana Ilaali aargoosiga.

10- iska Ilaali in aad cadawgaaga tusto cadhadaada, waayo waa inta ay doonayaan in ay tashuush kugu furaan.

11- markaad dadka la fadhido u fadhiiso qaab wanaagsan, ha ku hadlin waxaan kheyr ahayn, wejigaaga fur, ixtiraam dadka kula

fadhiya, dhegeyso sheekadooda hana ka dhex gelin.

12- ha noqon sida duqsiga oo aan ku fadhiisan ama aan ku joogsan meel xun mooyaane meel kale,waxna ha u dhimin dadka nasabkooda, hana raadin ceebtooda.

13- iska Ilaali jacaylka aan xadka lahayn, waayo waa u cadaab qofka, waana xanuun ku dhaca qalbiga.

14- ha eegin waxyaabaha xaaraanta kaa ah.

15- nidaami xiliyada aad wax cunto, waxna  ha cunin adiga oo dheregsan.

16- markaad cadhooto aamus, oo shaydaanka iska naar, bedel meesha aad ku cadhootay, hadaad taagantahayna fadhiiso.

17- ogow in aad ku fikirto wixii ku dhaafay in ay ka dhigantahay adoo ka fikiraaya sidii aad caano naas kasoo baxay aad ugu celin lahayd.

18- ogow in wixii kugu dhacaa aanay marna ku gafeen, wixii ku seegaana aanay marna kugu dheceen.

19- hadii khasaare kugu dhoco isku day in aad guul u bedesho oo ha quusan.

20- Ha ka fikirin waxyaabo khiyaali ah, si aanay kuugu furmin togoga murugada ihi.

21- badi salaada waa albaabka farxadda laga galee

22- farxadu waa geed biyihiisa, cuntadiisa, hawadiisa iyo iftiinkiisu ay tahay iimaanka Alle.

23- baro cilmiga waayo wuxu kordhiyaa araga qofka.

24- ula dhaqan dadka sida aad jeceshay in ay kuula dhaqmaan.

25- hadii labadda lamaane mid cadhoodo ka kale ha aamuso, inta uu cadhaysanyahay lamaanihiisu.

Check Also

Arday wanaagsan oo guulaysta

Sidee Loo Noqdaa Arday Wanaagsan Oo Guulaysta?

Ma tahay arday? Haddii aad tahay arday ma rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *