Talooyin Kaa Caawinaya Inaad Yareyso Lacagta Internet-ka Ee talefankaagu Isticmaalo

Wargeyska Caanka ah ee Star oo ka soo baxa dalka Turkiga ayaa dhowaan qoray talooyin ku jihaysan qof kasta oo ay dhibaato ka haysato dhammaanshaha dhaqsaha ah ee lacagta uu ku shubto adeegsiga Internet ka ee talefankiisa gacanta uu ka gelayo. Talooyinkan  waxa ay qofka u tilmaamayaan tallaabooyin fudud oo qofka qaadaa uu ka badbaadin karo mushkiladdan waxa aanay kala yihiin:

1. Iska xidh ogeysiisyada iyagu is-wada (Automatic Notifications) ee inta badan qofka u soo dhaca marka email ama farriin facebook ku soo dhacdo.

2. Iska xidhi soo dejinta is-wadda (Automatic downloadka) ee sawirrada iyo fiidyowyada kugu soo dhaca WhatsApp ka, kana dhig talefankaagu in uu soo dejintan tooska ah sameeyo keliya marka aad internet ka isticmaalayso WiFi.

3. Cusboonaysiinta (Updating) waxa aad ka dhigtaa in aanay shaqayn marka aad internet ka isticmaalayso kaadhkaaga, isla markaana dhammaantood xidh, si ay u shaqeeyaan oo keliya marka aad WiFi isticmaalayso.

4. Kaydso (Save) bogagga internet ka ee aad sida joogtada ah u booqato si furistoodu u fududaato, iyo faylashada aad mar kasta soo dejintooda u baahan tahay, si ku noqoshadoodu aanay ugu baahan internet.

5. Iska xidh barnaamijyada aanad isticmaalayn ama shaqada joojiyey cillad awgeed, waayo waxa ay isticmaalayaan dab badan iyo internet dheeraad ah.

6. Ku dadaal in aad Fiidyowyada iyo codadka aad rabto ku soo dejisato internet WiFi ah oo keliya, haddii aad ku qasbanaato in aad kaadhka talefankaaga ka isticmaasho, dooro tayada hoose (Low quality) sawirrada ah, si aad markaas uun ugudan gaadho waayo tayada sare (Hight quality) waxa ay kaa isticmaalaysaa internet dheeraad ah.

7. Ka digtoonoow in aad talefankaaga gacanta ka isticmaasho barnaamijyada culus ee internet ka badan u baahaay, caadi ahaan barnaamijyada Android iyo iOS waxa ay waxa leeyihiin meel aad ka yarayn karto muddada barnaamiijyada culusi shaqayn karaan marka aad internet ka talefankaaga ka isticmaalayso.

8. Iska masax barnaamijyada aanad sida joogtada ah u isticmaalin, gaar ahaan kuwa aanad u baahan marka aanad guriga ama xafiiska joogin.

9. Boggaaga Facebook iyo Instegram ka jooji in fiidyowga la soo dhigaa uu iskii isaga dhaqdhaqaaqo/shaqeeyo sida caadi ahaan dhacda, iskana jir fiidyow aad taabatay in isaga oo aan cod samaynayn haddana uu iska sii dhaqdhaqaaqo waayo waxa uu isticmaalayaa Internet dheeraad ah.

Check Also

adeegyada google

Haddii Aad Isticmaasho Adeegyada Google Sida Playstore, Gmail, Google Photos….

Ma isticmaashaa adeegyada kala duwan ee Google; Sida Baadhista, Email ka (Gmail), khariiradaha, kaydinta sawirrada, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *