Talooyin Dahabka Ka Qiimo Badan oo uu Bixiyay Dr. Ibrahim Alfiqi AHU

Talooyinkan ayaa ah kuwo qof kasta oo raaca anfacaya wax badanna noloshiisa ku soo kordhinaya. Inta badan aqoonta waxa laga dhaxlaa aqoonyahanka fikirka fayaw, jeeroo la dabogalana waa mar kasta oo lagu sii durko cilmiga nolosha bani-aadamka iftiimiya.
Tallaabooyinkan waxa soo bandhigay Dr. Ibrahiim Alfiqi oo dunida dacalladeeda caan ka noqday muddadii uu noolaa, isaga oo soo saaray buugaag badan oo ka hadlaya Cilmi Nafsiga iyo Horumarinta Nafta.
  1. Samayso wakhti gaar ah oo 10 ilaa 30 daqiiqo oo socod ah, adiga oo dhoolla-cadaynaya.
  2. Fadhiiso keligaa adiga oo aamusan muddo 10 daqiiqo ah maalin kasta.
  3. Hurdadaada ku koob 7 saacadood maalintii.
  4. Inta aad nooshahay ku noolow saddex shay : (Awood + Rajayn wanaagsan + Dareen xammaasad leh).
  5. Ciyaar mid ka mid ah ciyaaraha maaadda leh maalin kasta.
  6. Waxaad akhridaa kutub ka badan intii sannadkii hore aad akhriday.
  7. Sii wakhti gaar ah oo aad ku quudiso ruuxdaada: (Salaad, Tasbiix, Qur’aan akhris … )
  8. La qaado wakhti dadka da’doodu dhaaftay 70 gu’ iyo kuwa kale ee ka hooseeya 6 jirka.
  9. Waxa aad samaysaa riyo ka badan inta aad soo jeeddo.
  10. Badi cuntooyinka dabiiciga ah, yaraysana kuwa la farsameeyay.
  11. Cab biyo badan oo jidhkaaga ku filan.
  12. Isku day in aad ka qosliso saddex qof maalin kasta.
  13. Ha ku lumin wakhtigaaga qaaliga ah hadal-badnaan.
  14. Iska illow mawduucyada qaar, hana u sheegin lammaanahaaga khaladaad hore oo laga soo gudbay, waayo waxay xumayn kartaa ilbidhiqsiyada haddadaada.
  15. Ha u ogolaan afkaarta taban in ay ku maamulaan, tamartaadana gelin arrimaha togan ee faa’iidada leh.

 

Turjumiddii: Dalxa Sofe

Degelka Facebook aan ku leeyahay: Halka hoose riix.

Check Also

Shaqsiyad Wanaagsan

3 Arimood oo ka qayb-qaadan karta in aad dhisato Shaqsiyad Wanaagsan

1. Marnaba habalan qaadin waxa aadan oofin karayn: Waa muhiim mararka qaaar in aad naftaada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *