Talooyin Dahabi Ah

Talooyin dahabi ah, xikmado1. Ku bilow wax kasta Bismillaah. Ka mahad-celi wanaag kasta. Ka toobad keen xumaan & dembi kasta. Carabkaaga bar Xuska Alle xilli kasta

2. U noolow si fudud si kastoo Derajadaada Aduunka u sareyso

3. Ha isu bedelin si dadka kuu Jeclaadaan. Ahow qofka aad tahay dadka saxda ah ayaa ku jeclaanaya

4. Dhoolacadee xitaa haddii Qalbigaagu murugeysan yahay

5. Si fudud ha u nicin dadka khalad ay kaa galeen darteed ama iyaga oo aan sameyn waxa aad sameyso ama u fakirin sida aad u fakirto

6. Cun khudaar iyo fruit. Cab Biyo badan. Sii jirkaaga waxa ugu wanaagsan aad heli karto si uu ugu shaqeeyo tiisa ugu wanaagsan

7. Cafi dadka kale, Qalbigaaga ha ku heyn Godob, ha ku fakirin aargoosi. Noqo mid dulqaad badan

8. Goortii aad Xiriir qof la wadaagto, ku dhaqan saddexdan Xeer: Been ha sheegin. Ha khiyaamin. Ha sameyn Ballan aadan fulin karin

9. Maalin kasta samee Jimicsi joogta ah. Ha ka caajisin. jirkaaga ayaa kuu Mahad celin doona

10. Hagaaji habka aad u labisato, u hadasho, u socoto & dadka aad la socoto, wuxuu kaa bixinayaa sawir ah qofka aad tahay

11. Ka fogow maandooriye nooc kasta uu yahay, waxay saameeyaan dabeecada & garashadaada

12. Waqti u hel qoyskaaga. Ogow caruurtaada la joogitaada ayay ka jecel yihiin Hadiyadaada

13. U maaree si wanaagsan lacagtaada. Ha ku Khasirin wax aad ka qoomameyn doonto

14. Ahow Deeqsi xitaa haddii uu dakhligaagu aad u yar yahay.

15. Marnaba ha u gefin dadka. Ha aflagaadeyn Qabiil. Caayda iyo ceebeynta ma aha hab wax lagu saxo. Dhaliishaadu ha ahaato mid wax dhista. Yaysan noqon mid sababta dhib & kala dheeraansho

16. Dhaaf Walbahaarka. Welwel marnaba ma hagaajin karo waayaha & wareerka Aduunka. Isaga baabi’i murugada inaad Alle ka rajeyso kheyr, Tukado Salaada. Ducadana badiso

17. Afkaaga bar in aad MAYA oran kartid mararka qaarkood, HAA badan iyo HAYE fudud halaag bay u horseedeen, hogna ku rideen kuwa badan

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

Arday wanaagsan oo guulaysta

Sidee Loo Noqdaa Arday Wanaagsan Oo Guulaysta?

Ma tahay arday? Haddii aad tahay arday ma rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *