Talo Muhiim Ah

Hadii qof si aadan jeclaysan u hadlo, fikradiisa u cabiro ama ku aflagaadeeyo, ha ugu jawaabin si xun, aflagaado ama si caro leh. In qof ama qolo loo gefo marnaba ma aha hab wax lagu saxo, keliya xaalada ayay ka sii dareysaa.

Qofka muslimka dhabta ahi waa kan ay umadu afkiisa iyo adinkiisa ka nabad gasho. Kan markuu ceebaha dadka kale arko astura ee aan faafin. Qofka dadka cafiya waa qof Adag oo xoogan. Qofka dadka raaligelin siiya markuu qaldamo waa Geesi. Qofka iska hilmaama kuwa ku gefa waa qof Farxad badan.

Sidoo kale iska ilaali in aad dadka xukmiso isla markiba. Way fududahay inaad qof ku xukunto wixi aad ka aragto balse ma ogin waxa qalbigiisa ku jira. Laga yaabee inuu halgan & dagaal adag kula jiro naftiisa, annaguna aynaan ka warqabin. Qof kasta maanta dhib baa heysata, waxaa la soo gudboonaada duruufo qalafsan.

Qaar badan siday u dhaqmayaan dhab kama aha, dhibaatada naftooda ayay maareyn waayeen sidaa darteed ayay u sameeyaan waxyaabo aysan iyaguba jeclayn, waxay ku jiraan halgan adag, waxay jecel yihiin in ay joojiyaan waxa ay ku jiraan oo ay isbedel sameeyaan, waxaa ka dhiman go’aan qaadasho adag iyo aqbalki Alle. Haddaba, marnaba Ha ku degdegin inaad qof eedeyso hadii uusan sameyn waxaad sameyso, ama u fakirin sidaad u fakirto.

Mahadsanidiin

W/Q: Farah Cawaash

Check Also

Arday wanaagsan oo guulaysta

Sidee Loo Noqdaa Arday Wanaagsan Oo Guulaysta?

Ma tahay arday? Haddii aad tahay arday ma rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *