Talo Iyo Digniin Dadka Wadne Xanuunka Qaba

Cudurrada wadnuhu caadi ahaan ku xidhna gabowga qofka, balse waa mushkilado mararka qaarkood muddo dheer soo jiitamayey oo la soo bilowday dhalinyaronimadii, mar kasta oo cimrigu kordhana daciifnimada jidhka ku soo kordhaysa awgeed la sii badanayey.

In qofku uu jimicsi iyo xarakaad jidheed sameeyo iyo in uu nidaam cunto oo sax ah maraa waxa ay ka mid yihiin labada qodob ee ugu horreeya ee uu wadne xanuunka iskaga difaaci karo, haddii uu hayana isku ilaalin karo. Sida ay sheegtay jimciyadda caafimaadka wadnaha ee Maraykanku, waxa aanay ku sii dartay in qofka dhiigkarka lihi uu si adag u xakameeyo dhiiggiisa, in la xakameeyo dufanka iyo miisaanka, arrimahan oo iyaguna si weyn uga qayb qaata ka hortagga wadne xanuunka iyo xanuunnada ku dhaca xididdada dhiigga.

Qormadan oo aynu soo xiganay shabakadda Al-carabiya waxa aynu ku eegaynaa arrimo qofka samayntoodu u fududdahay oo ka qayb qaata caafimaadka wadnaha isla markaana nidaamiya dufanka (Kalastaroolka). Waxaa ka mid ah in qofku uu 10 daqiiqo oo keliya maalintii jimicsi sameeyo, weliba jimicsi adag iyo orod dheer looma jeedo. Balse waa:

– sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Maraykanku in qofku uu maalintii sameeyo 10 daqiiqo oo ah jimicsi neefsiga iyo garaaca wadnaha kor u qaadaya, sida socodka, orod yar, baaskiil dabbaal iwm.

Digniin caafimaad: Dadka wadne xanuunka leh ee jimicsiyada badan sameeya, waxaa loogu bishaaraynayaa in aanay ka baqan maadaama oo dhif uun la arko qof wadne xanuun leh oo xaalad jimicsi ku dhex dhintay, si kastaba ha ahaato ee haddii qofka wadne xanuunka lihi isaga oo ku gudo jira jimicsiga uu dareemo dawakhaaad, laabta oo cidhiidhi ah, iyo xanuun daanka ama garabka ah, waa in uu sida ugu dhaqsaha badan u joojiyo, dhakhtarka ugu dhowna isla markaba u tagaa.

Haddii qofku uu wadne xanuun yahay ama dawooyinka xanuunnada gaarka ah loo qaato uu isticmaalo inta aanu jimicsiga bilaabin waa in uu u tago dhakhtarkiisa si uu talooyin uga siiyo.

Check Also

indho ololka,

Sababaha Keena Indho Ololka Iyo Goorta Ay Tahay In Lala Kulmo Dhakhtar Takhasus Ah

Iskaashatada dhakhaatiirta indhaha ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in indha ololku uu leeyahay sababo tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *