Talo Adiga Ayaa Ku Nool ee Iyadu Kuguma Noola

Nolosha bini’adamku waa mid ku dhisan imtixaan dhib badan. Aduunyo lagama dhamaado, laga mana dhargo ilaa qofku ka dhinto oo iilka la dhigo.laakiin dhibaatada aduunka qof ba si gaar ah ayuu u wajahaa.
Halkan waxa aan ku soo qaadan doonaa qodobo ay tahay in aad mar kasta xusuusnaato.

1. HAKA TAGIN CABSIDA ALLE ( swt ) IYO CIBAADADA.
ka hormari wax kasta ee aad qabanayso cibaadada Alle, mar kastana xusuuso cabsida alle.Ogow hadii aad goyso xariga Alleh in wax kasta dhib kugu noqonayaan. Alle talo saaro.

2. MARKA DHIB KU QABSADO,XUSUUSO NIMCOOYIN KA KALE EE ALLE KUGU DEEQAY.
Alle uga mahad celi waxa uu ku siiyey ee kale..Badanaa waxa Alle na siiyey ee wanaagsan laakiin markaa maanku uusan xusuusan.farxadu ma ahan waxa aan jeclaan lahayn in aan haysano …. ee waa waxa Alle inoogu deeqay.

3. DHIBKA HAKA CABSAN EE WAJAH..
Samir badan yeelo oo hadii imtixaan sida faqri, caruur la’aan, caafimaad daro iwm ay ku haleelaan, Alle u noqo oo Samir la’imow…. Hadii aad samirto Alle waxa uu kuugu badalayaa wax ka qayr badan maalinta aaqiro oo aad joogto hoygaaga dhabta ah.
sirta noloshu waa in farxada iyo degenaashada noloshu ay tahay in aad aqbasho qadarta “Alle” adiga oo daruuf kasta ee kusoo marta aan ka argagixin. Ma ahan in sidii aad doonaysay ay wax walba noqdaan, laakiin in aad ka faa’daysato waxa aad heli karto waqti kasta.

4. AHOW WAXA AAD TAHAY”
Dad ku waa cajiib, waxa in badan ay jecel yihiin in ay iska dhigaan wax aysan ahayn. Ogow in qof kasta Alle si gaar ah u abuuray. Waxaa suurto gal ah in shaqsiyadaadu tahay mid qaale ah.Xusuuso, waxa aad tahay , Alle ayaa kaa dhigay. Marna qof kale ha iska dhigin.

5. CAQLIGA LA TASHO, HA RAACIN HAWADA.
Hadii arrin ay kusoo foodsaarto , ha noqon hawo raac, ka fakar oo iswaydii waxa saxsan ee caqligaagu ku siiyo. Watiyada qaar waxaa suurto gal ah in aad u baahan tahay waqti aad kusoo fakarto marka xaajo ugub kusoo foodsaarto, haka xishoon in aad kazoo fakarto deg-dego faa’ido ma leh. Waxaa la yiraahdaa ” INTAADAN FALIN, KA FIIRTO’. ama ” DEG-DEGI DOOR MA DHASHO”.

6. NOLOSHAADA KA DHIG MID ADIGU AAD LEEDAHAY.
Samee oo qabo waxa aad jeceshahay ama naftaadu ku qanacsan tahay. Hadii ay jirto shaqo ama Hawl aad hayso oo aadan jeclahy , isaga tag.ku noolow nolosha aad jeceshahay in aad ku noolaato ee runta ah.

7. ADEEGSO FIGRADAHA IYO XIRFADA GAAR KA AH EE AAD LEEDAHAY.
Hadii aad doonayso in isbadal aad ka samayso dunida, waa in aad ka duwan tahay dunida oo macnaheedu yahay kartida, aragtida, xirfada iyo figrada aad leedahay ee gaar ka ah adeegso si aad isbadal uGu samayso dunida. sidoo kale waa in aad leedahay karti aad kusoo bandhigi karto dadnima dada.

8. WAXA AAD JECESHAHAY SI ADAG UGU SHAQEE.
Shaqo kasta ee adagi waxa ay noqotaa madadaalo ama wax aad ku raaxaysato marka aad samaynayso hadii aad jeceshahay waxa aad samaynayso. Marna ha iska indho tirin qiimaha waxa aad jeceshahay in aad qabato. Ogow waxa aad jeceshahay ayaad wax kazoo saari kartaa.

9. OGOW RIYO DAADA / WAXA AAD JECESHAHAY IN AAD NOQOTO.
Farqiga u dhexeeya qof ka gaara riyadiisa ama waxa uu jecel yahay iyo qofka aan gaarin in ay tahay oo kaliya qof aan ka quusan rayadiisa dhib kastana u mara iyo mid ka quuso oo marka ay ku adkaato isaga hara.

10. GEESINIMO DAADA OGOW.
Marka aad ka baqdo in aad samayso hawl laakiin hadana adiga oo cabsanaya aad samayso ogow in aad tahay geesi. xusuuso , fulaygu waxa uu guul daraystaa iyadoo libintu u muuqato, oo hadii talaabo kale uu horay u sii qaadi lahaa uu gaari lahaa. Geesigu horay ayuu u socdaa oo sahal kuma quusto.

11. KA GUULAYSO WAX AAD HORAY UGA BAQDAY.
Ogow cabsidu waa dareen, ma ahan xaqiiqo. Tusaale, ” Hadii aan shaqadaa qabto amaan ku guul daraystaa”. waxa aad ogaataa in cabsidaas tahay dareen oo kaliya laakiin aysan ay ahayn in aad guul daraysatay. Wax badan oo aad horay uga baqi jirtay , waxaa hubaal ah in aad samayn karto hadii dareen ka cabsida ah aad meel iska dhigto oo aad ku dhiirato. Sida uGu wanaagsan ee lagu helo kalsooni iyo karti waa in aad samayso wixii horay aad uga cabsatay in aad qabato.

12. DAREEN KA MARKA HAWL AMA SHAQO ADAG OO WAXTAR LEH AAD QABATO.
Caajisku waxa suurto gal ah in uu kaa hor istaago wax badan oo ku jiito, laakiin shaqada ayaa farxad leh. Waxa aad tahay waxa aad qabato, ee ma tihid waxa aad jeclaan lahayd in aad samayso. waxa wanaagsani uma yimaadaan qof ka suga; waxa ay u yimaadaan qof dhib u maro. ” FADHI XOOLO KUMA YIMAADAAN”.

13. WAXA AAN SUURTO GAL AHAYL OO LA SAMEEYO.
sida badan wax kasta waa suurto gal in la sameeyo hadii aad hesho waqti iyo karti.

14. HA IS CAJABIN.
Marna ha is cajabin si dad ku kuu sheeg-sheego. Hana is muujin si laguu wada arko oo waxa aad qabanayso oo dhan yeysan noqon istus-tus qura.

15. NAFTAADA KU MASHQUUL.
Ku mashquul naftaada sidii aad u edbin lahayn, u horumarin lahayd, u tababari lahayd. Waqti ha iskaga lumin qof kale danahiis iyo hawshiisa. Taada ka adkow oo isbadal ku same.

16. XARIIR KAA DHIGA QOF WANAAGSAN.
Muhiim ma ahan aad leedahay saaxiibo fara badan, laakiin waxaa qaali ah in aad leedahay saaxiibo dhab ah. Samayso asxaab wanaagsan oo kaa dhiga qof wanaagsan. ogow saxiib ka wanaagsan waxaa ku saamaynaya wanaagiisa.

17. JACAYL DHAB AH.
Jacayl ka dhabta ahi ma ahan mudada sida billo ama sanado aad qof wada noolaydeen ee waa sida dhabta ee aad isku jeceshihiin oo aad ugu faraxsan tihiin waqtiga aad wada joogtaan.

18. QAWL YEELO.
” Balan la’aan waa diin daro” ayaa lagu maahmaahaa waa run oo qofku hadii uusan balan uu qaaday oofin waxa ay la mid tahay isaga oo been sheegay oo kale. Balan tuna waa in aad daacad ka tahay qawl kaaga oo aad ilaaliso xitaa marka xaalada balanta aad ku samaysay aad kazoo gudubto. Samee waxa aad tiraahdo, waan samaynayaa.

19. U NAXARIISO QOFKA AY HAYSO BAAHI DHAB AH.
Ula dhaqan dad ka oo dhan si naxariis leh, xitaa kuwa aan adiga kuu naxariisan ama kugu xun. sii fursad kale , waa la hubaa in ay samaynayaa isbadal dhankaaga ah.

20. SAMEE WAXA SAXSAN.
Sharaf ta wanaagsani waa in aad samayso waxa saxsan si kasta oo arrintu tahay xitaa hadii dad ku aysan ogaanayn in aad samaysay wax sax ah. Xusuuso, waxa saxsani ma ahan wax sahlan in la sameeyo. Inta badan, dhib ayaa kala kulmaysaa in aad raacdo wado sax, sitaa adiga oo saxda ku taagan.

21. WIXII TAGAY TIISIMAAD MA LEH.
Illow wixii xumaa iyo dhibkii kusoo maray, cafi qof dhib kuu gaystay. Wadada ugu horaysa ee faraxu waa cafiska iyo in aad iska ilowdo xumaan hore. Wax dhacay dib uma soo noqdaan. xusuusta xumaantu waxa ay leedahay cuqdad iyo xiqdi ku abuurma maskaxda oo dila. Maalin kasta ee cusub la jaan qaad, wanaagna ku waa bariiso.

22. KA GUDUB GUUL DARADA.
Ogow mar aad guul daraysatay ma ahan in aad tahay, laakiin waxa aad tahay go’aan qaadasha dada. Guul daraysigu waa fursad aad mar kale dib u bilaabi karto, adiga oo sidii hore ka feejin , ka waayo aragsan oo ilbax ah.

23. WAX KASTA BILOW BAY LEEYIHIIN.
Xusooso, wax kasta ee kugu cusub aad billow ku tahay. Ma jiro qof meel kare wax ka bilaabo, laakiin marka aad waxa aad samaynayso aad barato horay u mari oo sii wanaaji.

24. WAXA KUGU CUSUB.
Shay waad samayn kartaa malaayiin jeer ama waad arki kartaa laakiin marka kuugu horaysa waxa ay leedahay xusuus gaar ah. In badan waxa aad xusuusan doontaa marka aad ka dhexbaxdo meel ama shaqo aad jeclayd oo aad tagto meel ama shaqo kugu cusub ama aad isku daydo wax cusub in aad samayso. Ha niyad jabin hadii marka hore aad guul daraysato.

25. NOLOSHU WAA ISBADAL INTA AAD NOOSHAHAY.
Haku argagixin wax kugu cusub iyo isbadal ka. Noloshu ma ahan wax taagan ee way socotaa maalin kasta in aad nooshahay. Ogow hadii aad kaligaa meel istaagto in ama daad ku qaadayo oo wax aadan rabin aad samaynayso ama lagaaga tagayo meel cidlo ah kaligaa.

Fadlan, fikir kaaga ka dhiibo hadii aad talo ku darayso ama aad dhaliilayso.

MAHADSANIDIIN.

ABDULKADIR A. ADAN

Check Also

cimriga bini aadamka, cimri dherer,

Caadooyin Qofka U Horseedi Kara Cimridherer

Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *