Tallaabooyin Muhiim Ah Si Aad U Daryeesho Jidhkaaga Ka Hor Hurdada

Waxa ay sheegay majaladda BRIGITTE ee Jarmalka ah ee haweenka in talooyin dhowr ah ay tahay in ay raacaan haweenku ka hor inta aynan u seexan,tasoo gacan ka gaysanaysa inay ilaaliso dhallinyarnimadeeda.

  1. Iska Maydh Make-up Ka ama waxyaabihi aad ku quruxisay wajigaaga aadoo isticmaalaya biyo qandac ah.

2. Isticmaal habeenkii cream/labeenta jidhka ayaa ah mid leh faa’iidooyin aad u ballaadhan gaar ahaan wax ku ool ah marxalada uu dib isku cusboonaysiinayo jidhku,waxa sido kale Cream ku uu jidhka ka saaraa xariiqyada aanan muuqan ee loo yaqaano(fine lines) ee kasoo horeeya xariiqyada shushubka,waxa uu ka dhigaa meelaha goobaha iyo baraha madow ee jidhka gabowga haleelay midab nadiifa oo furan,waxana uu yareeyaa shushubka dibna u dhigaa

3. Isticmaal barkin dheer una jiifso xaga jirjirka/dhabarka, si aad uga fogaato in biyuhu ay kusoo ururaan unugyada indhaha ku hareereysan ,waxana ay yareeynaysaa bararka xirribaha.

4. Dhabarka u seexo, seexashada bogga/caloosha waxa ay keenaysaa soo ifbixda muuqaalka shushubka ee jidhka.

5. Isticmaal barkimo xariir ah halkii barkin suuf/cudbi ah aad ka isticmaali lahayd.

6. Marso ama isticmaal (cream moisture) ka jidhkaaga, wajigaaga iyo gacmaha si aad u hesho jidh jilicsan oo dhalaalaya maalinta kale.

7. Haddii maqsinka hurdada hawadiisu ay aad u engegsantahay/qalalantahay, maaha oo kaliya in ay u keento engeg/qalal xuubka sare ee xariiqyada jidhka, laakiin sidoo kale waxa ay engejinaysaa/qalajinaysaa jidhka. Waxa lagu qoyn karayaa hawada maqsinka iyada oo la dhigayo maqsinka baaldi biyo ah ama dhar qoyan ka dib marka la maydho si ay ugu qalalaan maqsinka.

8. Cab biyo fara badan maalintii si uu jidhkaagu u ahaado mid qoyan xiliga habeenkii.

9. 8 Saacadood Seexo, Jidhkaagoo hela hurdo ku filan waxay soo saarta nuurka wajigaaga iyo nasasho ka muuqata indhahaga. Iska ilaali inaa waqti yar seexata taaso kugu sababta in indhaha hoostoodo ku madowaadan oo dhiig fariisto.

Xigasho: Brigitt

Check Also

quruxda maqaarka, caafimaadka maqaarka

10 Cunto Oo Si Weyn U Xoojiya Caafimaadka Iyo Quruxda Maqaarka

Maqaarka oo ah lakabka kore ee jirka waa qayb xasaasi ah, sida la mid ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *