Khaladaad Ay Tahay Qofka Shaqo-doonka Ah Inuu Ka Ilaaliyo Warqadda CV-ga

Warqadda afka qalaad loogu yeedho CV oo ah warqad uu qofka shaqo-doonnka ahi ku caddeeyo taariikhdiisa dhinaca waxbarashada iyo waayo-aragnimadiisa shaqo si uu ugu lifaaqo arjiga codsiga shaqada ayaa ah dhukumanti muhiim u ah qiimaynta qof kasta oo shaqaale ah, sidaa awgeed ruux kasta oo shaqo-doon ahi waxa ugu weyn ee uu xilliga codsiga shaqada ku fikiraa waa sidii uu warqaddan CV ga ah uga dhigi lahaa midda ugu fiican ee cidda qiimaynaysa indhaheeda soo jiidan karta. Laakiin nasiib darradu waxa ay tahay in mararka qaarkood uu qofku warqaddan ku qoro khaladaad ay suurtogal tahayba in ay shaqada ka hor istaagaan.

Haddaba dhalinyarada Somaliyeed oo u badan shaqo-doon Khalaladaad ay khubarada arrimahan ku xeel-dheeri isku waafaqsan yihiin in laga digtoonaado marka la qorayo CV-ga, waxa aanay yihiin:

1. Waxba ha ka xusin khibradahaaga hore ee aan xidhiidhka la’ lahayn shaqadan aad imika codsanayso: Xataa haddii aad og tahay in aad si aad ah ugu wanaagsanaan jirtay shaqo aad hore u soo qabatay, balse aan hadda xidhiidh la’ lahayn hawsha lagaa rabo, waxa aad ogaataa in aanay jirin sabab aynu qorno tafaasiisha shaqadaas, haddii aanay xidhiidh la’ lahayn shaqadan cusub, waxa aanay sii daran tahay marka shaqadaas hore ay ka qiimo iyo mustawe hoosayso tan aad imika codsanayso. Keliya ku dhaaf in aad sheegto in waqtigaas illaa waqtigaas aad shaqo hebla haysay ama meel heblaayo ka shaqaynaysay.

2. Ha qorin liis dheer oo ka waramaya hibooyinkaaga, haddii aanay xidhiidh la’ lahayn shaqada aad rabto: In aad ka warranto hibooyinkaaga gaarka ah iyo waxa aad qaban karto oo haddana aan xidhiidh la’ lahayn shaqadan hadda aad rabtaa waa fikir qaldan, waayo waxa ay sababaysaa in marka koowaad uu CV-gu dheeraado, marka labaadna waxa ay keenaysaa qofka ku shaqaalaysiinaya ee eegaya uu waqti badani kaga lumo ama uu kaba caajiso in uu wada akhriyo badnida awgeed, waana sabab keeni karta in uu qaato go’aan uu ku diidayo in uu aqbalo codsigaaga.

3. Weligaa CV-ga aad qoranayso, ha ku sheegin da’daada, haddii aan sidaa marka hore shardi lagaga dhigin shaqada: Catherine Jewell oo ah khabiir u dhalatay dalka Maraykanka oo ku xeel dheer qaab qoraalka ayaa buuggeeda New Resume New Career ku tidhi, “Ma jiraan wax kugu qasbaya in aad warqadda CV-gaaga aad ku caddayso taariikhda guud ee aad ka qalin jabisay jaamacadda, waa haddii aad doonayso in aan shaqadaa laguugu diidin sababo da’da la xidhiidha.

4. Qofka aad u shaqayso ama maamulahaaga shaqada ha ka dhigan tixraaca looga baahan yahay CV-ga: Haddii qofka ka masuulka ah shaqaalaysiintaada imiku uu doono in uu helo cidda hore aad ugu soo shaqaysay si uu u weydiiyo tafaasiil dheeraad ah oo adiga kugu saabsan, sida in uu helo tixraaca maamulahaagii hore ee shaqada, waa in aanu helin xidhiidhka qofkaas illaa marka hore uu kuugu yeedho imtixaanka waraysiga (Interview) ee ka dambeeya codsiga, markaas oo adiga oo hor fadhiya aad fursad u heli karto in aad shakhsiyaddaada runta ah iyo aqoontaada qofkan ku qanciso, markaa kadib haddii uu doono xidhiidhka cidda lagaa tixraacayo u sheeg waraysigaas kadib, waxa ay taasi ka hortagaysaa in qofkii doonayey in uu ku shaqaalaysiiyo ee ku qancay CV-gaagu inta aanu kuu yeedhin uu talefan ama Internet ka kala xidhiidho maamulahaagii hore ama qofkii aad u soo shaqaysay si uu kaaga waraysto, kaasina uu u sheego warar aan fiicnayn oo kugu saabsan, taas oo keenaysa in qofkii isaga oo aan ku arkin uu ku sii naco, laakiin marka uu ku arko isagu ha la xidhiidho, haddii war xun lagaa siiyana ha is-barbar dhigo shakhsiyaddaada uu la kulmay warka lagaa siiyey, oo go’aan ha qaato.

Iska jir, ma’ ogid waxa uu uurka kuugu hayo maamulahaaga hore ama qofka aad hore ugu soo shaqaysay, mana ogaan doontid waxa uu kaaga sheego qofka aad u shaqo doonatay. La soco…

Halkaan hoose kaa muuqaal sharaxaya sida loo samaysto CV fiican:

Check Also

cimriga bini aadamka, cimri dherer,

Caadooyin Qofka U Horseedi Kara Cimiridherer

Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *