Tallaabada Koobaad ee Guusha – Hadaf!

Ma guul ayaad raadinaysaa?

Ma waxaad doonaysaa inaad ku guulaysatid waxbarashadaada? Mise shaqadaada? Mise ganacsigaaga? Mise riyooyinkaaga? Mise kasbashada quluubta dadka? Mise wax kaleba?

Ma waxaad hiigsanaysaa nolol qurux badan? Mise aakhiro qurux badan?

Waa maxay hawsha aad guusha ka raadinaysaa amba ku raadinaysaa? Hadaf (ujeeddo) ma u samaysattayse?

Ma hammi guul ayaa kaa guuxaya mise hadaf guul? Miyaad rajaynaysaa inaad guulaysatid mise waaba ujjeeddaada dhanba?

Wali ma is waydiisay tallaabada koobaad ee ugu saxsan inaad qaaddo si aad u guulaysatid?

 

Tallaabada koobaad ee looga baahanyahay inuu la yimaado si uu guusha uu doonayo u gaadhaa waa hadaf iyo ujeeddo uu ka lahaado hawshaas uu gudanaayo.

Maxaa hadaf looga baahanyahay haddii aan hammigii hayo?

Farqi aad u wayn ayaa u dhaxeeya qofka hammiga qudhaata leh iyo qofka isku darsaday hammi iyo hadafba. Qofka hammiga qudhaata hayaa waxa uu la mid yahay qof wax rajaynayaa, waxa uu rajaynayaa meeshaa uu ku hammiyaayo inuu gaadho, hawshaas uu ku hammiyaayo inuu qabto. Wax la rajeynayaana waa 50% oo ay ku khasaari karto iyo 50% ay ku suurtoobi karto. Marka uu qofku rajo leeyahay waxa uu raali kaga yahay goor kasta oo ay u hirgashaba rajaadaasi, waayo wuu rajaynayaay uun markii horeba!

Kuguma filna inaad wax rajaysaa si aad ficil dhab ah ula iman lahayd. Kuguma filna inaad wax rajaysaa si aad go’aan dhab ah ula iman lahayd. Rajadu marna way yaraataa, marna way korodhaa. Rajadu marna way tagtaa marna way soo noqottaa. LAAKIIN go’aanku marna intuu laabto marna masoo noqdo. Go’aanku marna inta uu yaraado marna ma saa’ido, ee barta uu ka bilaabo ayuun buu ku dhammaadaa haddii uu mid dhab ah yahay. Rajadu ma keensatto in uu qof la yimaado ficil dhab ah ee go’aanka weeyaan ka keensadaa. Hadafkuna waxa uu yimaadaa go’aan ka dib. Go’aankuna waxa uu keenaa hadaf. Laakiin go’aanku waxuunbuu ka dhashaa marka lala yimaado hammi dhaafay heerkii rajada kadib.

Waa maxay Hadaf?

Hadaf waa ujeeddo shay/hawl/nolosha laga leeyahay oo loogu talo galay in waqti xaddidan lagu dhammays tiro.

Hadafka saxda ahi waxa uu ku siinayaa go’aan dhab ah, go’aanka dhabta ahina waxa uu ku siinayaa hadaf sax ah. Hadafka saxda ahi waxa uu ku siinayaa qorshe ballaadhan, waxa uu ku siinayaa ficil dhab ah, waxa uu kugu keenayaa is beddel dhab, waxa uu kuu siyaadinayaa doonitaan dhab ah.

Hammi + Rajo/Doonitaan = Rajo

Hammi/Rajo + Go’aan = Ficil (Sax amba Qalad ah)

Hammi/Rajo + Go’aan + Hadaf = Ficil Sax ah = Guul

 

Marka aad hadaf leedahay natiijada inaad heshid ma sugaysid uun ee waqti ayaad u cayyintay. Waxaad qiimaynaysaa naftaada, ficiladaada, tallaabooyinkaaga, qorshahaaga iyo wax kasta oo ku shuqul leh natiijadaas gaadhisteeda. Marka aad hadaf leedahay waxaad xisaabinaysaa naftaada, waqtigaaga iyo horumarkaaga. Marka aad hadaf leedahay ugumaad talo galin inay wax qaldamaan, waayo haddii xattaa ay wax qaldamaan qorshe labaad ayaad u haysaa oo aad ku baddashid wixii qaldamay. Markaa aad hadaf leedahay natiijada aad doonaysid mooyaanee wax kale lagama yaabo inaad raali ka noqotid oo aad ku koobnaatid. Hadafkaaga oo xaqiijisma mooyee xal kaleba ma aragtid waana dariiqa ugu saxsan ee lagu gaadho guul qurux badan.

Taallaabada koobaad ee ku sugaysa inaad saxdaa waa inaad hammigaaga hadaf u baddashaa, rajadaada go’aan u baddashaa, fadhigaaga ficil u beddeshaa.

Bini aadamku waxay ay xayawaanka kaga duwanyihiin waa caqliga. Bini aadamka gabigiisuna waxay kusii kala duwanyihiin waa hal hadaf, waa ujeeddada laynoo abuuday ee ah inaynu Allah swt cibaadadiisa la nimaadno; taasaa laba u kala jabisay bini aadamka (Gaal iyo Muslim). Hadaba gaalku waxa qudhaata ee uu xoolaha kaga duwanyahay waa ujeeddooyinka uu addunka ka leeyahay, waayo haddii aakhiraba aanuu aaminsanayn, oo aanuu ujeddaadii aduunka loo keenay saxin xoolo ayuun buu ahaan lahaa, laakiin waxa qudhaata ee ka badbaadisay waa ujeeddooyinka iyo ahdaafta uu adduunka ka leeyahay, wax qabadyada iyo is beddelada iyo dedaalkda uu la imaanaayo inta uu addunka joogo. Hadaba Muslimiineey, in badan oo inaga mid ahi ujeeddooyin iyo ahdaafba ma lihin kaas Rabbi swt inoo sameeyay mooyaanee. Bal adigu waxaad is waydiisaa, ka warran haddii halkaas u jeeddana kaa maqnaa ma la mid ahaan lahayd xoolo? Waayo ujeeddo intaas dhaafsiisanba ma lihidee?

Muhiimadda ujeddeeda iyo hadafka waxa caddayn u ah inaan Ilaahay swt bilaa ujeeddo kuu abuurin! Ee bal ADIGUNA bilaa ujeddoo ha noolaanee hadaf samayso!!!!

Ila Gaadh Guul!

Mariam Abdirahman

 

Qoraa, Asaase Ila Gaadh Guul,

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *