Ha Hagran Hooyadaa

Ilmaha marka uu dhasho dhawrka bilood u horeeya noloshiisa habka keliya ee waxa uu u baahan yahay ama ka cabanayo ku gudbin karo waa oohin. Hooyadu waa qofta keliya ee fahanta kana jawaabta nooca oohintiisa iyadoo marki uu ooyo kala garanaysa oo leh; Markan gaajo ayaa haysa wuxuu u baahan yahay caano, markan wuu is qooyay wuxuu rabaa in dharka laga badalo, markan kuleyl ama qabow buu dareemayaa, Oohintan caadi maaha waa in aan Dhakhtar tusaa!

Hadii Ilmuhu marka uu weynaaday uu isaga jiro Ciyaar, Baashaal, waqti lumis, dad xun la socosho ama hilmaamo oo kaga mashquulo aduunyo raadin, intaa ayaa Hooyadii ugu filan murugo iyo oohin xitaa hadii aysan afka uga sheegin sababtoo ah ma aha waxa ay ka filaysay ama u soo korisay. Hooyo kasta riyadeedu waa in ay aragto ilmaheeda oo dedaal badan sameynaya, Guursaday ama Guri yeelatay, shaqeysta, dhawrsoon, meel ka soo baxay.

Marnaba ha noqon sababta Murugada ama Oohinta Hooyadaa. Xusuusnow oohin kasta aad sameynaysay kolki aad jilicsaneyd deg-deg bay uga jawaabi jirtay, adiguna marki aad weynaatay ha ku karin Dhiiga hana u keenin murugo

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

cimriga bini aadamka, cimri dherer,

Caadooyin Qofka U Horseedi Kara Cimridherer

Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *