Talaabada Koobaad Ee Jidka Guusha

jidka guushaAkhristahan qiimaha iyo qadarinta naga mudanoow  ee ku xiran daryeelmagazine.com ma ogtahay:

In jidhka qofku uu sannad kaste dib usoo cusboonaado?

Ma ogtahay in tamarta ku jirtaa jidhkaagu ay ku filan tahay in ay iftiimiso magaalo wayn oo idil muddo todobaad ah?

Ma ogtahay in dadka  %3 ay qorsheeyaan noloshooda, hadii aad ka mid ahayn boqolkiiba sadex daasna aad ku jirto qorshayaashooda.

Hadaba inbadan oo inaga mid ah ayaa waxa caado u noqotay in aanay wax qorsha ah u dajin noloshooda, hadii aynu si kale u dhigno na ay iska noolaadan, taasina waxay ku abuurtaa in ay garan waayan jidka guusha, isla markaana ay ka daalaan markiiba qaabka ay u nool yihiin taasina ay ka dhalato in ay ka quustaan noloshan gabi ahaanba.

Waxa laga yaabaa dadkan in kaliyaata ay ka khaldan tahay halka ay ka bilaabi lahaayeen balse ay rabaan in ay ogadaan, iyaga oo arin kaste oo ay bilaabaan markuu dhexda marayo ay joojiyaan, taasna waxa u sabab ah waayo waxa ay la’ yihiin qaabka loo qorsheysto nolosha.

Sidaa awgeed waxa lagama maarmaan ah in aynu ogaano waqtigan aynu nool nahay, oo ah xilligii uu qorshayn lahaa qofkastoo inaga mid ahiba siduu noqon lahaa mustaqbalka, waana talaabada koobaad ee jidka guusha.

Hadaba inta aanaynu sii guda galin waxa is waydiin leh 2 dan waydiimoo ee koob kooban:

1. Waamaxay qorshayn?

Qorshayntu waxa weeye awooda aad kaga gudbi kartid meesha aad imaka taagan tahay una gudbi kartid waxa aad hiigsanayso mustaqbalka, iyada oo aad adeegsanayso talaabooyin iyo kaartooyin kala duwan.

2. Maxay dadku noloshooda u qorshayn waayeen?

Suaashan jawaabteedu waa sidan:

  • In aanay rumaysnayn in ay qorshayntu lagama maarmaan tahay, ama in ay kaliya ku gaar tahay dadk heerka sare gaadhay.
  • In aanay garanayn qaabka wax loo qorsheeyo.
  • In ay iskood iskaga neceb yihiin qorshaynta iyo qaanuunka.
  • In ay rumaysan yihiin in qorshayntu ay waqtigiisa in badan ka qaadanayso oo ay nolol fiican ku noolaan lahaayeen sidii uu ilaahay ugu tala galay, ay midho diyaar ahna isa goosan doonan
  • In ay ku tiirsan yihiin amaba niyada ku dhisanayaan khayr bay noqon, way hagaagi.

Hadaba qofka noloshiisa bilaa qorshe ku wadaa waxa uu raali ka noqdaa midhaha ugu xadiga yar, qofka qorshe ku noolaadaana waxa kaliyaata qanciya heerka ugu sareeya ee nololeed.

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *