Suurad Qur’aanka Ka Mid Ah Oo Kordhisa Arsaaqda Iyo Farxadda

waxa hubaal ah in dad badan ka welwelaan siday u heli lahaayeen risqi ka badan ama ku filan, taas oo qofka ka qaada farxada iyo deganaanshaha nololeed, Rasuulkeena (SCW) ayaa inoo sheegey suurad hadaynu akhrino inoo kordhinaysa risiqa iyo farxada.

Rasuulku (SCW) waxa u yidhi qofka akhriya habeenka suurada idaa waqacitil waaqica (suuratul waaqicah) ma haleelo faqri weligii , Qofka akhriya suurada laa-uqsim (suuratul qiyaamah) ilaahay waxa uu la kulmaa maalinta yawmal qiyaamaha isagoo sida dayaxa wajigiisu u iftiimayo.

Anas bini maalik (RC) ayaa waxaa laga soo weriyay inuu Nebigu yiri (SCW): “Bara dumarkiinna suuratul waaqica waa suuradda taajirnimadee”.

Sidoo kale Nebiga SCW waxaa laga soo weriyay inuu yiri: “suuratul waaqica waa suurtada taajirnimada ee akhriya oo bara caruurtiinna”

Hadaba nebigu wuxuu nagula dardaarmay inaan habeen walbo akhrinno suuradda waaqicah axaadiistuna waxa ay natusinayaan fadliga ay leedahay suuratul waaqicah iyo fadliga iyo faa’iida ku jirta akhrinteeda.

Check Also

XUSUUSIN YAR

Nin dhalinyaro ah ayaa waxa uu soo xaadiray ( yimid) aaska saaxiibkii, kadibna isagii oo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *