Su’aal Xambaarsan Xikmad Aad U Wayn !!

Sheikh Ibne Sammak ( naxatiistii janno alle ha siiyo) ayaa mar booqday nin boqor ahaa, Markii uu la kulmay boqorkii waa uu salaamay, isla xilligaana ninkii boqorka ahaa waxa uu gacanta ku haystay koob biya ah .

Intaa kadib ninkii boqorka ahaa waxa uu ku yidhi sheekhii .

” Sheekhow bal waxa aad i siisaa talo ”

Kadibna Sheekhii waxa uu ku yiri boqorkii .

” Ka soo qaad koobkan biyaha ah ee aad gacanta ku hayso isaga oo kaliya hadii uu kuu goyn lahaa boqortooyadaada dhammaanteed iyo waxa aad hanti leedahay kadibna waxa kaliya ee aad haysato waa in aad kala doorataa ,
– In aad harraad u geeriyooto oo aad koobka biyaha ku baddelato boqortooyo,
– Amaba in aad boqortooyadaada iska bixiso si aad naftaada ubad-baadiso, Hadaba labbadaan xaaladood keebaad adigu doorbidi lahayd (dooran lahayd) ?

Ninkii boqorka ahaa waxa uu ku jawaabay .

” Dabcan Koobka biyaha ayaan ka doorbidi lahaa boqortooyadayda dhammaanteed ”

Kadib Sheekhi waxa ku yidhi boqorkii .

” Hadaba , anigu waxa aan fahmi la’ ahay maxuu qofku wakhtigiisa ugu luminayaa inuu helo farxada yar ee taajirnimada hadiiba hal koob oo biya ah uu ka qiima badan yahay hantidiisa oo dhan ??? ”

DHAMMAAD:

Muhiimada Qisadu waxa ay tahay .

Qofka bani’aadamka ah waa in uusan noolashiisa oo dhan ku lumin adduun tacbasho , waayo qofka dunida ugu hanti badan hadii la isku barbar dhigo hantidiisa iyo caafimaadkiisa waxa uu doorbidayaa caafimaadkisa, waxa uu doorbidayaa si’ uu unoolaado inuu ku bixiyo hantidii uu noolashiisa oo dhan uu tabcayay balse waxaa muhiim ah in aan ogaano caafimaadku in aan lagu iibsan karin maal adduun balse waa wax uu bixiyo Allah (sw ), sidaa awgeed waa in aan xasuusanaa Allah (sw ) xiliga aan caafimaad qabno si uu noogu naxariisto marki aan xanuunsano,
Waxaa xaqiiq ah Hadii aad Allah (sw ) xasuusato xilliga aad faraxsan tahay inuu alle ku xasuusan doono kuuna caawin doono xilliga aad murugsan tahay Insha Allah.

Teeda kale waa in aan ogaanaa adduun anaga ayaa noola sameeyay si’ aan ugu shaqaysano wixii aan heli lahayn Maalinta aakhiro, hadaba adduun ka dhigo meel aad aakhiro wanaag ugu shaqaysato balse yuusan adiga kugu shaqaysan oo ha ka tagin cibaadadii alle (sw ) waayo noolasha adduun dhal-dhalaalkeedu waa mid ku meel gaar ah, waxaana muhiim ah wakhtigaaga qaaliga ah hadiiba uu kaa baxayo in aad ku bixiso wixii uu allah (sw ) ku faray kana harto intii uu kaa reebay oo ay kamid tahay adduunyo jacayl.

Ugu dambayntii waxaan Allah (sw ) waydiisanaynaa inuu naga dhigo ummad adduunka korkiisa ku shaqaysta camal wanaagsan oo Maalinta aakhirana Abaal gudkoodu uu noqdo Janno Insha Allah. Aamiin

Intii aan saxay Allah (sw ) ayaa i waafajiyay intii aan khaldayse Shaydaan xagiisa ayay ka ahaatay .

Via: Dhalinta Maanta

Check Also

cudurka baraska

Noocyada Cudurka Baraska, Sababaha Keeno Iyo Dadka Halista Ugu Jiro Inuu Ku Dhaco

Baraska waa cudur kayimaada khalad ku dhacay hidasidaha qofka kaasoo sababa in maqaarka, timaha, iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *