Stress-ka Iyo Shaqada Culus Waxay Dilaan Muuqaalka Qurux Badan Ee Dumarka

shaqada culusXog-ururin cusub oo ay soo saareen khubaro ka tirsan Jaamacadda la yidhaa Turku ee dalka Finland, ayaa iftiimisay in shaqada culus iyo hamiga faraha badan dumarka ka nusqaamiyo muqaalkooda qurxoon.

Daraasadu waxa kale oo ay caddaysay in shaqooyinka adag dumarka ku keenaan in aanay hanan quluubta ragga iyo saygoodaba, arrintana waxay khubaru ku sababeeyeen in dumarku soo dayaan hormoonada la yidhaa Cortisol oo ka dhasha fikirka iyo isku buuqa badan, kuwaasoo keena in muqaalka haweenku fool xumaado.

Cilmi-baadhistan oo lagu daabacay jariirada la yidhaa Royal Society Journal Bilogy Letters ayaa tilmaantay in isku buuqa shaqada ka dhasha keeno in dumarka caafimaadkoodu hoos u dhaco, kadibna muqaalkooda amma quruxdooda wejigoo hoos u dhacdo.

Daraasaddu waxay xustay in raggu jecel yihiin dumarka aadka u quruxda badan, dhalmadana badan, isla markaana firaaqada haya.

Hormoonka Cortison ee ka dhasha isku buuqa badan wuxuu sababa in hab-dhiska difaaca jidhku yaraado, waxaannu kor u qaada habdhiska jidhku cuntada ku jirta ku burburiyo ee kiimikaad (Metabolism). Dr. Markus Rantala oo cilmi-baadhistan hoggaaminaayey ayaa isagoo arrimahan ka hadlaya wuxuu yidhi; Hormoonnada Cortisol oo dumarka ku yaraada wuxuu kor u qaada caafimaadkooda iyo in wejigoodu qurxoonaado, sidoo kale dumarku shaqada adag iyo ku fikirka hamiyadooda fog waxay ku keenta in ay ka baxaan qurxuda dumarka lagu yaqaan.

Check Also

biyaha bariiska, jirka iyo timaha, qurxinta

Ahmiyada Biyaha Bariiska Ay U Leeyihiin Jirka Iyo Timaha Dumarka (TIJAABO CILMI AH)

Bariisku waxuu cunto dhaqameed u yahay qeybo ka mid ah dunida, gaar ahaan wadamada Asia …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *