Sooraan Iyo Jawaan Oo Riwaayad Ka Sameeyay Qoysaska Somalida Iyo Siday U Dhaqmaan

sooraan-jawaan-2015Jilayaasha Soomaaliyeed ee Sooraan iyo Jawaan ayaa soo saaray Riwaayad Cusub oo ku fadhida Macno balaadhan Taasi oo la magac baxday “Qoysba Siduu u dhaqmuu Ubadkiisu Dhaxlaa”.

Riwaayada ayaa waxaa ka qayb ka ah Qoyska Jawaan oo ah Aabe iyo Hooyo ku dadaalaya Caruurtooda, sidoo kalana Awlaada ay ka muuqanayso Tarbiyada iyo heerka la gaadh siiyey.

Sooraan ayaa Xaaskiisa iyo Caruurtiisa Budh kala daalaya kuna qaylinaya, sidoo kalana Hooyada ayaa dhankeeda Caruurta u gelinaysa Cadaawad aabaheed, iyadoo u sheegaysa wixii Xataa ay kabo ugu soo iibin lahayd inuu ka Cunay Aabahood.

Riyaawayadan ayaa dadka qiimeeya Arimahaasi ay ku sheegeen inay ka mid tahay kuwa muhiimka u ah Bulshada, wax badana Lagu faa’iidaysan karo.

Daawasho wacan:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *