Soonka Iyo Caafimaadka

soonka iyo caafimaadkaWaa markale iyo maqaaladeenii taxanaha ahaa ee caafimaadka bulshada, oo aynu maanta sii ambaqaadi doonno maqaalladii ku saabsanaa soonka iyo caafimaadka guud ee jidhka, innagoo ku guda jirna bishii barakaysnayd ee ramadaan, iyo soonkii diinteenu ina fartay, waxaynu ognahay inay jiraan xaalado caafimaad oo soonka iyo salaadaha dhaadheer ee bishani ku soo kordhiyaan nolol-maalmeedkeena. Maqaalka maanta waxaan si kooban u guudmari doonaa qodobo ay tahay inaynu kala socono soonka iyo bishan barakaysan ee ramadaan.

1- Timirta iyo afurka: timirta oo lagu afuraa waxay ka mid tahay talooyinka diinteena suubani ina siisay, timirtu waxay ka koban tahay waxyaabo badan oo faa’ido u leh jidhka, kolay waxay u baahan tahay maqaalo badan si aynu tafaasiisha faa’idooyinka timirta wax uga ogaano, laakiin waxaynu tusaale u soo qaadanaynaa labadan: –timirtu sonkoraha ay ka kooban tahay waa kuwa loo yaqaan sonkoraha-fudud (simple sugars), sidaa darted sonkartani waxay si fudud uga gudbi kartaa marinada cuntada, jidhkuna si degdega ayuu u soo nuugi karaa, tani waxay keenaysaa inay guluukoosta jidhku si degdega kor ugu kacdo, ka dibna tamar badan uu qofku helo, –marka labaad timirta waxa aad ugu badan macdanta la yidhaa botaasiyam (potassium) oo aad muhim ugu ah shaqada muruqyada, waynu naqaanaa in qofku itaal-dareeyo marka uu sooman yahay, ama ay ku adkaato shaqada iyo dhaqdhaqaaqa badaniba guud ahaan, sidaa darted hadii aynu afurka ku bilowno timir, waxa aynu dib u soo celinaynaa awoodii muruqyadeena .

2- DHAGAXAANTA KALYAHA IYO SOONKA: waxa aynu naqaanaa cabitaanka biyuhu markay yaraadaan inay ka mid tahay sababaha keena dhagaxaanta ku samaysma kelyaha, soonkuna dabcan waxa uu yareeyaa cabitaankii biyaha, sidaa darteed waxa suuro gal ah in kelyaha ay ku samaysmaan dhagaxaantaasi, hadaba waxa ay dhakhaatiirtu ku taliyaaan si looga hortago xanunkan in qofku afurka ilaa suxuurta uu cabo biyo badan oo gaadhsiisan ilaa laba litir,( biyo kaliya maaha ee sharaabka iyo wixii la xidhiidhaana waa la mid). Hadii kale qofku waxa uu khatar ugu jiraa inay ku samaysmaan dhagaxaanta kalyuhu, gaar ahaan dadka qaba xanuunyada kalyaha, ama dadka ay ehelkoodu leeyihiin cuduro saameeya kelyaha siiba dhagaxaanta (family history of Renal stones)

3- CARUURTA IYO SOONKA: waalid badan ayaa is waydiiya inay caruurta da’doodu yar tahay ay awood u leeyiin inay soomaan iyo in kale, iyo hadii ay dhibaatooyin caafimaad ka soo gaadhayaan soonka, hadaba caruurta yaryari inay soomaan way fiican tahay waana tababar loogu diyaarinayo si ay ula qabsadaan soonka marka ay waynaadaan, laakiin waxa muhim ah inay yareeyaan ciyaarta iyo dhaqdhaqaaqa ay samaynayaan, si ay u ilaashadaan tamarta jidhkooda ku jirta, waxa kale oo fiican in waalidku mashquuliyo caruurta sida inuu u ogolaado inay daawadaan tv-ga ama ciyaaraan ciyaaro aanay tamar badani kaga baxayn (video-games ) waqtiguna ku dhaafayo iyagoon dareemin.

4- MACMACAANKA IYO SUXUURTA: dadka qaar ayaa aaminsan inay sonkorta badani keenayso tamar badan , waana run, laakiin marka uu qofku ku suxuurto cunto macaan, guluukoosta jidhka ku jirtaa aad bay kor ugu kacaysaa, waxay tani keenaysaa inay iyana kor u kacdo dheecaanka insulin-ta oo ka imanaya jawaabta jidhka, isagoo jidhku isku dayaya inuu yareeyo. guluukoostan sida degdega ah kor ugu kacday, insulintu markaba waxay yaraynaysaa guluukoosta, ka dibna qofku wuxuu dareemayaa inuu gaajooonayo iyadoon la isba gaadhin, waayo dhiiga wax guluukoos ahi kuma hadhin. Si kooban: si aad u yarayso dareenka gaajada, iska yaree cuntooyinka macmacaaan ee aad cunayso suxuurta.

5- LAAB-DILLAACA IYO SOONKA: waxay ka mid tahay dhibaatooyinka la xidhiidha maalmaha hore ee soonka, laaakiin maalmaha dambe way yaraataaa, jidhkuna waa uu la qabsadaa isbadalada ku yimid waqtiyada cuntada la cuno, dabcan caloooshu markay madhan tahay waxay soo daynaysaa aysiidh (gastric acids) taasoo ay u adeegsan jirtay inay ku burburiso cuntada, laakiin mar hadii uu qofku sooman yahay aysiidhi meel madhan bay ku soo dhacaysaa, ka dibna waxa suuro gal ah inay dib u soo raacdo dhuuntan cuntadu soo marto, ka dibna qofku dareeemo laab dilaac, waxaana jira cuntooyin si gaara ula xidhiidha, iyadoo ay dadkuna ku kala duwan yihiin cuntooyinka ay laabdilaaca ka qaadaan iyo waliba xadiga uu gaadhsiisan yahay dareenkaasiba.

By: Dr. Hassan Weli

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *