Caalamadaha Soo Bixidda Ilkaha Caruurta Iyo Daryeelka Ay U Baahan Yihiin

soo bixidda ilkaha caruurtaGormee ayay ilmaha u bilowdaan in ilkuhu usoo baxaan?

Korniinka iyo aasaaska ilkuhu waxay ilmaha u bilowdaan inta uu ku jiro uurka. Inta badan caruurta ilkaha ugu horreeya ee loo yaqaan “ilko-caanoodka” waxay usoo baxaan inta u dhexeysa 3 ilaa 7- bilood. Mar mar dhif ah waxaa la arkaa ilmo ku dhasha iyagoo leh hal ama labo ilig, qaar kale oo ilmaha ka mid ahna  asbuucyo kadiba ilkaha ugu horreeya ayaa usoo baxa.

Ilkaha caruurta waxaa ugu soo hor baxa foolasha yar yar ee hoose, waxaa dhici karta inay ugu soo baxaan saddexda bilood ee ugu horreysa. Hal bil ama labo bilood  kadibna waxaa kusoo xigsada foolasha sare iyo miciyaha Qiyaas ahaan hal bil kadibna waxaa usoo baxa miciyaha hoose. Ugu dambeynna waxaa usoo baxa gowsaha, waxay badanaa soo baxaan marka ilmuhu  uu 3 sano jir noqdo. 20 Ilig ayuu yeeshaa xilligaas.

Maxay Yihiin Calaamadaha ay caruurtu dareemaan marka ilkuhu usoo baxayaan?

Waa kuwaan calaamadaha marka ilkuhu ilmaha usoo baxayaan:

  • Dhareer ( Caygu ama dhareerku waxa uu wajiga u yeelaa faruurac)
  • Bararka cirridka
  • Xanaaq
  • Cunagga oo jeclaysto inuu wax qaniino sida gacmaha iwm
  • Cunugga oo cuntada diida.
  • Dhibaatooyin dhinaca hurdada ah.

Soo bixidda ilkahu waxaa la socda qandho, matag ama shuban .

Daryeelka soo bixidda ilkaha caruurta:

  • Sii wax uu uu calaliyo: Waxaad siin kartaa caagga loo yaqaan teething ring, ama maro nadiif ah.
  • Sii cunto qabow: sida caano garoor (yogurt). Cuntada qabow waxay ka yareyn kartaa xanuunka soo bixidda ilkaha.
  • U daliig cirridka: Fartaada oo nadiif ah si tartiib ah ugu daliig cirridkiisa.

Sidee ilkaha loogu nadiifiyaa caruurta:

Marka ilkuhu ilmaha usoo baxaan u caday labo goor maalin kasta adigoo isticmaalaya cadayga caruurta iyo inyar oo dawada ilkaha lagu cadaysado ah. kalana tasho dhakhtarka ilmaha. Waa inaan ilmuhu liqin daawada ilkaha Maadada falooraydh oo daawada ilkaha ku badani waxay keeni kartaa waxyeello caafimaad. marka u 2 sano gaarana uu kordhi dawada ilkaha lagu cadaysado.

Goorma ayay bilaabataa in ilkuhu ka dhacaan caruurta?

Inkastoo caruurtu ay kala duwanaan karaan hadana inta badan waxay ku bilaabataa marka ilmuhu uu gaaro da’da 6 ilaa 7 sano.

Check Also

caafimaadka kilyaha

Shaqooyinka Muhiimka Ah Ee Ay Kilyuhu Qabtaan Iyo Sida Loo Ilaaliyo Caafimaadkooda

Kilyaha waa labo xubnood oo u eg qaabka digirta gaduudan, waxay ku yaalaan qaybta gadaale …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *