Sirta Weydiimaha (ASK)

Su’aal weydiintu waa soo jireen, waxa ayna soo socotay inta aadanuhu jiray. Waxaanse maanta rabaa inaad ila fahamtid akhristow sirta ku jirta habka wax weydiinta.

Bal ila eeg ereygan: ASK, micnihiisu waa wax weydiin, waxaan ka soo dhex saari karnaa micno aad uweyn, si fiican u dhadhami mugga uu xambaarsanyahay ereygan ka kooban seddexda xaraf.

  • Always: Marwalba
  • Seeking: Raadinaya (Doondoonaya)
  • Knowledge: Aqoon ama cilmi

Haddii aan soo qaadanno erey kasta xarafka ugu horreeya maxaa noo soo baxaya? bal mar kale ila eeg. Waxaa soo baxaya ereygan: ASK, sow ma ahan ereyga micnaha weyn sita oo ay ku qotonto dulucda qormadan?
ASK waa weedh af Ingiriisi ah, balse markaan dib ugu laabanno hadalka kore waxa ay ku fadhidaa micnahan:

Mar walba raadi aqoonta, taasoo ka dhigan in wax weydiintu muhiim u tahay helitaanka aqoonta.
Inaad wax weydiisaa ceeb ma ahan, wax aad khasaareysane ma jiraan, waxaad la kulmeysaa jawaab laba mid noqon karta; in Haa lagu dhaho oo wixi aad rabtay kuu hergalaan ama in Mayalagu dhaho oo ah jawaabta ugu xun ee aad la kulmi kartid, waxa ayna ka fiicantahay inaad la aamusto rabitaankaada, dabadeedne aad marwalbo laabta ku canaanato “waxaas haddaad weydiin laheyd amaad saan si ka duwan sameyn laheyd”.

Maxay dadka qaar uga baqaan weydiinta?
* Waxa ay qaar aaminsanyihiin inaaney habbooneyn wax weydiintu oo ay ceeb tahay
**Kalsooni la’aan iyo shakhsiyaddooda oo daciif ah
*** Baqdin ay ka qabaan in Maya loogu jawaabo ama diidmo la kulmaan
Haddii Maya laguugu jawaabo xaaladdaada sidey aheyd maka sii hoos maree? jawaabtu waa Maya.

 

Habka weydiimaha:
1. Rabitaankaada caddeey: marki aad rabtid inaad wax weydiisato qof ama koox dad ah waqti sii diyaarinta waxa aad dooneyso, xulo ereyo aad si fiican uga fakartay oo saameyn weyn sameynaya. Waa arrin muhiim ah, waayo hadalku waa hub, sidaa awgeed uxulo weydiintaada ereyo fiican, isla markaana si cad u qeexaya waxa aad rabtid.
Waxa aad weydiineyso haddaaney caddeyn, ereyada iyo weeraha aad adeegsaneysane isku duubneyn faa’iido kama heleysid weydiintaada. Haddii aad u baahato dad xeel dherayaal ah waad kala tashan kartaa sida ugu habboon ee ay weydiintaadu raad u reebi karto.

2. Kalsooni wax ku weydii: inay kaa muuqato kalsooni markaad weydiin sameyneyso waxa ay aad kuugu soo dhaweyneysaa guusha. Muuji geesinimo, maadaama waxa aad rabtid ay kuu xaddidanyihiin. Tani micnaheedu ma ahan inaad degdegto ama ku kadsoonto rabitaankaada iyo aftahannimadaada ama ay isla weyniyu ku qaado,kalsoonidu waa wax laabta ka soo baxa, dadka kaa agdhawne ay arkayaan. Waxa ugu xun ee niyad jabka dhaliya waa in laguu diido waxa aad weydiisatay, balse kama dhigna in albaabadi kaasoo wada xirmeen, waddo kale raadi, ha niyad jabin, mar walbana isku day inaad xasuusnaato in aamusnaantu ka liidato in waxa aad weydiisatay laguu diido.

3. Si joogto ah wax u weydii: dadka qaar marka ay diidmo la kulmaan hal mar gacmaha ayay ka taagaan iyagoo si dhakhsi ah isu dhiiba. Haddii aad rabto inaad soo saarto kheyraadka dahan ee nolosha waa inaad wax badan weydiisaa, waayo weydiimuhu waxa ay kuu furayaan albaabada keydka aad ka heleysid sirta nolosha.
4. Si hal-abuurnimo leh wax uweydii: casrigan tartanku wuu badanyahay, waxaa laga yaabaa in codkaada laga sara maro ama uu ku dhex lumo buuqa yeeraya, dabadeedne lagu maqli waayo. Marka aad rabtid inaad weydiin sameysid, hadal qura ha sameyn, adeegso hal-abuurkaada, dooro sida ugu fiican ee aad sameyn karto, u xulo gogldhig gaaban oo saameyn weyn leh, kaddibne u dhaadhac gunta ujeeddadaada.

Culimada cilmu nafsiga waxa ay aaminsanyihiin in bani aadamka dhami leeyahay awoodda maskaxeed ee wax dhiraandhirisa, waxa lagu kala duwanyahayne ay tahay uun inaad is bartid sidaad ku soo saari laheyd awooddaas qarsan ee aadan ka war heyn. Ha niyad jabin haddii in badan laguugu dhaliilay inaadan laheyn karti wax curis, dhiraandhirin ama hoggaamin, balse isku day inaad baartid sida ugu fiican ee aad uga faa’iideysan kartid keydka weyn ee kuu qarsan. Habka aad u isticmaaleyso hal-abuurnimada weydiimahaadana waxa ay u baahantahay barasho, ku celcelin iyo u samrid.

5. U weydii si daacadnimo leh: marka ay dhab kaa tahay weydiintu dadka way kuu jawaabayaan, daacadnimaduna waa inaad ka run sheegtid dalabkaada. Iska tuur been abuurka, turufatoornimada iyo wejiga khayaanada ka muuqato, islamarkaana aad diyaar u ahaato dhaliisha iyo hadallada aadan ku farxi doonin ee ka imaanaya weydiimahaada.
Waxa aad dooneyso si dhammeystiran u gudbiso, adigoo ka akhrinaya laabtaada, ha isku kallifin inaad iska dhigto wax aadan aheyn, caadi iska dhig, markaas ayay dadku kuu furayaan laabahooda.

Dadka raadinaya inay guusha ku gaaraan si fudud way yartahay inay guuleystaan, ee u adkeyso xanuunka isbedelku leeyahay, si aad u gaarto buurta dhakadeeda.

Haddaba si aan akhristayaasha ugu dhiirrigeliyo u adkeysiga xanuunka isbedelka waxaan qormada tan xigta idiin soo gudbin donaa sheeko arrintaa ku saabsan oo aad ka heli doonto inshaa allaah.

Waxaa diyaariyay: Dr. C/qaadir Insi, MD

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *