Sirta Guusha Waxbarashada

Waxa mahad oo dhan iska leh Allah, isaga Ayaan u mahadnaqaynaa oo kaalmaysanaynaa. Intaas Kadib waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa insha-Allah maqaalo taxane ah oo aan kaga warami doono ka midho-dhalinta guusha dhinaca waxbarashada.

Waxa aan shaki ku jirin in qofkasta oo ku nool dunidan uu jecel yahay GUUSHA. Guushaas oo ah dhinac wal oo noloshiisa ah. Waxa uu jecel yahay inuu ka dhabeeyo hammiga uu xanbaarsan yahay. Waxa uu qofkastaa jecel yahay inuu ka gaadho mustaqbalkiisa guul. Kuna noolaado mustaqbalkiisa guul iyo sharaf dadka dhexdiisa. Tani waa sida uu Ilaahay SWT u abuuray dadka inuu qofkastaa jeclaado inuu guulaysto.

Guushu kaliya maaha in la helo dhibco iyo darajo sare imtixaamka oo la caan baxo, laakiin guushu

waa ka rumaynta uu qofku ka dhabeeyo awoodiisa iyo sida uu uga faa’idaysto, kalsoonida naftiisuna ay sii korodho.

Waa ka barashada wixii tagay iyo ka faa’idaysashadiisa.

Guushu waa inaad garatid wadada aad ku socoto iyo halka aad u jeedo iyo waxa aad rabto.

Dadka guul-daraystay waa dadka ka faa’idaysan garan waayey nolosha, ee wax ka baran waayey wadooyinka loo maro guusha.

Markaas waxa laga maarmaan ah in uu qofku barto wadooyinka guusha si uu uga dhabeeyo hamigiisa iyo riyadiisa.

Waxa aad kaga dhabayn kartaa hamigaaga marka aad ka faa’idaysatid nimcooyinka waaweyn ee uu Ilaahay SWT kuugu deeqay, sida maskaxdaada, shakhsiyadaada, caqligaaga, fikirkaaga, awoodaada, iyo kartidaada kale ee Allah gooni kuu siiyey.

  1.     Waxa aad noqon kartaa qof guuleystay inaad nolosha ka eegto dhinaca wanaagsan oo aad filato dhinaca wanaagsan.
  2.     Inaad noqoto qof nidaamsan oo ku kalsoon naftiisa.
  3.     Inaad dejisato hadaf oo aanad ka hadhin ilaa aad gaadho hadafkaas.
  4.     Inaad isticmaasho awoodaada ilaa aad goosato  midhaha shaqadaada.
  5.     Inaad habaysato waqtigaaga.

Sidaas awgeed ardayga waxa laga rabaa inuu doorto jaamacad iyo school fiican iyo kulliyad wanaagsan, waayo waxay ka caawinaysaa inuu tacliin tayo leh helo.

Markaa aad gasho jaamacada ama schoolka ama machadka, waa inaad ku dedaashaa inaad si fiican wax uuga barato, waxaad ku deshaashaa inaad ka fogaato waxyaabaha aan faa’iidada lahayn.

Guushuna waa dhaqan ka mid ah dhaqamada wanaagsan ee muhiimka ah, waana waxyaabaha asaasiga ah ee la rabo in la horumariyo oo la kobciyo oo la wanaajiyo si joogto ah.

Abu-hureyra Alle raali ha ka noqdee waxa laga weriyey inuu yidhi, waxa uu rasuulku yidhi SCW “Mu’minka xooga badan ayaa ka wanaagsan oo Allah oo Ilaahay agtiisa looga jacayl badan yahay mu’minka taagta daran, wixii ku anfacaya ku dedaal, Allah kaasho oo ha caajisin, hadii shay ku asiibo ha odhan : Hadaan sidaas yeeli lahaa sidaas ayey noqon lahayd, laakiin waxaad tidhaa: Allah ayaa qadaray(inay sidan dhacdo) Alle-na siduu doono ayuu yeelaa, maxaa yeelay kalmada “hadaan” waxay furtaa camalka shaydaanka”(Imam Muslim)

La soco qaybta 2aad.

W/Q:Ahmednour Yusuf Odowa

odowaa28@gmail.com

Check Also

Sababaha Keena In Ardaygu Uu Waxbarashada Naco

Waxaa marar badan dhacda in qoysaska iyo macallimiintuba ay ka cawdaan mushkilad dunida aad ugu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *