Sidee U Noqon Kartaa Qof La Jecel Yahay Oo La Ixtiraamo?

Qof la jecel yahay, ixtiraamka, qadarin, dadka ku jecelSidee baad u noqon kartaa qof la jecel yahay?

Haddii aynu nahay bini Aadam Haddii aynu nahay bini Aadam waxaa aan had iyo jeer jecelnahay in aan helno wax kasta oo aynu jecelnahay. Sidoo kale kama maaranno in aan mar walba aragno dad ina jecel oo ina danaynaaya.

Haddaba waxa is waydiintu tahay maxaa qofna loo jecel yahay oo dhankiisa loogu ordaa qofna loo karhaa oo loo dhibsadaa amaba aan xaggiisa cidiba u eegin. Waxa se aad intaaba ka jeclaan lahayd in aad ogaato sida aad ku noqon karto qofkaas dadku jecel yihiin ee ay mar walba xiiseeynayaan la joogiisa.

Waxa jira waddooyin badan oo haddii aad raacdo ay dadku kugu jeclaan doonaan. Waddooyinkan maaha kuwo kaaga baahan xeelad iyo wax kale toona. Kaliya waa fan kaaga baahan in aad hirgaliso kadibna ku dhaqanto. Hubaal haddii aad ku dhaqanto qodobada aan kuu sheegi doono noloshaada waa ay beddeli donaan, waxa ayna horumarin doonaan xidhiidhada idiin dhaxeeya adiga iyo bulshada kugu xeeran.

Waxa aad se maanka ku haysaa in ay dadku kala jaad jaad yihiin, qof kastaana uu leeyahay dhaqan u gooniya taas oo aanu cidna la wadaagin. Waxa la yidhaahdaa dadku waa sida albaab xidhan oo kale, qof kastaana waxa uu leeyahay fure u gaar ah oo aad ku furi karto. Haddaba qofka maskaxda badan waa ka u adeegsada furaha saxda ah qofka ku habboon. Qofka isku daya in uu fahmo qof walba waxa uu ka helo iyo waxa uu necebyahay baa kasbada qalbiyadoodana.

Ugu danbayn haddii aad samayso dhawrkan qodob, hubaal dadka qalbiyadooda waad ku waynaan doontaa.

1. Noqo qof iimaan leh: Dadku way jeclaadaan qofku marka uu iimaan buuxa leeyahay Allena uu ku xidhan yahay.

2. Noqo qof daacad ah: Qofka aan khiyaamada aqoon dadka qalbigooda wuu ku waynaadaa.

3. Iska dhawr inaad ku gafto dadka, dadku ma jeclaadaan had iyo jeer qofka gafka ama dhacdhaca badan.

4. Ilaahay dartii u jecloow dadka oo dhan: qofna adiga oo aan dan gaar ah ka lahayn haddii aad Alle dartii u jeclaato waxa aad noqonaysaa qof dadka agtooda qiimo ku leh.

5. Qof kasta oo aad la kulanto ku qaabil waji farxad leh kuna bilow salaan adiga oo dhoola caddaynaya uguna yeedhaya magaca uu ugu jecelyahay.

6. Had iyo jeer dhoola caddee oo wajigaaga ha ka dhigin mid laga naxo ama laga dido: dadku had iyo jeer qofka farxadda iyo dhoolacaddaynta badan bay jecel yihiin oo xaggiisa usoo xiisoodaan.

7. Indhaha ka laabo oo ha u fiirsan dadka gafafkooda

8. Qof haddii uu bukoodo booqo, haddii ay geeri ku timaadana tacsiyadee

9. Farxad iyo murugo labadaba kala qayb qaado

10. Haddii uu ku casuumo yeel oo ajiib yeedh mada walaalkaa.

11. Xumaanta wanaag ugu badal: haddii uu qof ku xumeeyo oo aad wanaajiso waxa laga yaaba in uu isla yaabo qofkii oo ku raali galiyo. Dhaqankan haddii aad joogtayso cidna isu xummaan maysaan waligaa. Dadka agtoodana qiimo ayaad ku yeelan doontaa.

12. Had iyo goor dadka u gar gaar: qofka gargaarka badan dadkana caawiya had iyo jeer dadku way jeclaadaan.

13. Noqo dhagayste fiican: dadku waa ay jecelyihiin qofka u dhago nugul ee dhagaysta warkooda.

14. Muuji in aad danaynaysid: qof haddii aad danaysid arrimihiisa kana war haysid xaaladihiisa hubaal wuu ku jeclaanayaa.

15. Haddiyado u keen oo ka farxi: qof isaga oo aan war u hayn haddii aad kaga farxiso oo aad u keento hadiyad waligii laga ma yaabo in uu qofkaasi ku iloobo.

Waxa hubaal ah intan haddii aad dhaqan galiso waxa aad arki doontaa dadka oo u soo hilloobaya xaggaaga jeclaysanaya la joogaaga. Xikmad ayaa waxa ay tidhaahdaa “Dadka maskaxda u saaxiibka ah waxa ay leeyihiin cadow badan se dadka quluubta u saaxiibka ahi waxa ay leeyihiin asxaab fara badan”

Tixraac: Buugga ‘How to be lovable’

Muna Axmed Cumar

Check Also

Arday wanaagsan oo guulaysta

Sidee Loo Noqdaa Arday Wanaagsan Oo Guulaysta?

Ma tahay arday? Haddii aad tahay arday ma rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *