Cuntooyinka Daaweeya Lalabada ( Yalaalugada)

Waxaa jira sababo badan oo qofka ku keena yalaalugo uu mararka qaarkood la matago, waxaa ka mid ah uurka oo hooyada yalaalugo (lalabo badan ku keena iyo weliba noocyo ka mid ah xanuunnada iyo daawooyinka la qaato qaarkood oo qudhoodu qaata.

Waxaa jira daawooyin loogu talo galay in lagula dagaalamo yalaalugada, waxase ay inta badan dhakhaatiirta caafimaadku ku celceliyaan in daawooyinka badan isticmaalkoodu aanu sidiisaba u fiicnayn xaaladda qofka. Qormadeennan maanta waxa aynu ku soo bandhigaynaa dhowr nooc oo ka mid ah wax yaabaha aynu cunno oo si dabiici ah qofka uga kaxayn kara lalabada, waxaana ka mid ah:

1. Sinjibiisha: Sinjibiishu waxa ay ka mid tahay dhir daaweedka qarniyada badan  ay dadka dunidu u isticmaalayeen daaweynta xanuuno kala duwan.  Sinjibiisu waa daawo dabiici ah oo si aad u tayo badan ula dagaalanta yalaalugada. Waxaa loo isticmaali karaa cabbitaan ahaa ama inyar oo ka mid ah ayaa shaaha lagu darayaa, dhaqso ayaanay yaalugadu u ba’aysaa.

2. Muuska: Muusku waxa uu awood uleeyahay in uu yareeyo ama tirtiro yalaalugada. Faa’idooyinka muusku aad ayaa ay u badan yihiin, waxa aanu ka mid yahay cuntooyinka ay dhakhaatiirtu ku taliyaan in la isticmaalo iyo in si gaar ah carruurta loogu dadaalo.

Kamaal Axmed Cali

Check Also

KACSI LA'AANTA RAGGA, JIMICSIGA,

Ahmiyada Jimicsiga Uu U Leeyahay Dawaynta Kacsi La’aanta Ragga

Daraasad dhowaan la sameeyay ayaa lagu sheegay in jimicsigu uu xal u noqon karo kacsi …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *