Astaamaha Ninka Xaaskiisa Jecel ee Baariga Ah (Raaliyaysane)

Ninka xaaskiisa jecel, ninka ku jecel, Ninka xaaskiisa jecel ee baariga ah (Raaliyaysane):

Kadib markii ay su’aalo badani oo ku saabsan astaamaha uu leeyahay ninka wanaagsan nooga yimaadeen akhristayaasha sharafta badan,  ayaa waxa ay Amina Ahmed soo diyaarisay qodobo ka jawaabaya baahidaas.

Raaliyaysane = ninka ilaaliya xuquuqda xaaskiisa

Raga ayaa had iyo jeer raadiya haweenay raaliyo ah, halka ay haweenkuna ka raadiyaan nin u dhigma haweenayda “Raaliyo”, kaas oo loogu yeero “Raaliyaysane”. Kadibna marka ay raaliyo iyo Raaliyaysane is helaan waxa ay dhisaan reer aan waligii dumin oo ku salaysan jacayl waara.

Hadaba calaamadaha lagu garto ninka aad qabto in uu yahay Raaliayasane ayaa ah kuwan:

1. Waa nin had iyo goor ka warqabaa baahida xaaskiisa dhan walba.

2. Waa ni ay xaaskiisu ku faraxdo marka uu soo hoydo.

3. Waa mid jecel in xaaskiisu leedahay aqoon badan, kuna waaniya in ay wax barato markasta.

4. Waa nin mid aan dilin xaaskiisa, hadal xun ku dhihin, mana xaqiro.

5. Waa nin kan had iyo goor farxad ku abuura qalbiga xaaskiisa.

6. Waa nin deeqsi u ah qoyskiisa.

7. Waa mid soo dhaweeya qaraabada ay xaaskiisu leedahay.

8. Waa nin aan ka hagran xaaskiisa waxa nafteeda u roon oo aadduunyo ah hadii uu awoodo.

9. Wuxuu had iyo jeer ka codsadaa xaaskiisa in ay cafiso, maadaama uusan dhammayn karin xaqa ay ku leedahay.

10. Waakan ugu yeera xaaskiisa magacyo qurux badan sida “Shacni” oo macnaheedu yahay boqorod.

11. Waa mid aan u quurin xaaskiisa erayada ay ka mid yihiin “waad fool-xuntahay & waan ku-nacay”.

12. Waa nin caawiya markay jirran tahay iyo markay uurka leedahay.

13. Waakan ka abaal mariya ugana mahad naqa xaaskiisa dadaalkeeda.

14. Wuxuu baraa carruurtiisa xaqa hooyadood iyo in ay ushaqeeyaan.

15.Wuxuu u caddeeyaa xaaskiisa in gurigu iyada kutaagan yahay.

16. Waa kan tusa xaaskiisa in isaga waalidkiis iyo iyada keedu isku mid u yihiin.

17. Waa mid aan ficil xun iyo hadal xun ku horsamayn xaaskiisa.

18. Waa nin qowlkiisa iyo ficilkiisu isku mid yihiin.

19. Waa mid ayna xaaskiisu uga baqan sidii bahalka oo kale.

20. Waa mid aan caro badnayn.

21. Waa mid aan isaga uun iska fikirin?

22. Waa mid aan aqoon xanta?

23. Waakan xaaskiisu usheegan karto waxa baahideedu tahay, dhakhsana uga hesho.

Hadaba hadii uu ninkaagu leeyahay astaamahan kor ku xusan, hambalyo xambaarsan farxad badan. Hadii uuna ahayna u sheeg qodobadan oo ka caawi in uu ku dhaqmo!

W/Q: Amina Ahmed Jama

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *