Sidee Ku Aaminaa Nafteyda?

naftaada, kalsoonida naftaAaminida naftaada waa sheyga ugu muhiimsan gaarista horumarka aad kuriyootay. Hadii lawaayo aaminid aad kuqabto naftaada waxey soo fududeyneysaa in si fudud lagaaga hor istaago waxyaabaha qalbigaaga kujiray inaad sameyso.

Aaminid aad aaminto naftaada waa wax aad u adag mararka qaar. Imisa sheey aadan wali qabsan ama aadan isku dayin maxaa yeelay waxaad laeyd aaminka naftaada.

Todobadaan qodob ee soo socda waxey ka qeyb qaadan karaan dhismaha aaminka naftaada.

1. Noqo mid aragtidiisa tahay mid wanaagsan. Hadey aragtadaadu tahay mid waanagsan waxba kama shakin doontid waxkasta waxaad kuxalin kartaa inaaad aaminto iney kaaga imaandoonto wanaag.

2. Jooji isbarbardhiga naftaada iyo dadka kale. Qof walba wuxuu helaa daganaan nafsiyadeed kaliyah marka uu kukalsoonado sida uu yahay waqtiga uu kujiro. Hadaba haisbarbardhigin dadka aad uheysato iney kaa sareeyan ama aad u aragto iney kaa liitaan. Kunoolow noloshaada.

3. Usamee wanaag dadka kale. Dadka badi waxey helaan qanacsanaan iyo daganaan nafsiyadeed marka ey usameeyan wanaag ama ey caawiyaan ruux ubaahan caawimaad.

4. Abuur aragti cad oo adag kuna aadan naftaada. Hadii aad rabto inaad gaarto horumar cad waa inaad abuurtaa adigoon eegeyneyn waxa kaimaan kara mustaqbalka, waa in ruux kasta uu kuraaxeystaa waxa qalbigiisa kujira guul darana uusan kabaqin.

5. Qodobee horumarada aad horey ugaartay. Tani waxey qeyb muhiim ah ka qaadan kartaa in niyadaada ey aad udhisanto marka aad aragto waxyaabaha aad horey ugaartay kuuna sahasho inta kuu dhiman.

6. Udabaaldag tayooyinkaaga gaarka ah. Qof kasta waxa uu leeyahay tayo ugaar ah waxaana lagama maarmaan ah inuu had iyo jeeraba udabaal dago tayadaas.

7. Xiriir lasamee dadka wan wanaagsan. Qofkasta waxaa uu leeyahay saaxiib gaar ah waxaana muhiim u ah inuu horumar gaaro saaxiibkiis. Hadaba doorashada saaxiib leh mowqif muhiim ah waxey qeyb libaaxleh kaqaadan kartaa horumarkaaga.

W/Q: Abdullahi hashi

Check Also

cimriga bini aadamka, cimri dherer,

Caadooyin Qofka U Horseedi Kara Cimiridherer

Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *