Sideed Ku Garan Kartaa Waxay Ka Fakarayso Ama Ay U Baahantahay Gabadhu?

Ogaanshaha maskaxda Dumarka waxa ka dhex-guuxaya waa riyada uu ninkasta oo reer leh ama wadadeedii  hayaaba leeyahay,fahanka caqliyada gabadhuna waa arin kakan oo dadaalkeeda iyo adkaysigeeda u baahan oo mutaysatay in la badiyo isku dayada.

Haday taasi kuu suura gashana waxaa kuu fududaanaysa kasbashadeeda raali galinteda iyo badhaadho galinta nafteeda iyo taadaba.

Hadaba waxa muhiim ah in aynu  dhawr qodob barano si aynu guul u gaadhnana dhaqan galino.

1: Waa inad ogaataa Dumarku waxay doonayaan inay Diidaan: Taas markad la kulanto waxa laga yaabaa inad ka niyad jabto fahankooga marka ugu horaysaba,Waayo dumarku way kala gedisanyihiin siday raguba u kala duwanyihiin kaliya waqti iyo dadaal badan kadib waxaad noqon doontaa mid awooda fahankooga sida ugu fiican.

2: Si fiican u dhagayso: Amaahi dhagahaaga iyo dareenkaaga oo dhan marka ay kuu sheekaynayso iska jir wax kasta oo ku mashquulin kara.

Arimaha qaarkood waxay kuugu shegi doontaa odhaah  ahaan,halka qaar kalena tilmaamaha jidhka ay kugu soo gudbin doonto .

Waa muhiim inad fahanto odhaahdeeda iyo siday nafteeda u cabirayso . waxaanay kuu sahlaysaa inaad barato dabeecadaheeda,farxadeeda iyo waxyaabaha ay necebtahay.

3: Hana noqonin kaligii taliye: Ha isku dayin inaad amar la timaado balse waydii waxaanay ogayn, siday wax ku ogaan kartana ugu dhig hadalka , ku siin mayso warcelino aad ku qanacdo balse haka niyad jabin isku dayga.
Dumarku waa duul xasaasiyiin ah markaa ula dhaqan qaab dagan oo aad u raali galiya.

4: Daganaansho:  Si ay gabadhu kuugu sheegto waxa maskaxdeeda ka dhex guuxaya waa inad dareensiisaa amni iyo xasilooni dheeraada.

Hubso inay dareemayso nabadgalyo  intaanad filan inay kuu sheegto sirteeda.

Qodobadaa kooban ee aynu xusnay hadaad fahanto Allena la kaashato,waxaan kuu hubaa inaad noqon doonto mid hanan kara qofka noloshiisa la wadaagay ama la wadaagi doona.

Turjumidii:Maxamedshakir Siciid Cabdi (Shaakir).

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *