Sidee U Noqon Kartaa Nin Xaaskiisa Qanciya, Masuuliyada Saaranna Kasoo Baxa?

Gurigu wa sida shimbirta oo kale. Seyga iyo marwaduna waa labadii garab ee shimbirkaasi ku duuli lahaa. Sida qof walba u cad, wey adag tahay in shimbirku duulo baalal la’aan ama uu hal baal Ku duulo. Guriguna wa sida oo kale oo way adag tahay in uu hal dhinac ku taagnaado.

Ugu horayn, ninka Soomaliyeed waxa ku adag in uu hadal ku Sheego marar badan dareenka uu qabo. Hadii uu ku barbaaray nolol adagna (Nolosha Miyiga) waa ka sii daran tahay. Ninka Soomaliyeed wuxuu ku muujiyaa dareenkiisa jaceyl ficil sida in uu wax u iibiyo xaaskiisa, wanaajiyo, ka war qabo waalidkeeda iyo ehelkeedda iwm laakiin hadal ahaan uma sheego. Wuxu u arkaa in ay tahay jileec aan loo Baahnayn. Haddaba, arrintaani waxa ay keeni kartaa khilaaf joogta noqda, Is Faham la’aan so kala dhex gala labada lamaane.

  • U keen xaaskaaga hadiyado yar yar waxay Cusbonaysiinaysa Jaceylkiina.
  • Ku qabooji qalbigeeda hadalo macaan oo farxad galiya.
  • ka dhowr in aad ku dhaliisho dadka hortooda.
  • Sii xaaskaga lacag aan ahayn masruufka guriga si ay ugu isticmaasho waxyalaha u gaarka ah.
  • U naxariiso isla markaana garabkeeda joog marka ay dhibaato hayso.
  • Caawi xiliyadda adag sida xiliga ay xaamilda tahay dhalmada iyo xiliga umusha.
  • Wakhtiga aadan shaqadda lahayn nuskii la qaado xaaskaga iyo caruurtadda isla markana isku day hadii daruuftu ku saamaxayso in ad dalxiis gayso.
  • Iska ilaali in aad ceebayso sida ay cuntada u kariso ama ay guriga u maamusho.
  • ha is bar bar dhigin sida ay Hooyadaa iyo saxiibka xaaskiisu ay guriga u maamulaan isla markaana agteedda ha ku amaanin dumar kale.
  • Tix gali nolosheeda gaarka ah sida waxa ay jeceshahay ee ay ka mid yihiin cuntada, dhanka, akhriska, iyo ra’yigeeda arimaha guud.
  • Dhaqanka ninka caaqilka ah maaha in uu xaaskiisa garaaco ama gacan u qaado. Waliga xaaskaaga gacan ha u qaadin wax walba oo khaldamana wada hadal ku dhameysta.
  • Isku day in ad amaanto, shaqadeeda aad la dhacsan tahay xilli aysan kaa filayn si culayska howsha guriga ay u hilmaamto.
  • Uga mahad naq wax ala wixii ay darta u samayso sida badhan ay Ku tosho, iskaasho ay ku dhaqdo iyo dhar ay ku feeraysaba.
  • Qobodka ugu muhiimsan wa isku day in aad xidhiidhiso waalidkeed iyo dadka ay jeceshahay isla markaana aad wax tarto inta awoodaada ah.

Gabagabaddii Gurigu waa masuuliyad ilahay kala xisaabtami doono ee si wanagsan u dhowr.
W/Q: Mohamed Ossman Afish

Hagahaguurka

Check Also

Erayo jaceyl, waan ku jecelahay, jaceyl

Baro Hadallo Iyo Ficillo Ka Qiimo Iyo Dareen Badan Erayga “WAAN KU JECELAHAY”

Jacaylku waa dareen aasaas u ah jiritaanka nolosha aadamaha, sidaas awgeed waxaa jira habab tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *