Sidee Windows 10 Bilaasha Ugu Heli Kartaa?

windows 10Shirka Microsoft ayaa sii deyn doonta nuskhadeedi ugu dambeysay ee Windows sii deyn doonta bisha soo socota dhamaadkeeda, 29ka Luulyo.

Yaa bilaash ku heli kara?
Computer kasta oo nuskhada 7 ama 8 ay ku jirto ayaa free u heli doona, sido kale hadaad ka mid noqotid dadka nuskhada tijaabada kusoo rogtay computer sidoo kale bilaasha ayaad ku heli doonta.

Maxa ku cusub Windows 10?windows-10-desktop-love
Microsoft ayaa kusoo dartay barnaamijyo cusub Windows 10. Waxa ka mid Cortan oo ah nooca Siri ee windows. Start Menu ayaa Microsoft so celisay ayaagoo si hormariyay. Windows 10 ayaa sidoo kale si wanaagsan screens touch-ka ah ku shaqeyn doon.

Maxey Bilaash uga Dhigtay Nuskhadan Microsoft?
Microsoft ayaa go’aansatay iney nuskhadan noqon doonto tii ugu dambeysay ay iibiso, taas ayaa micnaheedu yahay hormarinta(updates) soo socda ay bilaash noqon doonan. Sheekadan ayaa mar hore shirkada la tartanka Microsoft ee Apple horay ugu dhaqadaaday taasoo lacagta badan ka sameysa inay gadaan computer markii loo eego Operating System.
Microsoft ayaa faa’ido weyn ugu jirtaa tan ayagoo ku khasbaya dadka isticmaala Windows 10 inay upgrade sameyn mar kasta oo nuskhad cusub soo baxdo. Tan ayaa sidoo kale faa’ido ugu jirta shirkada sameeyo barnaamijyada ayagoon ku khasbanan doonin inay barnaamijkooda ka dhigaan mid ku shaqeya nuskhada Windows oo dhan.

 

Sidee u gadan karaa?
Hadii aadan awoodin inaad bilaash ku heshid, waxu ku bilaabanaya $119 Windows 10 halka Windows 10 Pro uu ka qaalisanaan doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *