Sidee Uur Lagu Qaadi Karaa? Waqtigee Se Ugu Wanaagsan?

Sidee uur loo qaadaa, uurka,

Run ahaantii uur qaadistu waxay ku xiran tahay awoodda Rabbi (SW) isagaana garanaya xiliga qofku uur qaadayo. Sida cilmi baarista lagu ogaaday fursadda ugu wanaagsan ee uur lagu qaado waa marka ugxanta lasoo daayo ama ay diyaar u tahay in la bacrimiyo. Haweenka inta badan waxay caadadu ka maqnaataa 28 maalmood, maalinta ugxanta lasoo daayo waxay ku aadaa kalabartanka oo ah maalinta 14,  Shanta Maalmood ee ka horaysa fursaddu uur qaadistu way jirtaa.

Halkaan ka daawo sida uur loo qaado:

Cuntada nafaqada leh iyo miisaanka caafimaadka leh waxay caawiyaan in jirku u diyaar garoobo uur qaadista. Nafaqooyinka aad u baahan tahay waxaa ka mid ah: macdanta Zinc, folic acid, macdanta calcium, Vitamin C iyo Vitamin D. Nafaqooyinkaan waxay badiyaan shahwada waxayna ka digaan mid awood leh.

Haddii ay caadadaadu saxan tahay waxaad calaamaysataa ama meel ku xarriiqataa maalinta ugu horreyso oo dhiigga ama caadada kugu dhacdo, kadib maalintaa markii laga xisaabiyo kala bartanka ama maalinta ugu dhaxaysa ayaa fursadda ugu fiican jirtaa.

Maalintaas maalmaha ka horreeyo waxaad dareemi kartaa xoogaa qoyaan nadiif ah oo xagge hoose ka yimaado, Labada maalmood ee ka dambaysane waxaa dareemi doontaa xoogaa qandho ama heerkulkaaga inuu sarreeyo.

Haddii aad rabtid in aa sii ogaatid xilliga ugu habboon ee aad uur yeelan kartid, waxaa jiro qalab kaadida lagu baaro oo aad farmashiga ka soo gadan karto oo loo yaqaano “OVulation predictor kit” oo howshiisu tahay in xilliga ugxanta la soo deynayo inuu kuu xisaabiyo iyadoo kaadida laga eegayo hormoonnada heerarkooda.

Kulanka joogtada ah ee lamaanaha waxuu kordhiyaa fursadda uur qaadista.  Waxaa muhiim ah in lamaanuhu ay badiyaan kulankooda inta u dhexeysa labada caado.

waqtiga ugu habboon ee uur la qaado waa xilliga ugxanta la soo daayo oo ay diyaar u tahay in la bacrimiyo, inkastoo haweenka ku kala duwanaan karaan waxaa maalintaas lagu qiyaasaa in ay ku aadan tahay maalinta 14-aad wareegga caadada, si aad maalinta saxda ah u ogaato waa in marka hore caadadaada ay tahay mid saxan oo aan khalkhal ku jirin. Haddii ay caadadaadu saxan tahay waxaad calaamaysataa ama meel ku xarriiqataa maalinta ugu horreyso oo dhiigga ama caadada kugu dhacdo, kadib maalintaa markii laga xisaabiyo kala bartanka ama maalinta ugu dhaxaysa ayaa fursadda ugu fiican jirtaa.

Maalintaas maalmaha ka horreeyo waxaad dareemi kartaa xoogaa qoyaan nadiif ah oo xagge hoose ka yimaado, Labada maalmood ee ka dambaysane waxaa dareemi doontaa xoogaa qandho ama heerkulkaaga inuu sarreeyo.

Haddii aad rabtid in aa sii ogaatid xilliga ugu habboon ee aad uur yeelan kartid, waxaa jiro qalab kaadida lagu baaro oo aad farmashiga ka soo gadan karto oo loo yaqaano “OVulation predictor kit” oo howshiisu tahay in xilliga ugxanta la soo deynayo inuu kuu xisaabiyo iyadoo kaadida laga eegayo hormoonnada heerarkooda.

Daawo Ubahina Muse oo sharaxaysa fursadaha uur lagu qaado

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *