Sidee U Qori Kartaa Maqaal Tayo Leh

qor, maqaa tayo lehMarka hore Waxaa Mahad iskaleh Eebaha Ina Baray Qalinka iyo sida waxloo qoro

Marlabaad. MAQAAL tayo lihi waa qoraal kooban, qaniya, kaasoo xamnaarsan akhristuhuna kadhex helikaro xog balaadhan oo tiro iyo tayaba leh, taas oo qoraagu kasoo dheegay ilo cilmiyeed badan oo kala duwan. Islamarkaana qoraagu si hufan, habaysan oo hormaysan ugu dhex muujiyay qoraalkiisa. Waa qoraal xogtiisu u adeegayso xidhiidhna laleedahay mawduuca laga hadlaayo.Waa qoraal laga fiirsaday eraygiisa, weedhisiisa, nudayntiisa, nuxurkiisa iyo habka hadalka loodhigaayo, islamarkaana muujinaya baaxada cilmi baadhiseed ee qoraagu sameeyay iyo aqoonta uu uleeyahay MAWDUUCA UUKA HADLAAYO.

Intaanad qalinka iyo warqada isasaarin kafirikir im kumanaan qof akhriyi doonaan mawduucaagan, kuwaa oo raba inaad fikirkooda aqooneed kor uqaado. Xusuuso. In akhristuhu Mawduucaaga kabaranayo masalo ama cilmi isaga kadadan.Hadaba waxuu akhristuhu kuqanco oo runa usheeg. Qalinkaaga beenta iyo cayda habarin. Qalinkaagu hanoqdo mid waxdhisa, kana ilaali inuu waxdumiyo.

Waxyaabo badan ayaa xukuma tayada “Qoraalka Cilmiyaysan Eed Gudbinayso”:

a)Ururinta xogta gelaysa qoraalkaaga iyo weliba togashada ila cilmiyeedka aad xogtaa kasoo dheegayso, waxay qayb libaax katahay tayada guud ee qoraalkaaga. Ururinta xogtu waa arin ubaahan xirfad iyo aqoon gaara.Maaha inaad laf toobin kuhaysid ood wakhti badana kulumisid akhrinta macluumaad aan Xidhiidh toosa lalahayn mawduuca aad waxka qorayso. Waxaa lagaaga fadhiyaa inaad mudo aad uyar dhexqaado ilo aad ubadan oo kaladuwan kanasoodheegtid xogta muga leh ee gelidoonta qoraalkaaga, iyadoo aykuu kala baxsanyihiin Xogta Xaqiiqiga ah iyo Xogta aragti qofeedka ah(Facts and Views).

b)Qorshaynta: Habkaad uqorshaysid qoraalkaaga waa talaabo iyadna qayb ka ah TAYADA qoraalkaagaaga. Waa dhugashada aad siinayso sadexda waaxood ee qoraal kaagu ukala baxoYO: Waa hordhaca, qaybta dhexe iyo gebagebada. Waa qorshayntaada ah nooca iyo waxaad kuqorayso hordhacaaga, qaybtaada dhexe(main body), iyo gebagebadaada iyo weliba xadka aad ukala samaysid sadexdan waaxood iyogoo mawduuc qudha kuwada arooraya iyo sida aad ukala hufayso hormaynayso, unakala habaynayso Xogtii muga lahayd eedsoo ururisay una gelinayso Qaybya dhexe ee qoraalkaaga(The main body) adigoo leh xog heblaayo halkaasay gelaysaa, waxaanay xidhiidh laleedahay taakale….

c)Kala xadaynta sadexda waaxood ee qoraalkaagu waa mid muhiim ah, TAYO sare ayaanay siinaysaa qoraalkaaga. Hordhacu waa wejahada(reception) qoraalkaaga. Qoraal TAYO lihi waa qoraal hordhaciisu Soojiidankara dareenka akhristaha islamarkaana jeclaysiinkara xiisana gelinKara inuu Maqaalka ama sheekada sii akhriyo. Qaybta dhexe waa qaybta aygasho xogtii aad soo ururisay. Adoo is leh xogbadan sheeg yaan hadalkaad qoraysaa kula taraarin akhristuhu wakhtibuu kuxisaabtamayaa, badhgo’na mafiicna. Waxaa lagaaga fadhiyaa hadalkooban oo macnobadan xambaarsan. Waa qaybtan qaybta uu waxka barto akhristuhu, qancisa fikirkiisana waxkabadasha.
Gebagebadu waxay TAYO yeelaysaa markaad akhristaha tustid inaad gaadhay dulucdii qoraalkaaga. Iyada oo akhristuhuna kaba dheregsan Sobabta aydoodaadu halkaa ugu biyo aroortay.

Hadaan Soo gunaanadno mawduucan. Xad bayaana oo kala saara safexda waaxood ee qoraalkaaga. Cilmibaadhis iyo xog ururin aad soo samaysid intaanad qalika iyo warqada isasaarin. Hordhac soo jiidankara dareenka iyo shucuurta akhristaha. Xog tiro iyo tayaba leh ood ku lafagurtay qaybta dhexe ee qoraalkaaga. Kafiirsiga erayga, weedha, iyo nudayntaada, iyo Inaanad marnaba kabixin mawduuca aadkahadlayso. Waa waxyaabaha TAYO SARE UYEELI KARA QORAALKAAGA. Islamarkaana akhristayaal badan kukasban karto, fekerkoodana aad wax kaga badalikarto.

“Qoraalkan waxaan uhibeeyay dhalinyarta reer Somaliland Ee Wax Qorta”

QALINKAA WAXSUUREEYA
KUGUSIMA HALKAAD DOONTO….
Sunto fara kuhayntiisa
Weligaa hasii daynin
ku qotami sugnaan waarta
Iyo seeska nabadeeda
Kudawee samuud raaca
Midabadan lasooc soocay
Dadkan tobanka Saamooda
(Sirta Nolosha…Hadraawi)

WABILLAAHI TAWFIIQ

URURINTII IYO QALINKII
Prof: ISMAIL H. DUAlE (suufi)

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *