Sidee U Noqon Kartaa Qof Ku Fiican Wax Akhriska?

wax akhriska sidee wax loo xifdiyaaHordhac:

Akhrisku waa mid ka mid ah hilinnada aqoonta looga arooro.Waa quudka maskaxda. Waa dhex mushaaxa caqliyada dadka, waana nolol kale oo dheeraad ah. Bulshooyinka aayahooda aqooneed iyo horumarba waxa laga dheehdaa, sida ay akhriska ugu kala horreeyaan, qofkana ogaalkiisu wuxu gaadhsiisan yahay kalba inta akhriskiisu yahay.

Akhrisku bulshooyinka feejigan, mustaqbalkana abdo ka qaba, wuxu uga dhiganyahay, baahiyaha lagama maarmaanka ah, sida: cunista iyo cabista, ma qofbaa noolaan kara cunto iyo cabbis la’aan? Sidaas oo kale akhris la’aantuna waa xaalad taas la mid ah. Bulshooyinka aan dareemin qiimaha akhrisku leeyahay, ubadkooda aan ku ababin, waxyaalihii fududaynlahaana aan samayn, noloshooda ayey ka muuqataa, waxaaba la odhan karaa bulshada aan waxba akhriyini maba noola! Weedhsan.com.

Bulshadeennu waxay ka mid tahay, dadyowga aan dhaadanayn qiimaha aqoonta, aqoonyahan iyo caamaba arrintaa waa laga siman yahay, iyadoo ay sidaa ahayd baa maantana farsamooyinka casriga ah, iyo warbaahintu hoos u sii dhigtay akhriskii, waxase jira dad kooban oo akhriska ku howlan, karaankoodna dadaalaya, iyagoo aan haysani waxyaabihii akhriska ku badhitaari lahaa. Ma jiraan maktabado caam ah oo wax lagu akhristaa, mana jiraan dukaanno buugaag tayo leh iibiyaa, waxa kale oo yar ama aan jirinba, naadiyo akhris iyo xarumo aqoon-baadhiseed oo tayo leh.

Duruufahaas jira iyo kuwo kaleba inta wax akhridana, waxba masoo dhaafaan, oo dheeftoodu way yartahay, waa ayaan darro in qofku isagoo waxbadan akhriyey haddana aanu wax isbeddel ah ku keenin, hab fikirkiisa, akhlaaqdiisa, iyo hawl qabadkiisa toona, sirta akhrisku kuma jirto buugaag badan oo uu qofku akhriyo, waase abdada uu akhriska ka helo, bal u fiirso odhaahdan: “Saddex buug oo wanaagsan inaad akhrido, waxa ka fiican, inaad halbuug oo wanaagsan saddex jeer akhrido” Caqaad.

Suurogal maaha in aynu wax u akhrino, waan akhriyey, waxna u baranno, xarumaha aqoontana ugu noqnoqonno, si aynu u helno shahaadooyin, sidoo kale maangal maaha inaynu sidanno halkudhegyo aqooneed (aqoonyahan, wadaad, digtoor, barafisoor) oo aan waxba inooga hoosayn.

Si akhriskeennu abdo u yeesho, bal aynu waydiimahan dul istaagno.

Maxaynu wax u akhrinaa? Maxaynu akhrinaa? Sidaynu u akhrinaa?
Maxaynu waxa u akhrinaa?

Akhrisku waa noocyo badan yahay, dadkuna siyaalo kala geddisan bay akhriska u doorbidaan, in badan bay dhacdaa dadka qaar inay wax akhriyaan iyagoon wax ujeeddo ahba ka lahayn. Dhowrkan arrimoodbaase ugu badan ujeeddooyinka akhriska laga leeyahay:-

· Madadaalo: Dad badan baa wax u akhrista inay ku maararoobaan, waqtiga ay firaaqada leeyihiinna jecel inay buugta ku qaataan, akhriska madadaalaysani inta badan raandhiis ma yeesho, aqoon badanna lagama korodhsado, waxaaba suurtowda, qofku marka uu buugga dhammeeyo in aanu xasuusan magaca qoraha, iyo cinwaanka buugga.

· Xograadin: Qaybta ugu badan ee dadku waxay wax u akhriyaan baadigoobka xog ay u baahan yihiin, dhowr siyoodbaana qofku inuu xog helo ugu baahnaan karaa, mar aqoon ahaan buu ugu baahanyahay, mar shaqadiisa ayaa ku xidhan, marar kalena faduul baabu u raadiyaa xogta.

· Balaadhinta garaadka iyo fahmada: akhriska ujeedkiisu sidan yahay waa kan ugu hawl badan akhris oo dhan, wuxu u baahan yahay, dadaal dheeraad ah sidii aad u soo dhambalid lahayd, aqoonta aad akhriyeyso, naqdin ugu samayn lahayd, u soo koobi lahayd, una gudbin lahayd. Sidaa darteed qofka waan inaad doorataa waxa aad akhriyeyso.

Maxaynu akhrinaa?

Waxa jira dad maalin iyo habeenba wax akhriya, kuna indha madoobaaday, wararka ciyaaraha, ama siyaasadda, waqtiga badan ee la geliyeyna waxtar maskaxeed oo kaga soo noqda daayee, isku buuq iyo walbahaar ka qaada. Ujeeddadu maaha yaan la akhriyin, waxayse tahay, ma u qalmaan waqtiga aynu gelinno?

Aqoontu maanta way is kaabtaa, oo qof walba waxa la gudboon inuu meelo badan wax ka eego, mawduucyo dhowr ahna milicsado, isagoo mudnaan siinaya arrimahan soo socda:-

· Aqoonta Diinka: Si aqoontaadu u dheellitiranto, waa muhiim inaad akhrido diinta, fahamto kuna dhaqanto, Qur’aanka, Xadiiska, iyo culuumta shareecada oo dhan, waxay kaaga baahanyihiin, inaad joogtayso akhrintooda, si aad uga badbaado inaad wax aan diin ahayn, diin u mooddo, ama diinta wax ka mid ah inaad ismoodsiiso, in aanu ka mid ahay, waxaad kaloo ka bedqabi doontaa, ku dayashada indhaha la’.

· Akhri takhasuskaaga: Waa cilmi dhegood haddii inta laguu dhigay uun aad ku eekaato, waa muuhim aqoontaada inaad ballaadhiso, waxyabaha laga qoray baadigoobto, aragtiyaha kala geddisan isu minguuriso, mar walbana cusboonaysiin la dabajoogto.

· Milicsiga Sooyaalka: Akhriska sooyaalku waa u mihiim qofkii raba aqoontiisu inay meel marto, adigoo siday u kala mudanyihiin siinaya, akhri sooyaalka dalkaaga iyo bulshadaada iyo dunida kaleba.

· Aragtida kale: dunida loollan fikir baa ka jira,qolo walibana waxay rabtaa in aragtideedu meel marto, tan kalena hilfaha ay u laabaan, xilbaa kaa saaran ummadda aad aqoonyahanka u tahay, inaad fikradaha duullaanka ku ah, gaashaan uga noqoto, meelaha la soo qariyey, daaha ka faydo, caddaymaha ay aragtidooda ku ayidayaanna burburiso, taasina kuu soo geli mayso, haddaanad akhriyin oo baadhin aragtiyaha kugu liddiga ah.

Inahaasi waa kuwa aan u arkay muhiim, way jiraan dhinacyo badan oo kale oo aanan tilmaamini. Mawduucyadaa kala duwan si aad kansho ugu hesho waa in uu jiraa manhaj akhris oo aad raacdaa. Weedhsan.com.

Sidaynu wax u akhrinaa?

Mar haddaynu isla garannay in waxa la akhriyayaa, kala jaad yihiin, mid waliban u baahanyahay inaad waqti ku filan siiso, waxa lagama maarmaan ah in qofku yeesho, qorshe balaadhan oo akhris, oo weliba isaga u gaara, duruufihiisa dhaqaale, waqti iyo nololeed ee uu haystana ku habboon.

Qodobbadani waa kuwa ugu muhiimsan ee kugu hagi kara akhris caqiibo leh.

Qorshe akhris: Hakuu diyaarsanaadaan mar walba waxa aad akhriyeysaa, qorshahaaga, waxaad ka dhigi kartaa, todobaadle, bille, ama sanadle.

Waqti go’an: Akhriskaagu ha lahaado waqti sugan oo aanad howl kale qaban, haba yaraado waqtigaasiye, waa inuu joogto noqdaa.

Diiwaangeli aqoonta: Mar kastoo akhriskaagu kordhaba aqoon cusub baad helaysaa, irrid horlihina way kuu furmaysaa, aad bay kuu anfacaysaa inaad si nidaamsan u diiwaangeliso waxii faa’iido ah ee kaa soo hor baxa.

Maktabad samayso: qof kastoo akhriska u heellani, buugaagta waa inuu kaydsadaa, dhaqaalihiisana in macquul ah uga qoondeeyaa buug iibsiga, iyadoo maanka lagu hayo, duruufaha jira, bahda akhrisku buugta ha kala ergisteen, aad bay u sii wanaagsanayd, qofkii buug qaali ah iibsadaa, marka uu si wacan u akhristo, haddii uu dib u iibiyo isagoo qiimihii laga siiyey kala badh ka dhigay.

Aqoonta gudbi: Aqoonta aad akhriday haddii waxba looga aayi waayo, dadkuna ka qatanaadaan, haan gun la’ baad tahay, markasta ku dadaal inaad wixii kaaga bidhaama dadka la wadaagto. Qoraal baad ku gudbin kartaa, hadal baad ku gudbin kartaa, dood baad ku gudbin kartaa.

Akhris wadaag: horaa loo yidhi: far keli ahi fool ma dhaqdo. Akhriste kasta waxa la gudboon inuu yeesho jaalle akhris, laba qof ama wax ka badan, oo hadba wixii ay akhriyaan falanqeeya, ka dooda,dhuuxa, aragtiyana ka soo dhiraandhiriya.

Gebogabadii akhristuhu waa laba mid uun, mid waxa uu akhriyayo, isu dhiiba, sida midhaha daraygana duuduub ugu liqa; Iyo mid waxa uu akhriyayo rogroga dhinacyo badanna ka eega, naqdiya, gorfeeya, faham guudna ka qaaata qoraagana dood joogto ah kula jira. Weedhsan.com. Akhrisku u dhabaradayg iyo feejignaan badan buu kaaga baahayahay, adkaysigu wehelkaaga ha noqdo.

Cabdikariim Xuseen

Email:cabdikarim89@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *