Sidee U Maaraysaa Mushkiladaha?

side ula macaamaloonaysaa mushkiladaha ?

  • Xusuunow iska dhega tirka mushkiladaha iyo xal u raadin la’aanteeda  in ay horseedayso mowqifka uu sii adkaada iyo mushkiladihiiyoo kuwa kale oo badan  sii dhalaan.
  • Xaddid mushkiladaha aad doonayso inaad xalisida adiga oo u dhaqaaqaya xallinteeda, waxaadna ogaataa  in mushkiladda si wanaagsan loo gartaa ay  tahay midda la doonayo in la garto halka ay ku wajahan tahay.
  • Waa in aad xaddiddaa waxyaabaha lagu xalin karo iyo waxyaabaha caqabadda ku noqon kara oo hadhow saameyn ku yeelan karto mushkiladda aad doonayso in aad xalisid.
  • Waa in aad xaddiddaa barnaamijkaaga ah waxa caqabadda ku noqon kara xallinta mushkillada . Isla markaasina qof masuul uga dhigaya uuna kaaga kaaga soo gudbiyo qoraal faahfaahsan oo ku saabsan arrinta jirta.
  • Balaari la tashiyada aad samaynayso, waana in ay ahaataa mid xaddidan adiga oo markaasi u kuur galaya ogaanshaha waxa sababay mushkiladda mushkiladda.
  • Ku dadaal macluumaadkii aad soo ururisay in ay yihiin kuwa ku salaysan xaqiiqda oo aan qofna lagu dulminaynin.
  • Si waadax oo kooban u qor mushiladii kaa soo wajahday dhinaca shaqada.
  • Isku day in aad si fudud u kala saartid mushkilada iyo waxa muuqda  adiga oo markaasi adeegsanaya xirfaddaada iyo mowqif markaasi kaa dalbanaya in aad go’aan qaadatid.
  • Ururi macluumaadka mushkiladda ku hortaala, waxaadna ogaataa in macluumaadku uu yahay awood.

Qore: Al-Ustaad Mohamed Ali Juhaa

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *