Sidee Qofku Isaga Ilaalin Karaa Fakarka Xad-Dhaafka Ah

Inta badan qofka waqtiyada qaarkii wuxuu ku dheeraada ka fakarida arrin ku xeeran noloshiisa taasi oo marka danbe ku dhalisa jaahwareer iyo kalsooni darro ,sidoo kale go’aan qaadasho xumo ukeenta mustaqbalkiisa ,ururka isutaga maraykanka ee ka hadla arrimaha saykoolijiga (nafsadda) ee ( AMERICAN PSYCHAITRIC ASSOSIATION) ayaa ku qeexay qofka fakarka badan inay tahay arrin dhowr jeer kusoo laaban karta ,waana wax ku saabsan maaraynta nolsha qofka ,

Hadaba fakarka badan waxaad uga guulaysan kartaa adigoo suubinaayo qodobadaan soo socda :

1-Dareensii caqligaada inuu ka hortago fakarka xadh-dhaafka ah, adigoo isticmaalaya ama xasuusanaya mirihii xumaa ee ka dhashay fakarka caqligaada mashquuliyay

2- xiro maro yar ama waxaad gacanta gashato si uu kaaga horistaago dabeecadda fakirka badan keenta

3-iska badal arigtida xun ee markasta kugu dhalinaysa fakar badan adigoo raadinaya arigtida toosan

4-kala tasho arrimaha kugu xeeran asxaabtada ugu fiican ee arigtiyada toosan leh

5-isku mashquuli nafsadaada xilliga uu fakarka badan kula soo darso ,isku mashquuli xisaabta bisha intaad shaqaysay ,gadashada baabur cusub iwm

6-badso ciyaarta jimicsiga ah si aad uga hortagto fakarka badan ,markaad ciyaarto waxaa jirka ku badanaya soo daynta hormone-ka (endrofone iyo serotonine) kuwaas oo qofka qalbigiisa ku abuura farxad iyo raynrayn

8-qor inta jeer ee aad maalinkii fakarto si aad u ogaato inta u dhaxayso natiijada fakirkaada iyo saacadaha aad fakartay

9-u istaag qabashada shaqada aad isla waqtigaas ku fakartay si aad uga hortagto labalabaynta

10- ogow markasta go’aan qaadashadaada inaysan sax ahaan doonin 100% taasina aysan aheyn wax kaliga gaar kugu ah ee dadka oo idil ay kulamid yihiin

Hadaadan tilaabooynikaan aan kor kusoo xusnay aadan sameyn waxaa laga yaaba inaad ka dhexashid  fakarka badan :

-wado xun oo ku gaysa natiijo xumo

-Cuduro badan oo psychiatric ah oo aad ka dhaxlayso sida :walwal iyo walbahaar,kalsooni darro

-Hurdo la’aan

-Waqti lumis badan

-Nolo xun oo aan raaxo lahayn

W/Q: Dr Usama Cismaan

Check Also

cimriga bini aadamka, cimri dherer,

Caadooyin Qofka U Horseedi Kara Cimridherer

Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *